London [RBC Radio]Madaxweynaha maamulka Soomaaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigii uu hogaaminaayey ee ku sugnaa maalmahanba Dalka Ingiriiska gaar ahaan Magaalada London ayaa fiidnimadi xalay kulan la qaatay R/wasaaraha Ingiriiska David Cameron.
Kulanka dhexmaray waftiga Siilaanyo iyo Ra’iisal wasaaraha Ingiriiska David Cameron ayaa ahaa kulan ay ku weheliyeen Wasiirka Arrimaha Dibeda Soomaaliland Dr. Maxamed CabdilaahI Cumar, Wasiirka Madaxtooyada Soomaaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan Safiirka Somaliland u fadhiya Ingiriiska Ambasador Cali Aadan Cawaale.
Intaa uu socdey kulan kaan ayaa waxaa la isla soo qaadey wada shaqaynta iyo xidhiidhka labadda dhinac ka dhexeeysa iyadoona si dhow loga hadlay xiriirka Ingiriiska iyo Soomaaliland.
Madaxweynaha maamulka Somaliland oo kulankaasi hadal ka jeediyey ayaa ku dheeraday sidii loo ilaalin lahaa wada jirka iyo wada shaqaynta dhexmarta labadda dhinac iyo sidii laysaga kaashan lahaa xoojinta iyo adkaynta nabad-gelyada geeska afrika, iyo sara uqaadista hour-marka iyo dhaqaalaha.
David Cameron R/wasaaraha Ingiriiska ayaa dhinicisa uga mahadceliyay waftiga Siilaanyo socdaalka ay ku yimaaden dalka Ingiriiska .
R/wasaaraha Ingiriiska David Cameron ayaa dhinaca kale soo bandhigay ahmiyada uu leeyahay shirka London lagu qaban-doono ee looga hadlayo arimaha Soomaalilada kaso horay ay Soomaaliland uga biya diidey in kasto madaxweynaha Soomaaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) sharaxaad laga siyey shirkaas, Cameron ayaa u sheegey Siilaanyo in Soomaaliland uu fa’iido uleyahay shirkaasi madaama sida uu sheegey arimo fara badan la isla soo qadi doono.
Kulan kaan ayaa imanayaa iyado Soomaaliland ay horay u sheegtey in shirka ka furmi doona London ay san ka qayb gali doonin,balse waxan la saadaalin karin in fikirka xiligaan laga badali karo maamulka Soomaaliland.
Hoos ka daawo muqaalka kulanka
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio