Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Sh Maxamed Ibraahin “Shakuul” oo bilaabay loolanka dorashadda madaxtinimo ee maamulka Jubba-land(Sawirro)

$
0
0
Sh Maxamed Ibraahin "Shakuul"

Sh Maxamed Ibraahin “Shakuul”

Kismaayo[RBC Radio] Iyadoo dhawr todobbaad oo kaliya ay inaga xigaan doorashadda madaxtinimadda ee maamulka jubba-land ayaa waxaa magaaladda Kismaayo musharixinta xil doon ka ah ay ka bilaaben sidii ay tageero doorsho oo aan cadi ahayn uga heli lahayeen dadka deegaanka,waxana xubno ka mid ah musharaxinta ay wadaan kulamo goni goni ah oo ay la qadanayaan dhamaan beelaha daga gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.Hogaamiyaha xisbiga nabadda, cadaaladda iyo horumarka Sh Maxamed Ibraahin “Shakuul” oo ka mid ah musharaxinta xiligaan loolanka adag ugu jiraa hoganka Jubba-land ayaa maantay kulamo bilow ah la qaatay xubno ka mid ah Odayaasha,waxgaradka iyo qurbo- jogta beesha Sade,waxana ay isla soo qaden sidu uu taageero uga heli lahaa beesha Sade.

Qar ka mid ah dadkii u kulanka la qate musharaxa Sh Shakuul

Qar ka mid ah dadkii u kulanka la qate musharaxa Sh Shakuul

Kulanka oo socdey muddo saacado ah waxaa intaa uu socdey musharaxa Sh Maxamed Ibraahin “Shakuul”uu soo bandhigay wax qabadkiisa haddii uu ku guulesto hogaanka maamulka Jubba-land.“Haddi an noqdo musharaxa ku guulesta madxatinimada maamulka Jubba-land waxaan xooga saari doona nabadgalyadda, cadaalada , horumarka ,caafimaadka iyo waxbarashadda ,waxaanan haddii rabbi idmo maalinta nala doorto bilaabaynaa dagaal mudo 90 maal mood gudahood aan xorayn doono deegaanada wali gacanta dawladda kamaqan”sidaas waxaa yiri gudoomiyaha xisbiga nabada, cadaalada, iyo horumarka “Sh,Maxamed Ibraahim Shakuul”.

Intaas kadib ayaa waxaa iyaguna hadalka qatay qaybihii uu musharaxu la kulmay kuwaaso ubadna Odayaal waxana ay weydiyeen su’aalo uu uga jawaabay, waxaana muran iyo dood dheer dhalisay Su’aal ay odayaashu waydiiyen Sh Shakuul oo ahayd sida haduu uu ku guulaysto madaxtinimada uu ka yeelayo ciidamadda shisheeye ee kusugan jubba-land gaar ahaana kuwa Kenya oo xudud la wadaaga gobolada Jubooyinka iyo Gedo, waxana uu arinka uga jawaabay in la dhisidoono ciidamo awood uleh sugida amniga.

Sidoo kale waxaa uu ku dheeraday ka hadalka sida xiligan uu aduunku u danaynayo in Jubba-land ay hesho maamul nidaam rabi taanka shacabka ah ku dhisan ,isgoo sheegay in dawladdo badan ay u balan qaaden hadii doorasho xor ah ay Jubba-land ka dhacdo in ay dhaqaale, badan ku bixin doonan dib u dhiska gobolada dagaal beeledyadu ay daashadeen.

Guud ahanba musharaxiinta utaagan inay qabtaan xilka madxatino ee maamulka Jubba-land ayaa xiligaan wada dadal ay ku doonayaan inay ay tageero ka helan dadka dega deegaanada Jubba-land.


Sh Maxamed Ibraahin "Shakuul" Qar ka mid ah dadkii u kulanka la qate musharaxa Sh Shakuul DSC01638 DSC01640 DSC01641 DSC01642 DSC01645 DSC01647 DSC01648 DSC01649 DSC01651 DSC01657 DSC01665 DSC01667 DSC01676 DSC01677
RBC Radio
Xafiiska Wararka Kismaayo

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles