Soomaaliya mar kale dhiig waa loogu Wan-qali! (Qaybtii XVII-aad)
Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan
alle_yaqaan99@yahoo.co.uk
Juunyo 07 2014
Wax kasta waxaa hoggaan u ah dhallin-yarrada, waa sharafta iyo dheeha ummaddu huwantahay, dal kastana wuxuu ku qiimaysanyahay siduu u tayeeyo dhallin-yaradiisa, tayo kasta oo dhallinyarada yeelatana waxay kor u qaadaysaa guud ahaan heerka nolosha iyo il-baxnimada mujtamaca dalkaas, sidaa aawadeed ganacsatada iyagoo indhaha ku haya xaaladda dalka, ayeey gabeen inay waajibaad badan oo laga rabay inay horay ugu dhaqaaqaan.
Si kastaba ha ahaatee, wali kaalintaas way banaantahay, baahida la xiriirta in dhalin-yarrada lagu jiheeyo danaha umadda iyo dalka wali waajib la oran karo cidna iskuma dayin in gudato, arrintan in dhalin –yarada la baro lahaanshaha dalkoda, ummaddoda iyo inay u adeegaan waxa xilka ugu horeeyo uu ka sarnaa waalidka iyo macallimiinta, ka dibna waxay ahayd maadaama uusan dalka nidaam dowladeed oo uu umaddii midaynaya uusan jirin inay xilkaas qaadaan ganacsatada culumaa’udiinka iyo aqoonyahannada qaabeeya habkii dhallin-yarada Soomaaliyeed u yeelan lahaayeen xiriir mideeya dareenkooda qoomiyadeed iyo wadaninimo.
Ganacsatadeena ayaa wali moodaa inay joogaan heerkii bilowgii ganacsiga oo qofku oo koombo cusbo ah ku bedelanayay koob geleey ah! Waa qarnigee?!…..ganacsadaha maanta jooga dorkiisa ma aha oo keliya inuu inuu CANSHUUR bixiyo oo keliya hasa yeeshee wuxuu ka qayb qaataa qaaybaha kala duwan ee horumarinta bulshada, wuxuu ka fekeraa waxa uu ku soo kordhin karo ama uu ka qaban karo dhibaatooyinka soo wajaha bulshadiisa, hasa ahaatee maanta ganacsadaha Soomaaliyeed waxaa saaran waajib intaas ka weyn, si loo ilaaliyo dhismaha bulshada, waxaa loo baahanyahay inuu jiro nidaam dhaqaale oo siyaasadda uu ku shaqayniyo ama ku dhisanyahay ay leeyihiin ganacsatada Soomaaliyeed .
Waxaa halis weyn inooga soo wajahantahay nidaamka Globalization-ka ee dunida hayaanka u tahay, nidaamkan ayaa ah mid laqaya waddammada yaryar ganacsigoda iyo ilahooda dhaqaale, Soomaaliyana xaalada ay maanta ku jirto waxay sahlaysaa in khayraadka iyo wax kasta oo uu dalka leeyahay ay gacanta ku dhigaan dad aan Soomaali ahayn, tusaale ahaan wax kasta waxaa iibsanaya shrikado aajnabi ah, ayagaa beeraha laga gadayaa, kaluumaysiga iyagaa shati loo siinayaa, waxaa dalka soo galaya dukaamo waaweyn oo oo gada tafaariiqda isla markaasna laqaya kuweenii yaryaraa…..Yaa!….khatarahaas waxay u baahanyihiin in loo tabaabushaysto heerka aan maraynana…..
Ganacsatada waa inay ku foojignaataa walaac in dalkii laynaga qabsanayo qaybaha ugu muhiimsan ee ka hortegi kara waa iyaga, nin beerihiisii la yeeshay, kaluumaysigiisii la yeeshay, dowlad xisaabtamaysa oo xuquuqdiisa difaacaysa aan lahayn!… ka waran waziir saami doon ah oo aan arkayn lahaanshaha uu dad iyo dalba leeyahay! Oo aan arkayn inuu madax u yahay!… waxyaabahaas o dhan waxaa baajin kara in dhallin-yarrada hanti la geliyo, lana baro wadanka iyo waajibka ka saaran! In dhallin-yarada hanti la geliyo lana baro inuu leeyahay dalka iyo hantida taal oo dhan! In dhallin-yarada hanta la geliyo lana baro jacaylka diintiisa, dadkiisa, iyo dalkiisa…
Waxaan ka xumahay inta aan ka aqaan ganacsatadeena hamigooda ugu weyn wuxuu yahay oo keliya inay hanti tabcaan! Nin kasta waxaa ku jira tartan uu doonayo inuu shirkado aajnabi ah oo dalka maal-gashada uu keeno isna uu sida hanti ku sameeyo! Ninba dalka u ka heli karo bu rabaa inuu shirkad ka keeno, waxaa iyagana ceebahaas faraha kula jira siyaasiyiinta qaarkood oo iyaga mas’uuliyadda o shacabka ugu adeegyo u isticmaala una adeegsada gabod fal ay ku sameeyaan xilkii lagu amaanaystay……
Haddii ay is xilqaamaan run ahaantii ganacsatada waxyaabo badan bay dalka ka badbaadin karaan, arrimaha jirana waxay u baahanyihiin cid si dhaqso ah ula jaan qaadda oo fahma halkee geeddi loo yahay? Ummaddu ma ka war haysaa? Madaxda hadda joogta taladooda kama muuqato wax tabaabusha ah oo ay ugu jiraan inay hanaan iyo siyaasad qorhse fog leh oo ay ummadda ugu diyaarinayaan xilliyada kala guurka iyo xaaladaha ku soo fool leh dalka.
Yaad dalka ku haleynaysaa?! Is-weydii, Yaa dhallin-yarada lumaysa ku haleynaysaa? Bal hadda isku day inaad ka jawaabto! Marna gar heli maysid, wax garad iyo dad baa Alle ku siiyay, dad-san iyo dal-san baa Alle ku siiyay yaad ku haleynaysaa, si fiican u feker, xoolahaaga dadkaaga geli si gadaashaa dadkaagu sharaf ugu noolaado.
Al-shabaab run ahaan wax ay rabto lama yaqaan! Waxaan dhibaato ahayn iyo colaado joogta ah lagama macaashin, intii ay jirtayna maalin keliya uma malayniyo inay is weydiiyeen maxaa inoo hagaagay maxaase innaga khasaaray!… waxaad ka garanaysaa inaysan xisaabtamin siyaasadooda aan lahayn wax la dhawriyo, ama la xushmayniyo, wax kasta iyagu waa isugu mid! Bal adigu malee! Xataa magacyo Soomaali ah iyo dhawr nin waan aragnaa laakiin yaa huba ururkaan Al-shabaab Soomaalinimadiisa?! Runtii waa wax laga shakiyo, lama hayo maalin keliya oo ay wax dano Sooaaliyeed ku jiraan sameeyeen! Ma kuwaas baad ku haleynaysaa?!….
Mise? Ma waxaad ku haleynaysaa dowladda AMISOM maganta u ah, waliba ku faraxsan?! Ganacsatada ha is garato, waan hubaa macallimiinta iyo guud ahaan hay’adaha wax-barashada awlba iyagaa is xilqaamay oo iskaa wax u qabso bay ku shaqayniyeen, tusa abaalka ay mudanyihiin, waan hubaa inay diyaar u yihiin inay gacan ka geystaan wax kasta oo wax loogu qabanayo ummadda iyo dadka Soomaaliyeed….Hadaadan badbaadin dhallin-yarada dalka, haddaadan samayn xilka ay kaa mudanyihiin!!!!…..Ha gabin dadka iyo dalka !
Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan
alle_yaqaan99@yahoo.co.uk
_______________
Raxanreeb.com Waxa ay Tixgelin Gaara Siinaysaa Maqaaladaha Sida Gaarka ah Loogu soo Diro ee aan Lagu Daabicin Mareego kale.
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM
Use Facebook to Comment on this Post