Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Madaxweyne Xasan Sh. oo markale ku celiyey in jarista dhirtu ay danbi tahay

$
0
0

Muqdisho(RBC Radio) Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markale ku celiyey sida ay dowlada Soomaaliya u diidan tahay jarista dhirta dalka,madaxweynaha oo ka qaybgalyey xus loo sameeyey maaalinta dhir beeridda Soomaaliya oo lagu qabtay gudaha xarunta madaxtooyada qaranka ee Villa Soomaaliya.

Madaxweynaha oo war kooban ka sheegay munaasabadda ayaa ku sheegay in ay dambi ay tahay in la jaro dhirta  isla markaane dibadda loo  dhoofiyo. “Waxaa jira sharciya ay dowladda Soomaaliya kasoo saartay jaridda dhirta biloowgii 1970kii, Waxaa kale oo jira Qaraar ay soo saartay Qaramadda Midoobay oo ku aaddan dhuxusha iyo dhoofinteeda waa lama huraan in la dhaqan geliyo sharciyadaan” ayuu yiri Madaxweynaha dalka.

“Markale ayaan ku celinayaa dhoofinta dhuxusha waa danbi, Dhirteena waxaa ku xeran nolosheena, waa in aan hirgelino sharciyadda dalka iyo kuwa Caalamka si aan u badbaadno” ayuu mar kale yiri Madaxweyne Xasan.

Munaasabadda  Xuska maalinta dhir beeridda Soomaaliya oo lagu qabtay madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa ka qayb galay masuuliyiin ka socday qaramada midoobe,madaxweyne Xasan Sheekh ayaa intii munaasabdu ay socotay waxa uu beeray geed wuxuuna dhammaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay iney geedo ku beeraan guryahooda.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles