Muqdisho(RBC Radio) Madaxweynaha Jamhuurida federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafti uu hogaaminayo ayaa goordhow kasoo dagay garoonka diyaaaradaha Muqdisho ee Aaddan Cadde waxaana madaxweynaha si diiran usoo dhaweeyey masuuliyiinta labada gole ee dowlada oo ay horkacayeen gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo /wasaare Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid.
Madaxweynaha ayaa mid mid u gacan qaaday masuuliyiintii kusoo dhaweeyey garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho,madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dalka Ethiopia kaga soo qaybgalay shirkii looga hadlayey amniga qaarada oo ay ka qaybgaleen madaxda wadamada Afrika.
Wasiirada arimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee xukuumada Soomaaliya ahna R/wasaare ku xigeen Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan oo ka mid ahayd waftigii madaxweynaha ku wehlinayey safarkii uu kaga qaybgalay shirka madaxda wadamada Afrika ay ku lahaayeen dalka ethipia ayaa ka warbixisay waxyaabihii ay uga soo qabsoomay ka qayb galkooda shirka Afrika.
Fowziya ayaa sheegtay in shirkaas looga hadlayey waxyaabaha keenay dagaalada iyo khilaafka inbta badan ka dhaca wadamada qaarada Afrika iyo sidii loo maareyn lahaa arimaha keena amnixumada qaarada waxayna sheegtay in dowlada Soomaaliya ay kasoo faa’iiday talooyin badan oo shirka laga soo jeediyey kuwaas oo ahaa dhaxal gal wax weyn ka qaban kara kagudbida marxaladaha amni xumo ee dalka ka jira.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho