Muqdisho(RBC Radio) Bukaanada dhaawacyada halista ah ay kasoo gaareen weerarkii qorsheysnaa ee 14-kii bishan lagu qaaday xarunta maxkamada gobolka Banaadir ee ku jira cisbitaalada magaalada Muqdsiho kuwaas oo dalka gudihiisa aan wax looga qaban karin xaaladooda caafimaad ayaa dalbanaya in loo fidiyo gargaar caafimaad oo dibadda ah si loo badbaadiyo noloshooda.
C/qaadir Maxamed Cosoble oo ka mid ah 7 ruux oo ka mid ahaa dhaawacyadii tirada badnaa ee ku waxyeeloobay qaraxaas oo dhaqaatiirtu ay caddeeyeen inaan xaalkooda caafimaad waxba looga qaban karin gudaha dalka ayaa dalbanaya in dowlada Soomaaliya ay ka dhabeyso ballan qaadkii ay hore ugu samaysay dhibbanayaashaas oo ahaa iney adeeg caafimaad dalka dibadiisa ugu qaadeyso.
R/wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid oo 15-kii bishan booqday dakii ku dhaawacmay weerarkii ka dhacay xarunta gobolka Banaadir ee ku jira Cisbitaalka Madiina ayaa u ballan qaaday 7 ruux oo dhaqaatiirtu ay sheegeen iney xaaladooda caafimaad dalka waxba looga qaban karin in dowladu ay dalka dibadiisa u qaadeyso sida ugu dhaqsaha badan.
C/qaadir Maxamed Cosoble ayaa sheegay in markii raajada la saaray ay dhaqaatiirtu u sheegeen in kamid ah Feerihiisu ay jaban yihiin sidaas darteedne aan dalka gudihiisa waxba loogu qaban karin,wuxuuna ka dalbaday dowlada Soomaaliya iney meel mariso ballan qaadkii uu sameeyey R/wasaare Saacid.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho