Muqdisho (RBC) Masuuliyiinta wasaaradda warfaafinta dawlada federaalka Soomaaliya ayaa dilkii wariye Maxamed Ibraahim Raage oo ka tirsanaa idaacadda iyo telefishanka dawlada ku eedeeyay kooxda Al Shabaab.
Agaasimaha idaacadda Radio Muqdisho C/raxiim Ciise Caddow ayaa sheegay in dilka wariye Maxamed Ibraahim Raage uu noqonayo dilkii shanaad oo Al Shabaab ay u geysteen wariye ka tirsan idaacadda iyo telefishanka qaranka.
“Al Shabaab wariyaasha kaliya ma dilaan, ee waxay dilaan cid kasta oo bulshada waxtar u leh waxay dileen Sheekh C/qaadir Nuur Faarax “Gacamey” oo ay Garowe ku dileen, Sheekh Axmed Xaaji C/raxmaan oo ay Boosaaso ku dileen, sidoo kale waxay gaarigiisa bambo u geliyeen Sheekh Bashiir Axmed Salaad.” ayuu yiri C/raxiim Ciise Caddow.
Sidoo kale waxaa eedeyntaasi jeediyey wasiirka warfaafinta iyo wasiir ku xigeenka oo sheegay in dilalkan Al Shabaab ay uga dan leeyihiin inay aamusiyaan wariyaasha iyo warbaahinta, iyagoo ku goodiyey in dawladu ka hari doonnin kooxahaasi.
“Waxaan cadawga Illaahay iyo kan umada Soomaaliyeed ee baneystey dhiigga dadka Muslimiinta u sheegeynaa inaysan hakin doonin shaqada warbaahinta Soomaaliyeed mid dawlad iyo mid gaar ahba.” ayuu yiri wasiirka warfaafinta C/laahi Xersi Ciilmooge oo hadda ku sugan wadanka Switzerland.
Wasiirku wuxuu dadweynaha ka codsaday inay ciidamada amaanka kala shaqeeyaan sidii loo qaban lahaa loona ciqaabi lahaa kooxaha dilka wariyaasha geysta.
Wasiir ku xigeenka warfaafinta Ibraahim Isaaq Yarow oo xalay ka hadlay dilka wariye Raage ayaa sheegay inaysan ahayn markii ugu horreysay oo Al Shabaab ay dilaan qof Soomaaliyeed oo qiime leh.
“Al Shabaab kuma cusba inay wariye disho, waxaanse u sheegeynaa in caddaalada la hor keeni doono kuwa dila wariyaasha.” ayuu yiri wasiir ku xigeenka oo ka hadlay idaacadda dawlada.
Inkastoo Al Shabaab afhayeenadooda si toos ah u sheeganin dilka wariye Maxamed Ibraahim Raage ayaa haddana mareegaha ku hadla afkooda ayaa tan iyo xalay qorayey kana faaloonayey dilka wariyaha oo ay ku sheegeen inuu u shaqeynayey “warbaahin cadow” siday sheegeen.
Soomaaliya waxaa lagu dilay in ka badan 35 wariye tan iyo sanadkii 2005, kuwaasoo Al Shabaab ay horey u sheegatay qaar ka mid ah dilalkaasi. Waxayna Al Shabaab wariyaasha Soomaaliyeed ugu yeertaa inay yihiin basaasiin u adeega wadamada Gaalada.
Allah ha u naxariistee wariye Maxamed Ibraahim Raage oo ahaa 34 jir waxaa xalay maqribkii kooxo hubeysan ay ku toogteen albaabka gurigiisa oo ku yaalla xaafadda Macmacaanka ee degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho waxyar kadib markii uu ka soo rawaxay shaqadiisa. Wuxuu ifka kaga tagay hal xaas iyo labo gabdhood oo yar yar.
Wariyahan ayaa noqonaya wariyihii afraad oo sanadkan 2013 oo hadda afar bilood laga qaatay lagu dilo Muqdisho taasoo walaac kale ku abuureysa suxufiyiinta ka shaqeeya warbaahinta guud ahaan Soomaaliya ku taalla.
RBC Radio