Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20159

22-sano kadib Gaalkacyo oo ka qayb galaysa tartanka Kubadda Koleyga ee dhawan ka furmaya Kampala

$
0
0
Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Koleyga Mudane Ibraahim Xuseen Cali RoombeGuddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Koleyga Mudane Ibraahim Xuseen Cali Roombe

Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Koleyga Mudane Ibraahim Xuseen Cali Roombe

Gaalkacyo[RBC Radio]Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Koleyga Mudane Ibraahim Xuseen Cali Roombe, ayaa qaaday Talaabo muhim ah kadib markii uu gudbiyay ducumenti ogolaanaya in degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ay ka qeyb gasho cayaaraha Kampala ka dhici doona 29 April taasi oo uu u diray guddiga cayaaraha magaalooyinka Bariga iyo Bartamaha Afrika.

 
Roombe guddoomiyaha xiriirka kubadda kolayga ayaa warqad sharciyeesan u diray Guddiga Cayaaraha, iyadoona ugu danbeyn kooxdii kasocotey  Gaalkacyo loo ogaladey inay ka qeyb gasho tartanka.

 
Mas’uuliyiinta Maamulka Puntland, Guddiga Cayaaraha Gaalkacyo iyo Bahda Isboortiga bulshadda reer Puntland ee ku dhaqan dalka dibadsa ayaa  boogaadin ujeediyay guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada Koleyga, iyagoona talaabada uu qaaday ku tilmaamay mid geesinimo, isla markaana uu ku hor marinayo Isboortiga dalka gaar ahaan Kubada Koleyga.

 

 

Degmada Gaalkacyo oo ka mid ah degmoyinka dalka Soomaaliya tarikhda dheer ku leh sportska ayaa noqonays muddo 22-sano kadib inay ka qeyb gasho tartankan oo kale.

 

 

Warqada uu Guddoomiye Roombe ku saxiixan yahay Halka Hoose ka aqriso.

 

 

 

 

 

 

 

Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio

Deegaan1994@gmail.com

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20159

Trending Articles