Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20163

Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya oo Cambaareysay Dilka Wariyihii Radio Muqdisho Maxamed Ibraahim Raage

$
0
0

Wasiir ku Xigeenka Warfaafinta Ibraahim Isaaq Yarow.

Muqdisho (RBC) Masuuliyiinta wasaaradda warfaafinta dawlada federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii xalay lagu dilay wariye Maxamed Ibraahim Raage oo ka tirsanaa idaacadda iyo telefishanka dawlada ee Radio Muqdisho iyo SNTV.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta, boostada iyo isgaarsiinta Ibraahim Yarow Isaaq oo ka hadlay dilka wariyaha ayaa sheegay in dawlada aysan ka hari doonin kooxaha caadeystay dilka wariyaasha isagoo sheegay in kooxda Al Shabaab ay tahay mida ka dambeysa dilka iyo beegsiga lagu hayo wariyaasha Soomaaliyeed.

Wasiir ku xigeenku wuxuu sheegay in ujeedada loo dilayo wariyaasha ay tahay in la joojiyo shaqada warfaafinta ee ay bulshada ugu gudbinayaan xaqiiqada dalka ka jirta.

“Al Shabaab kuma cusba inay wariye disho, waxaanse u sheegeynaa in caddaalada la hor keeni doono kuwa dila wariyaasha.” ayuu yiri wasiir ku xigeenka oo ka hadlay idaacadda dawlada.

Agaasimaha Radio Muqdisho C/raxiim Ciise Caddow oo isaguna ka hadlay dilkan ayaa sheegay in wariye Maxamed Ibraahim Raage uu noqonayo wariyihii shanaad ee ay Al Shabaab ka disho warbaahinta dawlada ayna ka mid yihiin labaatameeyo wariye oo labadii sano ee la soo dhaafay lagu dilay gudaha dalka.

“Al Shabaab wariyaasha kaliya ma dilaan, ee waxay dilaan cid kasta oo bulshada waxtar u leh waxay dileen Sheekh C/qaadir Nuur Faarax “Gacamey” oo ay Garowe ku dileen, Sheekh Axmed Xaaji C/raxmaan oo ay Boosaaso ku dileen, sidoo kale waxay gaarigiisa bambo u geliyeen Sheekh Bashiir Axmed Salaad.” ayuu yiri C/raxiim Ciise Caddow.

Allah ha u naxariistee wariye Maxamed Ibraahim Raage oo ahaa 34 jir waxaa xalay maqribkii kooxo hubeysan ay ku toogteen albaabka gurigiisa oo ku yaalla xaafadda Macmacaanka ee degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho waxyar kadib markii uu ka soo rawaxay shaqadiisa.  Wuxuu ifka kaga tagay hal xaas iyo labo gabdhood oo yar yar.

Wariyahan ayaa noqonaya wariyihii afraad oo sanadkan 2013 oo hadda afar bilood laga qaatay lagu dilo Muqdisho taasoo walaac kale ku abuureysa suxufiyiinta ka shaqeeya warbaahinta guud ahaan Soomaaliya ku taalla.

Sidoo kake dulka wariyaha waxaa cambaareeyay Ururka Suxufiyiinta Qaranka ee NUSOJ oo ku tilmaamay dilkan mid naxdin leh.

Illaa hadda ma jirto wax war ah oo ka soo baxay hay’adaha amaanka oo u xilsaaran xaqiijinta amniga guud ahaan muwaadiniinta.

 

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20163

Trending Articles