Muqdisho(RBC Radio) Xukuumada Soomaaliya ayaa sheegtay iney lagama maarmaan tahay in Soomaalidu ay si hagaagsan u maareyso deeqaha ay ka hesho beesha caalamka wuxuuna tilmaamay in ka xukuumad ahaa ay diyaar la yihiin qorshayaal cad cad oo ay ku maamulayaan deeqaha ay Soomaaliya ka hesho wadamada dibada.
R/wasaare Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ayaa hoosta ka xariiqay in dhammaan hay’adaha dowlada looga baahan yahay iney si wanaagsan u maamulaan dhaqaalaha soo gala ee ka yimaada wadamada deeqaha bixiya.
Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ayaa baarlamaanka ku booriyey iney dhexdooda ka bilaabaan isla xisaabtanka dhanka dhaqaalaha soo gala hay’adaha kala duwan ee dowlada Soomaaliya,wuxuuna carrabka ku adkeeyey in hadii si wanaagsan loo maamulo dhaqaalaha dalka soo gala intaasi ay dhiiri galin doonto in wadamada caalamku ay Soomaaliya u fidiyaan taageero hagar la’aaneed.
Wasiirka koowaad ee xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon ayaa tilmaamay,beesha caalamka ayaa xukuumadihii kumeelgaarka ahaa ee dalka soo maray ku eedeyn jirtay iney musuqmaasuqaan dhaqaalaha loogu deeqo taasoo dhaawac weyn u geysatay kalsoonidii uu caalamku ku qabay Soomaaliya.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho