Addis ababa(RBC Radio) Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku booriyey hogaamishaaya Afrika iney kaalin weyn ka ciyaaraan joojinta dhibaatada lagu hayo biyaha Soomaaliya madaxweynaha ayaa ka dalbaday madaxda dalalka Afrika iney Soomaaliya ka caawiyaan dhibaatada ba’an ee lagu hayo biyaha dalka Soomaaliya oo aan lahayn ciidan qaran oo ilaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeedinayey shirka Tana Forum oo ay Addis ababa ku lahaayeen madaxda qaarada Afrika ayaa sheegay in biyaha Soomaaliya ay ka socdaan dhibaatooyin aan lasoo koobi karin oo lagu hayo xeebaha Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in xeebaha Soomaaaliya ay ka jiraan dhibaatooyin badan oo isbiirsaday oo ay ka mid yihiin xaalufin ba’an oo ay ku hayaan maraakiib shisheeye,Hub si sharci darro ah loogu kala iibsado gudaha biyaha Soomaaliya oo uusan sheegin cida kala iibsata hubkaas.
Wxuuna sidoo kale tilmaamay madaxweynuhu in biyaha Soomaaliya lagu soo daadiyo haraadiga hubka halista ah ee Nugleerka iyo burcad badeednimada oo ku baahday biyaha Soomaaliya,wuxuuna ka dalbaday madaxda wadamada qaarada iney dowladiisa gacan kasiiyaan sidii looga hortagi lahaa dhibaatooyinkaas ka jira xeebaha Soomaaliya.
Xasan Sh madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku nuuxnuuxsaday in hadii aan Soomaaliya laga taageerin ay dhibaatada xeebaha Soomaaliya ka jirta saamayn ku yeelan doonto guud ahaan wadamada qaarada sidaa darteedne madaxda reer Afrika ay u istaagaan sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen dhisida ciidanka badda Soomaaliya si ay u hantaan amniga biyaha Soomaaliya.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho