Gaalkacyo[RBC Radio]Magaaladda Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxaa maantay kulan balaaran ku yeeshey qaar ka mid ah nabadoona gobolka Mudug,waxana ay kulan kooda kaga hadleen arimo dhor ah oo ay ugu mug weynayeen taagerid balaaran oo ay taageren dhismaha maamulka Jubba-land iyo jawaab kulul oo ay ka bixiyeen hadal dhawan ka soo yerey odayaasha beelaha Hawiye oo ay kaga hadleen arimaha gobolada Jubbooyinka.
Nabadoonada ayaa waxaa ay sidoo kale kulan koda baaq ugu soo jediyen dowladda faderaalka ah ee Soomaaliya waxana ay ugu baaqen inay ka qay qaatan dhismaha maamulka Jubba-land isla markana ay ka dhex muqdaan dorka ay ku leeyihiin shirkaas lugu dhisayo maamul kaasi.
Nabadoon Xuseen Siciid “Gaani”oo hadalka hor qatey ayaa sheegay in kulan kooda maantey ay isugu yimadeen baaq ay u dirayaan dowladda Soomaaliya ee uu madaxweynaha ka yahay madaxweyn Xasan Sheikh isla markana ugu baaqayan inay ka dhex muqato shirka Kismaayo ka socda la xisaabtana ay la samayso maamuladda ka dhismaya dalka dowladdana dhina ceda waajibka saran ay iska rogto oo ah inay iyadu gacan ka gesato dhismayaasha maamulada ka dhismaya dalka.
Nabadoon Cabdicasiis Aw Yuusuf “Xaarin” oo isna ka mid ahaa nabadoonadi kulanka hadalka kasoo jeediyey ayaa dhinacisa ku dhiri galiyay shacabka gobalada Jubbooyinka iyo Gedo inay midooban oo danahoda ka tashadan isla markana usoo jestaan sidii ay u dhisi lahayeen maamulka Jubba-land.nabadoon Xaarin ayaa intaas ku daray inay shacabka gobaladaas ay iska ilaa liyaan kana soo hor jestaan dadka an jecleen mid nimada gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.
Nabadoon Cabdicasiis Aw Yuusuf “Xaarin” ayaa dhinaca kale sheegay ina ay tageerayaan dhamanba cid kastaa oo maamul sameysanaysaa oo tageridooda ay san ku eken Jubba-land oo kaliya.
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio
Xafiiska Gaalkacyo