Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Daahir Amiin Jeesow:Hadii aysan wada shaqayn shacabka iyo Ciidanka nabadgalyada Muqdisho laguma guuleysanayo

$
0
0

Muqdisho(RBC Radio) Gudiga amniga iyo arimaha gudaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in amniga caasimada Muqdisho uusan sugmi doonin hadii aysan wada shaqayn dhab ah wada yeelan ciidamada amniga dowlada Soomaaliya iyo shacabka ku dhaqan caasimada Muqdisho.

Gudoomiye ku xigeenka gudiga arimaha gudaha iyo amniga qaranka baarlamaanka Soomaaliya xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in hadii aysan amniga caasimada si wada jir ah uga wada shaqayn qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan  caasimada iyo laamaha amnigu aysan marnaba suurta galeen in la xaqiijiyo sugidda nabadgalyada magaalada Muqdisho.

“Hadii aan laamaha amniga lagu soo wargalin dhibaatada ay maleegayaan alshabaab ma sahlana in si fudud looga hortago dhibaatada ay shacabka la maaggan yihiin,waxaa looga hortagi karaa in shacabku ay soo sheegaan halka ay qaraxyada ku diyaarinayaa iyo meelaha ay ku sugan yihiin” ayuu yiri xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah gudiga arimaha gudaha iyo amniga baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ineysan qarin hadii ay arkaan dhibaatooyinka ay maleegayaan, alshabaab wuxuuna ka dalbaday iney ciidamada ku wargaliyaan,xildhibaanka ayaa sheegay in hadii hal meel looga soo ada jeesto ay xaqiiq tahay in laga adkaanayo alshabaab oo uu sheegay iney horumarka iyo nolosha intaba u diidan yihiin umadda Soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles