Muqdisho(RBC Radio) Taliska ciidanka xooga dalka ayaa sheegay iney gacan bir ah ku qaban doonaan dadka caadeystay iney shacabka ku dhibaateeyaan direyska ciidanka xooga dalka abaanduuliyaha ciidamada qalabka ee Soomaaliya Gen. C/risaaq Khaliif Cilmi ayaa daboolka ka qaaday in qorshaha ugu horeeya ee taliska ciidanku uu yahay la dagaalanka kooxaha dadka ku dhibaateeya direeska ciidanka.
Abaanduulaha ciidamada xooga dalka ayaa hoosta ka xariiqay in hogaanka ciidamada dowladu ay fulinayaan amarkii kasoo baxay madaxweynaha qaranka Soomaaliyeed Xasan Sh Maxamuud ee ku saabsanaa in la toogto askarigii shacabka dhibaateeya.
“Cidne ka yeelli mayno iney shacabka dhibaateeyaan ha ahaadaa ciidamada dowlada ama dad kusoo labistay direeska ciidanka,waxaan ku qaban doonaan dadka caadeystay waxyeeleynta shacabkeena gacan bir ah” ayuu riyi abaanduulaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed C/risaaq Khaliif Cilmi.
Abaanduulaha ayaa sheegay in taliska ciidanku uu ka warqabo iney jiraan dad ka ganacsada dharka ciidanka arintaasne ay ku hayaan dabagal iyo baaritaan cidii lagu qabtane lagula xisaabtami doono,wuxuuna carrabka ku adkeeyey iney xakameyn doonaan kana hortagi doonaan in si fudud ay cid walba ku hesho direeska ciidamada dowlada kadibne ay bulshada ku dhibaateyso ssida weerarkii ugu danbeeyey ee lagu qaaday maxkamada gobolka Banaadir oo ragga fuliyey ay xirnaayeen direeska ciidanka dowlada.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho