Gaalkacyo[RBC Radio]Waxaa maantey mar quraa istaagey isuu socodka iyo dhaqdhaqaaqyadda suuqi weyna ee ganacsiga magaaladda Gaalkacyo ee xaruunta gobolka Mudug waxana ay arintaan ka danbeysey kadib markii garoonka diyaaradaha magaaladda Gaalkacyo lugu dilay nin kasoo jeedda koonfurta magaaladda Gaalkacyo oo ay ka arimiso maamulka Galmudug.
Dilka ayaa dhacay ka dib markii kooxo hubeysan oo ka soo jeedda koonfurta Gaalkacyo oo isku dayay inay hub lagalaan Garoonka waxana arintaasi ka soo horjestey ciidamada ammaanka garoonka oo diidey in hub lala galo garoonka waxaa ay ay sabbabtey in iska hor imad kooban oo halkaasi ka dhaco waxaa ana goobta ku dhin tey mid ka mid ah kooxihi hubesna halka mid kalana uu dhawacmey .
Shaqaaqada ayaa dhalisey in gabi ahanbaa uu istaago shaqadii suuqa weyn ee magaaladda kaasi oo magaaladda kaga beegan dhanka koonfured,qoraxdda ayaana ugu dhacdey maantey iyadoona aysan shaqeeyen baqaaraddi ganacsiga ee suuqa.
Mid ka mid ah ganacsatadda suuqa weyn ee magaaladda Gaalkacyo oo la hadley shabakada Raxanreeb ayaa sheegey in xiligaan ay suuqa uu xiran yahay isla markana ay xiligaan ku sugunyihiin guddaha suuqa illaalada gaarka uu ah suuuqa,waxaa uu intaa ku darey in xiritaankan ay timid baqdiin ku timid ganacsatada iyagona ka cabsi qabey dirir dhex marta labada maamul.
Illaa iyo xiligaan majirto cid ka hadashey shaqaaqadasi dhimashadda dhalisey waxana inoo sura gali weydey xiriiro anuu la sameyney masuuliyinta Galmudug iyo Puntland.
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio
Xafiiska Gaalkacyo