Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

DEG DEG: Rag Hubeysan oo Goordhow Wariye Ka Tirsan Radio Muqdisho Ku Toogtay Muqdisho

$
0
0

Muqdisho (RBC) Rag hubeysan ayaa goordhow degmada Dharkeenley ku toogtay Allah ha u naxariistee Wariye Maxamed Ibraahim Raage (Honest) oo ka tirsanaa idaacadda iyo telefishanka dawlada Soomaaliya.

Idaacadda Radio Muqdisho ayaa xaqiijisay geerida wariyaha oo lagu toogtay albaabka gurigiisa xilli uu kasoo laabtay xarunta shaqada.

Sida Raxanreeb ay u sheegeen dad ku sugan degmada Dharkeenley waxaa wariye Maxamed Ibraahim Raage soo weeraray labo nin oo ku hubeysnaa bastoolado kuwaasoo ku weeraray albaabka gurigiisa oo ku yaalla xaafada Macmacaanka ee degmada Dharkeenley abaare 6:00 maqribnimo ee caawa waxyar kadib markii uu ka soo laabtay shaqada.

Maxamed Ibraahim (Honest) waxaa uu mudo dheer ka shaqeynayey qeybta farsamada ee raadiyaha waxaana uu ka mid ahaa wariyaasha Soomaaliyeed ee mudada dheer ka shaqeynayey idaacadaha dalka. Muddooyinkan dambe waxaa uu ka shaqeynayey dhanka telefishanka iyo wararka raadiyaha.  Sidoo kalana wuxuu ahaa sawirqaade.

Tifaftiraha idaacadda Radio Muqdisho Maxamed Abuukar ayaa sheegay in wariyaha abaare 5:00 galabnimo uu ka rawaxay xarunta idaacadda kadib markii maanta uu ka mid ahaa wariyaashii ka soo waramay xarunta baarlamaanka.

Allah ha u naxariistee Marxuumka waxaa uu ahaa aabe leh xaas iyo dhowr carruur ah oo uu isagu u ahaa ruuxa u shaqeeya.  Wuxuuna deganaa degmada Dharkeenley halkaasoo eheladiisana ay ku nool yihiin.

Waa wariyihii afraad oo Muqdisho lagu dilo sanadkan 2013 oo hadda afar bilood kaliya laga qaatay.  Sanadkii hore ee 2012 ayaa dalka waxaa lagu dilay 18 wariye oo badankood dilalkooda ay sheegteen kooxda Al Shabaab.

Bahda Shabakada Raxanreeb Online waxay tacsi u dirayaan qoyskii iyo ehelkii uu ka tagay wariye Marxuum Maxamed Ibraahim Raage.  Innaa Lilaahi waa inaa Ileyhi Raajicuun

 

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles