__________
RBC Radio/Boosaaso
__________
RBC Radio/Boosaaso
RBC Radio Hiran. At least four people are confirmed dead on today’s late afternoon hours after Al Shabab fighters engaged an ambush attack with armed business people at Bulo-barde village environs in Hiran region.
This confrontation reported at Jexdin area which lies 32km west to Bulo barte Village came after the Al Qaida Linked fighters attacked armed local business people amid travelling between Bulo-barte and Guricel villages.
The business people who are said to have been adequately armed have resisted the Al Shabab fighters causing serious casualties.
Three Al-shabab fighters were killed in this confrontation and one of the business people that were attacks by the militants as local resident confirmed to RBC radio. However, Al Shabab militants claimed they have killed five and also seized three small arms.
Hiran administration has not commented on this attack so far.
Dhammaan Bahda Saxaafadda Puntland waxay Tacsi u dirayaan Rabbi ha u naxariisto Aabe Khaliif Faarax Maxamed oo maanta ku geeriyooday magaaladda Carmo oo ka tirsan gobolka Bari.
Tacsidan ayaa,waxaa si gaar ah u diraya Ugu horeyn Bahda Shabakadda Raxanreeb Online oo kala ah:
Faarax Axmed Caato.
Cabdalla Muumin
Cismaan Turaabi
Iimaan Maxamed Jaamac
Xuseen Cumar Xuseen
Ibraahim Dahraan
Cabdullaahi Y Xirsi
M C Axmed
Axmed F Cali
Maxamuud Xirsi
Cabdikhadar Shakra
Malyuun Cali
_____________________
Suxufiyiinta kale ee Tacsida diraya ayaa kala ah
1-Cabdiqani Cabdulaahi Cabdi.
2-Cismaan Axmed Ciise ”Turaabi”.
3-Nuux Muuse Birjeeb.
4-Maxamed Deeq Cabdala.
5-Cumar Siciid Maxamed.
6-Cabdinaasir Axmed Xusseen.
7-Aamino Ladan Axmed Cali.
8-Maxamed Siciid Yuusuf.
9-Abshir Cabdulaahi Farole.
10-Axmed Cawil Jaamac.
11-Sharmaarke Maxamed Warsame.
12-Cali Cabdi Ducaale.
13-Jaamac Dabaraani.
14-Ibraahim Maxamuud Yuusuf.
15-Maxamuud Fantastic.
16-Axmed Muuse Cali.
17-Axmed Maxamed Faarax.
18-Maxamed Maxamuud Saciid.
19-Siciid Minadar.
20-Faysal Khaliif Bare.
21-Maxamed Maxamuud Xaaji.
22-Ibraahim Saciid Saalax.
23-Maxamed Xirsi Cabdi.
24-Iimaan Maxamed Jaamac.
25-Maxamed Daahir Caynsane.
26-Maxamed Lakiman.
27-Maxamuud Cabdi Ibraahim.
28-Cabdiraxmaan Cabdi Maxamed.
29-Cabdiraxmaan Black.
30-Khaalid Cayuuni.
31-Cabdinaasir Siciid Maxamed.
32-Cumar Maxamed Soomane.
Dhammaantood waxay leeyihiin Marxuumka, rabbi ha u denbi dhaafo janadii fardowsana fadhigiisa haka yeelo. Aamiin Aamiin Aamiin
–
Cismaan Turaabi
Somali foreign and international investment minister Abdirahman Duale Beyle had met his Chinese counterpart Wang Yi. the two officials have discussed the reinforcement of the diplomatic ties between the two countries.
Bilateral meeting held at the Chinese foreign ministry centre in Beijing between the two ministers has focused mainly on security conditions of Somalia and the trade bonds between china and Somalia. The ongoing Chinese implementing projects in Somalia also includes issues talked about in this meeting.
Daule addressing the meeting commented on the security improvements so far achieved in Somalia and the plans of restoring law and order in all the regions of the country.
In addition, Dualle stated that Chinese government is expected to extend support for Somalia which can lead to creation of more jobs for the people of Somalia.
On the other hand, Chinese foreign relations head Wang Yi has congratulated the young federal government of Somalia for the efforts of restoring peace in Somalia adding that China has close diplomatic relations with Somalia.
Somalia and China had good diplomatic relation over 600 years before their relations seemed dim after collapse of the central government of Somalia and the start of civil war and nation destruction.
Somalia also in 1960 campaigned for china to get permanent seat in the United Nations Security Council which today gives China the ‘Veto power’.
RBC Radio.
Garoowe{RBC RADIO}Magaalada Garoowe ayaa maanta waxaa laga xusay maalinta Deeganka Aduunka ee 5 Jun, waxana soo qaban qaabisay xuska maanta wasaaradda Degaanka Duurjoogta iyo Dalxiiska Puntland.
madaxwayne kuxigeenka Puntland, golaha wasiirada Xildhibaanada madaxda Hay\adaha Calamiga ah iyo Ururda kashaqeeya Arimaha deegaanka Gudoomiyayaasha Degmooyinka Puntlan Qaarkood ayaa kaqayb galay Xuska oo lagu Qabtya Xarunta Wasaaradda Deegaanka Duurjoogta iyo Dalxiiska Puntland.
Wasiirka Wasaaradda Deegaanka Duurjoogta iyo Dalxiiska Puntland Mudane Guuleed saalax Barre oo kahadlay Munaasbadda ayaa si qoto dheer uga hadlay dhibaaooyinka lagu hayo deegaanka iyo sida ay wasaradiisa ku doonayso inay wax uga qabato, horumarka 12 bilood ee soo socda ay doonayaan inay kasameeyaan dhanka beerista Dhirta iyo siday wax uga qabanayaan Xaalufka iyagoona ukaashanaya mashruuca lamagac baxay DEEGAANKA WAA NOLASHAAD.
Wasiir Guuleed ayaa daaha kaqaaday inay mudo sanad ah ku dhirayn doonaan Todobo magaalo oo Puntland ah, waxana uu sidoo kale sheegay wasiirku inay qorshayaal adag kaleeyihiin kahortagga dadka dhibka kuhaya deegaanka ee xaalufiya.
Madaxwayne kuxigenka Puntland Cabdixakiin Cabdullahi Xaaji Cumar Camay ayaa kasheegay Munaasabadda Xuska Maalinta Deegaanka Aduunka inay awood kaga hortagayaandadka caadaystay dhibaatada ay ugaystaan deeganka, waxana uu cadeeyay inay xukuumad ahaan diyaar uyihiin kana go’antahay wax kaqabshada deegaanka Puntland.
in la ilaaliyi deegaanka si nolasha dadka iyo duunyaduba ay ugu noolaadaan nolal wanaasgan oo kadhisan Caafimaad ahaan iyo niyad ahaanba waxaan muujiyay dareenkaas Wasiirka Shaqada Shaqaalaha Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Cabdiraxmaan Shiikh Axmad Cabdulle iyo Wasiirka Haweenka iyo Arimaha Qoyska Puntland Aniso Cabdulqadir xaaji
madaxwayne kuxigenka ayaa sidoo kale kahalday boholaha kusiibaahaya meelo kamid ah miyiga deeganada Puntland iyo dhulka ladeegamaynayo waxana uu dhammaan tood kamuujiyay dayro.
Aduuna oo dhan ayaa sanad walba laga xusaa maalintan waxa looga tashadaa sida deegaanka wadan walba loo hagaajin lahaa, deeganada Puntland waxaa dhibaato kuhaysa gubidda Dhuxusha taasi oo deegaanka kadhigaysa mid aan lagu arag dhir, balse Xukuumadda Cusub ee Puntland oo uu hogaaminayo madaxwayne Gaas ayaa muujinaysa siday uga go’antahay kahortagga dhammaan waxyaabaha dhibaatyanaya Deeganka oo ay ugu darantahay gubidda Dhuxusha.
RBC RADIO
Xafiiska Garoowe
Muqdisho [RBC Radio] Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta shir guddoomiyey kulanka caadiga ah ee Golaha Wasiirada oo looga dooday xaaladda uu dalku marayo. Golaha Wasiirada ayaa soo dhoweeyey qorshaha ay dowladda Maraykanku safiir ugu soo magcaabayso Soomaaliya, tallaabadaasi oo kor u qaadaysa xiriirka diblamaasiyadeed ee ka dhexeeya Muqdisho iyo Washington.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka oo ka hadlayey shirka ayaa yiri:
“Xiriirka Soomaaliya iyo Maraykanku waa mid muddo soo jiray oo lahaa maalmo wanaagsan, waxay labada qaran ay maanta diyaar u yihiin inay xoojiyaan xiriirkaasi oo faa’iido wada jir ah leh. Tallaabadani waxay muujinaysaa in Soomaaliya ay dib u soo ceshanayso kaalinteedii caalamka.
“Xiriirka diblamaasiyadeed ee labada dal waa mid muhiimad u leh labada shacab si la is kaga kaashado dhinacyada muhiimada wada jirka ah leh.Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay qaadaysaa tallaabo la mid ah tan Maraykanka oo lagu adkaynayo cilaaqaadka diblamaasiyadeed ee labada ummadood.
“ Soomaaliya waxay diyaar u tahay inay xiriir diblamaasiyadeed oo wanaagsan la yeelato beesha caalamka si ay gacan uga geysato waajibka caalamiga ah ee saaran iyo u adeegista danaha Soomaaliya iyo masaalixda la wadaago ee dalalka iyo adduun-weynahaba”
Dhinaca kale, Golaha Wasiirada ayaa dood ka yeeshay Hindise-sharciyadeedka Dib-u-habaynhta Hanti-dhawrka Qaranka oo ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuuamadda Federaalka Soomalaiya.Hanti-Dhawrka oo dib –u-habayn lagu samaynayo ayaa asaas u ah qorshaha xukuumadda Soomaaliya ee la dagaalanka musumaasuqa iyo ilaalinta hantida qaranka.
“ Hanti-dhawrku waxa uu muhiimad weyn u leeyahay ilalainta hantida qaranka, isagoo leh awoodo uu ku dabagalo xafiisyada dowladda. Xilliyadii la soo dhaafay waxaan xoojinay shaqada iyo waxqabadka Hanti-dhawrka dalka. Dib-u-habaynta Hanti-dhawrku waxay leedahay muhiimad gooni ah si loo xaqiijiyo hadafyada la hiigsanayo. Ayuu yiri Hanti-dhawraha Guud mudane Dr. Nuur Faarax.
______
RBC Radio
Muqdisho [RBC Radio] Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa dowladda Soomaaliya maanta ku wareejisay Gawaari nooca aan xabadda karin,waxaana la sheegey inay gawaraida adegsan doonan madaxda dowladda iyo saraakisha ammaanka dalka.
Goobta gaadiidkaan dowladda Federaalka Soomaaliya loogu wareejinaye,waxaa ku sugnaa safiirka dowladda Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya Maxamed Al-Cuthmaan oo sheegay in Dowladda ay ku wareejiyeen maanta gaadiid gaaraya 11-nooca aan rasaasta karin.
Safiirku waxaa kalo uu soo hadal qaadey in Gaadiidkan ah nooca aan xabadda karin inuu qeyb ka yahay taageerada joogtada ah ee ay siiyaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, waxa uu intaa raaciyey in Soomaaliya ay ka caawiyaan dhinacyada Waxbarashada, Caafmaadka iyo waxyaabo kale oo muhiim ah, Bisha Ramadaan ayuu tilmaamay in ay bixin doonaan Kaalmooyin shacabka Soomaaliyeed lagu caawin doono.
Agaasimaha Madaxtooyada Qaranka, Mudane Taabid Maxamed, oo wakiil ka ahaa dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa uga mahadceliyey gaadiidkan muhiimka ah ee ay dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ugu deeqday, waxa uu sheegay in xiriirka labada dowladood oo ah mid ballaaran ay keentay in Kaalmo dhinac walba ay bixiso dowladdan, isla markaana ay ka rajeynayaan in ay intaan ka sii xoogeysan doonto taageerada dalka Isutagga Imaaraadka Carabta Soomaaliya ugu yaboohdo.
Gaadiidkaan dowladda Federaalka Soomaaliya maanta lagu wareejiyay ayaan aheyn kuwii ugu horeeyay oo dowladda Federaalka Soomaaliya ay siiso Imaaraadka Carabta, waxaana horay dhowr jeer gaadiid kala duwan usiisay hay’adda nabad-sugidda Soomaaliya.
___
RBC Radio
Somalia national army backed by the African Union troops seized villages in Bakool region from Al Shabab militants.
The joint forces have today captured important military base from Al Shabab fighters in Bakol region.
Somali National Army commanders told the local media that they have seized four military bases from Al Shabab militants in Rabdhure, La Herow, La Galay and Bura Hinle villages in Bakol region.
The joint forces have been carrying out military operations which led to the liberation of key important towns in south and central Somalia from the Al-Qaida affiliated Al Shabab group.
Meanwhile severe humanitarian crisis and food shortages have been reported from the region.
Mohamed Abdi Tall, Bakol region governor speaking to the local media worried the livelihood conditions of Bakol people and called for immediate humanitarian assistances to save the lives of many families in Bakol province.
The speech of H.E. Farah Sheikh Abdulkadir, the minister of justice and constitutional affairs in PSG1 kick off meeting today.
MOGADISHU – 5th JUNE 2014
Excellencies, Ladies and Gentlemen,
It is my great pleasure and honor to speak to you here today as the government of Somalia is working diligently to advance the three core transitional tasks that are necessary for consolidating a culture and practice of democratic governance in Somalia. These three tasks collectively referred to now as Vision 2016, include defining and establishing federalism, completing the process of democratization, and finally the review and implementation of the Somali constitution.
While there is clear overlap between these three core transitional tasks, as Minister of Justice and Constitutional Affairs, it is my responsibility to create the enabling conditions that allow the process of review and implementation of the constitution to move forward in a way that is both efficient AND inclusive of all somali perspectives and voices.
Efficiency — referring to the need to advance as quickly as possible with clear and transparent milestones of progress — is important because we recognize that our time frame is very limited now and the Somali people have high expectations and hopes that this process be concluded within the time period of this current administration. We urgently need a well-established constitution developed and owned by the Somali people.
Inclusion is of vital importance because we understand that a Constitution for Somalia is only valuable to the extent it is truly owned by the Somali people. A Constitution is not a product of the Government. It is not a product of the Parliament, it is a product, a societal agreement, developed BY the Somali people, FOR the Somali people. While it is the responsibility of the Ministry, the Parliament, the Oversight Committee and the Independent Commission to provide the leadership and process necessary for completing the Constitution, this will only be useful and effective to the extent that the Somali public feels they own the process and its outcomes which will depend upon the public being sufficiently informed and actively engaged throughout the process.
We are pleased to report significant progress that has been made in the last weeks and months. Through a process of consultation and outreach, we were successful at gathering a list of very good candidates for the Independent Review and Implementation Commission. From this list, the Council was able to choose five strong individuals who are recognized as outstanding citizens who we believe have the required expertise, moral legitimacy and integrity, and strong commitment to the common good of the Somali public. We expect this commission will be approved by Parliament and be installed with venue and necessary equipment to begin working by the end of the current month. As the ICRIC begins to work, we have organized a number of activities in June and July to ensure the right conditions for the Independent Commission to begin its work and strengthen the coordination among all institutions that will be necessary to ensure the process moves forward immediately. Some of these activities include:
1. Finding and establishing a venue with the necessary equipment and logistics to become the home for the ICRIC
2. Gathering all existing documents and materials related to the review process to deliver to the commission
3. Technical retreat, jointly convened by the MoJC and the Speaker, will be held in Mogadishu during second week of July for the technical advisors (focal points for Constitutional Review) from the MoJC, MoIF, Parliament and Presidency along with the five members of the ICRIC. The purpose of this retreat is to share information and create the conditions that will ensure legitimacy of the independent commission, clarify expectations regarding roles and responsibilities, and strengthen coordination across all institutions. The outcome of this retreat will be a jointly agreed upon Process Framework that establishes clear milestones as well as the mechanisms and procedures required to promote efficiency and inclusion as well as transparency and accountability. The Speaker and Minister believe that transparency and accountability are vital if the process is to be perceived as legitimate and credible by the Somali people.
4. Immediately following the retreat, this Process Framework will be presented to the corresponding political authorities (Ministers, PM, President, Speaker, Oversight Committee for feedback.
5. We hope to organize a space to present this Process Framework with a group of authorities from the different regions to inform them and receive any feedback they may have that can help strengthen the process.
6. The two Ministers will take the Process Framework to the Council of Ministers for endorsement. It will then be presented to Parliament for the purpose of ensuring Parliament is adequately briefed. This will occur before Parliament enters recess on July 20.
7. Once Parliament is briefed, an event will be planned to share the Process Framework with the Somali public and celebrate the launch of the Independent Commission.
8. A meeting will be convened that brings together the PSG1 working group as well as others from International Community (those positioned to offer resources and technical expertise). The purpose of this meeting is to share the Process Framework with the International Community and discuss together guidelines and principles that will build greater coordination and alignment and minimize the possibility of dispersion, redundancy, and contradiction that often results through uncoordinated and fragmented support.
9. During the month of August, activities are planned that will focus on strengthening capacities in the design and facilitation of public education, dialogue and consultation processes to ensure these processes are informed by state-of-the-art practices and tools. The review process will require bringing people together who come from different perspectives to discuss important and challenging issues. These conversations will require a high level of competency in the design and facilitation of these processes to ensure all voices are heard, all perspectives are considered.
While we celebrate these achievements and are confident things are moving forward positively, we recognize the journey is long and there is much to do and many challenges to face. We appreciate any support offered that helps bring together the Somali people and inspires and empowers them to engage actively in this process of working together to finalize a constitution that favors the common good and is truly owned by all the people of Somalia.
Thank you.
Nairobi [RBC Radio] Xaafadda Soomaalidu ka degto magaalada Nairobi ee Islii waxaa maanta booqdey raysul wasaarihii hore ee dalka Kenya,Raila Odinga waxaana isku soo baxey boqollaal shacabka Soomaalida ee ku nool xaafadda Islii iyo taageerayasha xisbiga CORD.
Raila Odinga oo guddoomiye u ah xisbiga mucaaradka ah ee CORD ayaa khudbad u jeediyey Soomaalidi isagu soo baxdey bartamaha waddada koowaad ee Xaafadda Islii oo ay ku yaallaan suuqyada waaweyn ee Islii.
Raila ayaa tilmaamay inuu ka xun yahay dhibaatada loo geysto Soomaaalida, isagoo carrabaabay in dowladda Kenya ay xabsiga garoonka Kasarani ku xirtay haween, carruur iyo dad da’ ah.
…””Sababta Keenyaanka loo dhibaateynayo waa joogitaanka ciidamadeena ay joogaan Soomaaliya,waxaa la joogaa xilligii ay ogaan lahayd dowladda talada haysa in dhibaatooyinka Kenya ka dhacaya ay sabab u tahay ciidamada Kenya ee Soomaaliya jooga. Madaxweynuhuna wuxuu sheegay in ciidamada Kenya ay joogayaan Soomaaliya illaa argagaxisada la dhammeeyo,..””ayuu yiri Raila Odinga .
Raila Odinga ,waxaa kalo uu ka hadley howlagallada ay wadaan ciidanka Kenya,waxuuna ku sheegay inuu yahay mid lugu dhibaateynayo Soomaalida iyo dadka maslimiinta ah,waxuuna ballan-qaaden inuu ku dadaallayo sidii dadka Soomaalida ah ay u heli lahaayeen xaquuqdooda.
Wuxuu sheegay inuu soo booqday Soomaalida deggen Eastleigh kaddib afar maalin oo uu joogay dalka,maadaama uu in ka badan labo bil ku maqnaa dalka Mareykanka.
Dhinaca kale,guddoomiyaha guddiga xaafadda Eastleigh Xuseen Maxamed Aar iyo qaar ka tirsan dadka xaafadda ayaa sheegay in booqashada Raila ee xaafadda ay wax badan ka tari doonto joojinta dhibaatada loo geysanayo Soomaalida ku nool xaafadda.
____
RBC Radio
Addis Ababa [RBC Radio] Sida uu sheegay afhayeen u hadlay dowladda Itoobiya oo lagu magacaabo Shimeles Kemal howlgal ay sameeyen ciidanka ammaanka Itoobiya waxaa lugu soo qab qabtey 25 qof oo looga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin kooxda Al-Shabaab.
Dadka la qabtey waxaa uu sheegay afhayeenku inay qorsheynayen qaraxyo iyo weerarro inay ka geysan gudaha dalka Itoobiya gaar ahaana magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.
Afhayeenka xukuumadda Itoobiya, Shimeles Kemal,waxaa uu wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in xubnaha la xir-xiray ay tababar ku soo qaateen xeryaha milateriga Al-Shabaab ee Soomaaliya,waxaana uu inta ku darey in tuhmaneyaasha ay qorsheynayeen weerarro halis oo ay ka fulin rabeen deegaanka Jimma oo 305 km koonfur galbeed uga beegan caasimadda Addis Ababa.
..””‘Waxay ciidanka booliisku gacanta ku dhigeen 25-qof oo qorsheynayay inay ka geystaan Itoobiya qaraxyo,ma filayo inay jiraan wax khatar weyn oo weyn oo dalkeenna kusoo wajahan oo ciidamadeenna heegan ku gelinno, balse taxaddar weyn ayaan sameynaynaa,Ciidamadeenna Soomaaliya ku sugan way sii wadayaan dagaalka ay kula jiraan kuwa argagaxisada ah,..””‘ayuu yiri afhayeenka xukuumadda Itoobiya.
Afhayeenka ayaa intaas raaciyay in ragga la xir-xiray lagu qabtay tiro hub, wuxuuna sheegay in lagu xiray xabsi ku yaalla dhulka hoostiisa oo loogu talagalay in lagu hayo dadka looga shakiyo falalka argagaxisada.
Dowladda Itoobiya waxaa ay ka mid tahay dalalka ay ciidanku ka joogan Soomaaliya,waxaana Al-shabaab oo Soomaaliya ka dagaallanta ay sheegen inay weerarro qaraxyo u badan ka geysan doonan Itoobiya.
___
RBC Radio
Kampala [RBC Radio] Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta ka qeybgalay munaasabadda furitaanka Kalfadhiga 4aad ee Baarlamaanka dalkan Uganda oo ka dhacday magaalada Kampala.
Munaasabadda oo lagu qabtay Hoolka Shirarka Sarena oo kasoo horjeeda dhismaha Baarlamaanka dalkan Uganda ayaa waxaa kasoo qeybgalay islamarkaana lagu marti qaaday intabadan Gudoomiyeyaasha Baarlamaannada dalalka Afrika ayadoo dhanka Soomaaliyana ay Munaasabadda ugu sugnaayeen Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ay wehliyaan Xildhibaanno Golaha Shacabka ka tirsan.
Gudoomiyaha Baarlamaanka dalka Uganda Mss Horn Rebecca Kedega oo jeedisay Khudbaddii ugu horeysay ee Munaasabadda ayaa sheegtay iney aad ugu faraxsantahay sida ay marti qaadkeeda ugasoo jawaabeen Gudoomiyeyaasha Baarlamaannada Afrika qaarkood waxaana ay Khudbaddeeda qeyb ka mid ah ku muujisay halka uu marayo xiriirka wadashaqeyn ee u dhaxeeya Baarlamaannada Soomaaliya iyo Uganda.
Munaasabadda ayaa sida dastuurka dalkan u degsan uu qabo waxaa furay oo ku dhawaaqay in Baarlamaanka dalka Uganda uu u furanyahay Kalfadhiga 4aad Madaxweynaha dalkan Uweri Museveni oo isagu khudbad dheer oo uu ka jeediyey Munaasabadda uga hadlay xaalada dalkiisa iyo xiriirka iskaashi ee uu la leeyahay dalalka Afrika iyo kuwa Caalamka.
Kasoo qeybgalka ay Munaasabaddan lagu furayey Kalfadhiga 4aad ee Baarlamaanka Dalka Uganda wafdiga uu hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa waxa uu muujinayaa sida uu usii xoogeysanayo xiriirka iyo wadashaqeynta labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Uganda oo ay gudoomiyeyaashaadu heshiis iskaashi bishii August ee sanadkii 2013 ku kala saxiixdeen magaalada Kampala.
Muqdisho [RBC Radio] Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’isul Wasaaraha dalka C/weli Sheekh Axmed MAxamed, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda ayaa markab ay leeyihiin Ciidamada Badda Dalka Turkiga oo Ku Soo Xirtay Dekeda Muqdisho kula Kulmay Saraakiil ka tirsan Ciidamada badda ee dalkaasi iyagoo ku soo dhaweeyay dekeda Muqdisho, iyadoo maraakiibtaasi tiro ahaan ay ahaayeen 4 markab.
Madaxweynaha dalka mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo warbaahinta kula hadlay mid ka mid ah maraakiibtaasi ayaa Xusay inay sharaf weyn ay u tahay in ay ku soo dhoweyaan dalka maraakiibta badda Turkiga ee soo gaaray dekedda Muqdisho, waxaana uu kormeeray mid ka mid ah maraakiibtaasi oo ay ku wada qadeeyeen.
“Waxaan ka mahadcelinayaa deeqda dawada ah oo ay ugu talo galeen isbitaalada magaalada Muqdisho ay maamulaan walaalaha Turkiga islamarkaana ay ku caawiyaan dadka Soomaaliyeed ay na soo gaarsiiyeen maraakiibtani, runtii aad baan idiin kaga mahad celinaynaa caawimaada dhabta aad na siineysaan” ayuu yiri Madaxweyne Xasan
Saraakiisha Turkiga ah ayaa madaxweynaha warbixin ka siiyay socdaalkooda, iyagoo sheegay in socdaalkooda uu qeyb ka yahay safar ay ku marayaan wadamada Africa ee Xeebaha leh, Waxaana Safiirka Dowladda Turkiga Kamaaludiin oo halkaasi ka hadlay ayaa ku amaanay madaxda dalka howsha baaxada leh oo ay u hayaan Umadda Soomaaliyeed.
Saraakiishani oo uu hogaaminayo taliyaha Ciidamada Badda Dalka Turkiga Rear Admiral Ali Murat ayaa sidoo kale xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga kulan kula qaatay Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo uu ugu horeeyo taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe, iyagoo ka wada hadlay iskaashiga iyo calaaqaadka dhanka Ciidamada ah, waxaana taliyaha Ciidanka Xoogga dalka iyo taliyaha Ciidanka Badda ay is weydaarsadeen hadiyado kale duwan, iyagoo dhanka kale wafdigaasi la kulmay wasiirka gaashaandhiga mudane Maxamed Sheekh Xasan Xaamud.
Garoowe [RBC Radio] Garaad Cali Aadan Diini oo ka mid ah salaadiinta beesha Tanade Daarood ayaa siweyn loogu soo dhaweeyey magaalada Garoowe ee caasumada dowladda Puntland.
Banaanka hore ee Garoowe waxaa ugu hortagey waftiga garaadka dadweyne aad u farabadan kuwaaso isagu jiray,odayaal,waxgarad,siyaasiyin iyo dhallinyaro,waxaana kulan qada ah ay ku qaaten gudaha magaalada.
Garaadka ayaa xubnihii soo dhaweeyey waxaa uu la qaatey shirar kala gadisan oo u ka xog wareysanayey ayna ku kala warqaadanayeen.
Dadka uu la shirey Garaad Cali waxaa ay u badnaayeen odayaal iyo dhallinyaro,waxaana ka mid ah xubnihi ka qeyb-galay kulanka garaadka Nabadoon Siciid Faarax (Garas),Nabadoon Shaafici Jaamac Roorshe,xildhibaan Maxamed Dheer,Saciid Ciro-weyne,Caaqil Cali Daad Saciid,Xildhibaan Cismaan Siciid Dhoodi,Cor,Maxamed Faarax Cali (Gurey).
Dowladda Puntland,waxaa kulan uu garadka qeybaha bulshada uu la qaadanayey kaga qeyb-galay wasiir ku-xigeenka wasaaradda duuliska hawada,C/llaahi Jaamac Roorshe.
Dhammaanba mas’uuliyinta iyo odayaasha waxaa ay sheegen inay ku faraxsan-yihiin iman-shiyaha Garaad Cali Aadan Diini waxaana ay ugu warbixiyeen xaaladda guud ee gobolka.
Garaad Cali Aadan Diini ayaa isna khudbad taarikhi ah oo u ka jeediyey kulan weynaha waxaa uu kaga hadley arrimo badan,waxaana uu sheegay inuu safar dheer ku soo kala bixiyey inta badan deegaannada Puntland ee ku yaalla bariga fog,waxuuna uu tilmaamey inuu la soo shirey bulshada ku dhaqan deegaannada uu tagey.
…””‘Waad ku mahad-santihiin sida qurxoon ee ad caasumada noogu soo dhaweysen,waxaan soo marney deegaanno badan oo ka mid ah Puntland,ujeedkeno waxaa uu yahay sidii an ugu kur-gali lahayeen xaaladda,waxaana tageyna deegaannada ku yaalla gobolka Mudug,..”‘ayuu yiri Garaad Cali Aadan Diini.
Socdalka uu Garaad Cali Aadan Diini ku kala bixinayo deegaannada Puntland,waxaa uu qeyb ka yahay u kurgalida xaaladda dadka ku nool deegaannada,waxaana uu boqon doonno inta badan deegaannada gobolka Mudug.
____
RBC Radio
Shalanbood [RBC Radio] Wararka ka imaanaya deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose waxaa ay soo sheegaya in deegaanno ka tirsan gobolka ay ka bilowden barkac ay sameenayey dadka shacabka ah,sida waxaa sheegay mid ka mid ah dadka ku nool Shalaanbood.
Barakaca ka bilowdey deegaannada waxaa lugu sheegay inay dadku ka cabsi qabaan colaado ka soo xusboonatey gobolka.
Dagaallada gobolka Shabeellaha hoose ka dhacay waxaa ay u dhaxeeyan maleeshiyo beeleed dhowr jeer horey ugu dagaalantay gobolkaasi. dagaalladan ayaa la sheegay in culayskooda uu ka dhacay inta u dhaxaysa Marka iyo Shalanbood, ugu yarana 4 qof ayaa ku dhintay.
Dadka barakacaya waxaa la sheegay inay u badan-yihiin beera ley,waxaana ay sheegen inay ka cararayan dagaallo dushooda ka dhaca.
Dagaallada xilligaan ka soo cusboonadey gobollada Shabeellaha waxaa uu dhexmaraya ciidamada kala taabacsan guddoomiyaasha Marka iyo Shalaanbood.
Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Cabdulqaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa isna dhankiisa sheegay inay ku dadaallayan sidii markale loo qaboojin laha xisada ka taagan gobolka Shabeellaha hoose oo sababtey inay dadku barakacaan.
____
RBC Radio
Beijing [RBC Radio] Dalka China gaar ahaana magaalada Beijing,waxaa galinkii danbe ee shalay lugu soo gaba-gabeeyey shir ay lahaayeen madaxda Carabta iyo dowladda China ,waxaana shirka dowladda Soomaaliya ugu qeyb-galey wasiirka arrimaha dibadda.
Cabdirixmaan Dualeh Beileh oo ah wasiirka arrimaha dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga dowladda faderaalka Soomaaliya oo shirkan ka qeyb-galay,ayaa khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyay Fadhigii 6-aad isku-imaatinka Carabta iyo China.
Furitaanka shirkan waxaa hadal ka jeediyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shacbiga China H.E. Xi Jinping , waxaana ka qeybgalay Wasiirada arrimaha dibadda carabta ,xoghayaha guud ee Ururka Jaamacada Carabta H.E. Dr. Nabil Elaraby , ergo,diblomaasiyiin iyo mas’uuiyiin Carab iyo Chinese isugu jiray oo tiradooda aheyd 200 ruux .
H.E.Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa khudbadiisa ku xusay fursadaha maalgashi ee dalka Soomaaliya ka banaan dhinacyada beeraha,kaluumeysiga, warshadaha,dalxiiska , iyo kheyraadka kale ee dihan ee dalku leeyahay , isagoo ka hadlay xaaladda ammaan iyo awoodda ciidamada qaranka , waxa uuna ka codsaday dowladda China iyo wadamada Carabta taageero balaaran oo ku aadan la dagaalanka argagaxisada,dib u dhiska dalka ,waddooyinka , garoomada diyaaradaha iyo dekadaha.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ayaa sidoo kale khudbadiisa kaga hadlay dhibaatooyinka kooxaha argagaxisadu ay ka geysanayaan dunida carbeed oo Soomaaliya ay ka qeyb tahay , isagoo muujiyay baahida loo qabo tallaabo wadajir ah oo loo qaado ciribtirka argagaxisada iyo saboolnimada si loo helo deganaansho iyo horumar dhaqaale.
War-murtiyeed ka soo baxay shirka , ayaa lagu ammaanay dadaalada dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xasilineyso dalka iyo horumarka ay ku talaabsatay muddooyinkii u dambeeyay , waxaana loogu baaqay beesha caalamka inay taageero muuqata u fidiyaan hey’adaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya si guul dhameystiran looga gaaro arrimaha ammaanka iyo dib u dhiska dalka.
Shirka Madaxweynayaasha iyo hogaamiyaasha Carabta iyo China ayaa lagu wadaa inuu ku qabsoomo dalka Masar sanadka 2015.
Dhanka kale , Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E.Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa kulamo gaar gaar ah la kala yeeshay Wasiirada Arrimaha Dibadda Qatar H.E. Dr. Khalid bin Mohamed Al-Attiyah iyo Sultanate Oman H.E. Yousef bin Alawi bin Abdullah , oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka , iskaashiga iyo arrimo kale oo ku qotama danaha wadaaga.
H.E. Dr. Abdirahman D. Beileh waxa kale oo uu kulan gaar ah la yeeshay Xoghayaha guud ee Ururka Jaamacadda Carabta H.E. Dr. Nabil Elaraby oo ay isla faaqideen xaaladaha ammaanka iyo kaalinta Jaamacada Carabta ee fududeynta kaalmooyinka maaliyadeed ,farsamo iyo bani’aadanimo oo Soomaaliya loogu tala-galay.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ayaa xoojisay siyaasadeeda dibadda , si indhaha caalamka ay ugu soo jiheyso isbadalada ammaan iyo hiigsiga barwaaqo ee shacabka Soomaaliyeed ay naawilayaan.
Syeachels [RBC Radio] Hay’adda booliska adduunka ee Interpol ayaa shaaca ka qaadey in maal-geliyaashii Burcad-badeedda Soomaalida ay badaleen qorshahoodi isla markaana ay la soo baxeen wajiyo cusub oo ay ku daanayan inay howlgalo ku qaadan.
Shir looga hadlayey sidii looga hortagi lahaa qorsha cusub ee ay la soo baxeen maal-geliyaashii Burcad-badeedda Soomaalida,waxaa uu ka dhacay Jasiirada syeachels,waxaanaka qeyb-galay mas’uuliyin ka socotey dalalka ku howlgalla la-dagaallanka burcad-badeedda.
Ilaa shan dowladood ayaa shirkan lugu casumey,waxaana inta uu shirka socdey lugu falan-qeeyey sida looga hortagi karo wajiyada cusub ee ay la soo baxeen maal-geliyaashii burcad-badeeda.
Dowladda Puntland oo shirka ka qeyb-gashey waxaa u matalayey agaasimaha la-dagaallanka Burcad-badeeda Puntland Cabdirisaaq Maxamed Dirir (Ducaysane),waxuuna dhankiisa sheegay in shirka uu muhiim u ahaa Puntland maadaama la sheegay in looga hadlayo sidii looga hortagi lahaa qorshayaasha cusub ee ay la soo baxeen maal-geliyaasha Burcad-badeedu .
Ducaysane wuxuu sheegay in shirka ay ka soo bexeen natiijooyin macquul ah oo ay ka mid yihiin in dabagal lagu sameeyo hanaanka cusub ee maal-geliyaasha burcad-badeedii.
Ugu danbeyntii waxaa uu sheegay agaasimaha la-dagaallanka Burcad-badeeda Puntland, inuu ka codsadey hay’adda booliska adduunka ee Interpol in wajiga labaad ee shirkan lugu qabto Puntland.
___
RBC Radio
Garoowe (RBC RADIO) Wasiirka Deegaanka Daaqa Dalxiiska iyo duur joogta Dowladda PuntlandMudane Guuleed Saalax Barre ayaa sheegay in qorshaha ugu soo horeeya oo ay fulinayaan in ay tahay Degmo kasta oo Puntland ka mid ah in ay ku beeraan 25kun oo geed si bilicda iyo hawada Puntland ay usii wanaagsanaato.
Wasiirka Deegaanka ayaa hadalkan ka sheegay Munaasabad lagu tartansiinayay 2koox oo isla Gobolka nugaal u safta waxaana isla ciyaartaasi lagu xusayay Maalinta Deegaanka Aduunka, dhalinyarada ayuu ku booriyay ilaalinta Deegaanka maadaama ay yihiin Xoogii Dalka.
Isla Munaasabadaasi oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada Deegaanka Daaqa Dalxiiska iyo Duurjoogta ayaa xambaarsanayd muhiimada ay Wasaarada (DDDD) ee Puntland ay siinayso Ilaalinta Deegaanka iyo Joojinta Dhir jarida iyadoo bedelkeed la keeni doono.
Ibrahim Wadani
RBC RADIO
Xafiiska Garoowe.
Nairobi [RBC Radio] Kooxda Al-shabaab ayaa maalmihii u danbeeyey waxaa soo baxayey xooggo ku aadan inay xoojinayan weerarro ay doonayan inay ka dhacaan magaalooyinka, Addis Ababa, Nairobi iyo Kampala.
Saddexdan caasumadood waxaa la sheegay inay Al-shabaab wadan qorsho ay ku doonayan inay weerarro ka fuliyaan kuwaaso qaraxyo u badan,waxaana digniinti udanbeysey ay ka soo baxdey dowladda Marekanka oo sheegtey inay Al-shabaab weerarri doonan safaaradda ay ku leeyihiin magaalada Nairobi ee caasumada Soomaaliya.
War ay baahiyen qar ka mid ah sirdoonka Maraykanka waxaa ay ku shaaciyeen in ay jirto khatar kusoo wajahan danahooda Kenya haddii aan laga hor-tagain ,iyadoo ay sii korortay digniintan wixii ka danbeeyay weerarkii lagu qaaday Westgate Mall oo ay dad badan ku nafwayeen.
Safiirka safaaradda uu Marekanka ku leeyahay dalka Kenya,Robert Godec ayaa sheegay inay la dhayalsan karin, weerarrada ay Al-shabaab la damacsanyihiin inay ka fuliyaan magaalada Nairobi, waxaana uu hadalkan ka jeediyey shir uu la qaadanayey afar boqol oo ruux oo kamid ah dad haysta dhalashda Marekanka.
..””Waxaa jira digniinno hor leh oo laga soo saaray arimahan ,waxaana suragal ah in la weerarro saldhigga Maraykanku uu ku leeyahay Jabuuti,..””‘ayuu yiri Matt Bryden oo horey ula soo shaqeeyay guddiga ka masuulka ah cuna-qabataynta hubka ee saaran Soomaaliya iyo Ereteria.
Kooxda Al-shabaab oo laga cabsanayo dhankeeda waxaa ay sheegen inay weerarri doonan goobo ku yaalla dalalka ay ciidamada ka jooga Soomaaliya,waxaana ka mid ah Itoobiya,Kenya iyo Uganda goobaha sida weyn looga baqayo inay weerarro ka geystaan.
____
RBC Radio
Sanca [RBC Radio] Sida ay sheegtey hay’adda UNHCR waxaa dib u bilowdey dadkii muhaajirinta ahaa ee u safri jirey biyaha u dhaxeeya Soomaaliya iyo Yemen,waxaana warbixin ay soo sartey hay’addu ku sheegtey in toddobaadkan ay xeebaha Yemen ku dhinteen 62 qof.
Dadka dhintey toddobadkan waxaa la sheegay inay daggeen doontii ay la socdeen,iyagoo doonayey inay ku galaan dalka Yemen.
Waxaa la sheegay dadka saarna doonta deggey inay ka kala yimaadeen dalalka Somalia, Ethiopia, iyo laba shaqaale oo reer Yemen ah, waxaana ay doonidoodii ku degtey Badda Cas Sabtidii la soo dhaafey.
UNHCR waxa ay tacsi u dirty qoysaskii ay dadkani ka geeriyoodeen waxaana ay sheegtey in ay tani tahay tiradii ugu badneyd ee mar qura badda ku dhimata tan iyo Sanadkan. waxaana ay dhimashada guud ee sanadkan ka dhigeysaa 121 qof.
Hay’addaha qaxootiga ee Qaramada Midoobey,waxaa kalo ay ku sheegtey warka ka soo baxey inay diiwaan galisey afartii bilood ee sanadkan ugu horeysey 16,000 oo qaxooti iyo socota ah kuwaasoo soo gaarey xeebaha Yemen, tiradan ayaa si weyn uga yar tii sanadkii hore oo aheyd 35,000 oo qof afartii bilood ee ugu horeysey.
Ugu danbeynti,UNHCR waxa ay mas’uuliyiiinta gobolka ugu baaqdey in ay sameeyaan hanaan samatabixin deg deg ah iyo waliba in diiwaan galin iyo aqoonsi qaxootinimo la siiyo dadka ka soo badbaada safarka ay dhanka bada ee ay soo galaan oo ah mid qatartiisa leh.
Sannadihi ugu danbeeyey waxaa yara dadka ku safraya biyaha isku xira dalalka Soomaaliya iyo Yemen.
____
RBC Radio