Soomaaliya mar kale dhiig waa loogu Wan-qali! ( Qaybtii Iaad)
Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan
alle_yaqaan99@yahoo.co.uk
May 12 2014
{SHumucii ay SYL shiday ilayskiisii wali waa baxayaa! Soomaaliduna Hal-yeey kama dhammaan! Saansaantuna waa mar kale iyo Halgan dib u xoreyn} Al-SHabaab
Wallee Al-shabaab Soomaaliya baa loogu dow galay! Bal marka hore aan is weydiinee iyagu asalka dagaalka ay wadaan muxuu ku salaysanyahay?! Ma waxay leeyihiin cadow dalka qabsaday baan ka saaraynaa?! Ma waxay leeyihiin wixii aan annaga na ahayn oo ay ku jirto Soomaalida kale ee muslimiinta ah ee deegaanka iyo dalkaba la leh waa gaalo xoog dalka ku haysata?! Ma waxay leeyihiin ciddii aanan annaga na ahayn Muslim uma aqoonsanin, ma waxay leeyihiin ciddii aan Muslim ahaynba waa dilaynaa oo dagaal baan ku qaadaynaa?…. Muxuu yahay goolkoodu?! Goolkooda?!
Nin baa laga sheegay “Hashu Maankayga Gadayee Ma Masaar Bay Liqday?!!” Marka aad adiga oo ah qof bini aadam ah, Muslim ah, Soomaali ah, wadankiissa iyo dadkiisaba jecel, waliba miyir qaba aad isku daydo jawaabaha weydiimahaas waxaad arkaysaa Al-shabaab inay yihiin ADEEGAYAAL la isticmaalyo, loona haysto sababtii lagu sharciyeysan lahaa danayowga guracan ee la doonayo in Soomaaliya laga fushado…..sida hadda muuqatana waxay arrimuhu marayaan heerarkii ugu dambeeyay ee dalka looga bixin lahaa gacanta dadka Soomaaliyeed, waxaa isagana arrinta ka dhigay Turaanturooy Awalba Horaan U Socday siyaasad xumida madax-weyne Xasan SHiikh Max’ud! U malayn mayo in caano uu soo lisay haakah lagu oranayo, wuxuuna garan waayay baaxadda xilka uu qaaday mana oga qiyaasta baaxadda dhibaatada iyo halista ku meeran dadka iyo dalka uu taladooda qabtay.
Al-shabaab yaa la dhahaa? Wareer! Waayadii uusan Maraykanka keligii dunida ka talin jirin ee uu Soviet-ku macnaha lahaa magacyo badan oo lagu wareero ma jirin, sababtuna waxay ahayd dunida labo saf oo la kala yaqaan bay ahayd nin kastana codkiisu waa caddaa mana jirin cabsida madaxda dunida qaarkood maanta ku habsatay, ee aad moodayso wax kasta in khalad iyo sax aan loo eegayn laakiin lagu salayniyo cabsi laga qabo wadammada reer galbeedka siiba Maraykanka.
Kooxdan isku magacowday Al-shabaab (DHallin-Yarrada) jiritaankooda iyo siday ku samaysmeen haddii aad dib u fiiriso waxaad dareemi karaysaa in sida ay u dhismeen ay iska ahayd si aan qorshaysnayn, waxaad dareemaysaa inaysan ku immaan barnaamij ay soo diyaariyeen oo meel ay hiigsanayaan ku caddahay!.. waxayna ka soo dhex baxeen khilaafkii iyo jabkii Ururkii Maxkamadaha Islaamiga .
Waxay isku isku qanciyeen in ururkii Maxkamadaha uusan jihaadin, waxaana caawiyay oo markii hore dagaalkooda macquul u ekeysiiyay la-dagaalankii ciidammadii shisheeye ee dalka soo galay siiba kuwa Itoobiya, waxayna heleen taageero aad u balaaran oo dibad iyo gudaba ah, waliba iyadoo aan waxba laga fahamsanayn siyaasaddooda.
Hasa yeeshee, waxay dhibaatooyinkooda soo baxeen markay ugaarsadeen; Culummadii, Odayaashii-dhaqanka, ganacsatadii, siyaasiyiintii,….bal adigu sheeg yeey dhaafeen?!…waxaana yaab ah in nin kasta oo aan iyaga ka mid ahayn ay ka xayuubiyeen xuquuqdii uu Alle siiyay ee aadminimmada,Islaanimmada, iyo Soomaalinmadaba (waaba haday iyaga gacantooda ku jirtee), marka ha lays weydiiyee Al-shabaab maxay damceen?!…..
Ma waxay damceen inay iyaga keliya Soomaali ka soo haraan?! Ma waxay is tuseen aduunka oo dhan inay san-duleeyaan oo xoog ku hogaanshaan?! Oo maxay haystaan oo ay u diyaarsadeen arrintaas?!! Xiriir ummadda lama laha, siyaasiyiintooda, shacabkooda, marka ha lays qarxiyo maxaa qorshe ah oo ka dambeeya?!…imh! qof kasta si ha ula muuqato laakiin ma u malaynaysaa waxaase inay qorsho iyo talo la’aan ku socdaan, midse waa xaqiiqo aan wax madmadow ah ku jirin, oo maxay tahay? Al-shabaab inaysan dano umadeed iyo maslaxad Soomaaliyeed ka shaqaynayn, marka haddii ay sidaas tahay ma shaki baad ka qabtaa inay yihiin adeegayaal uu shisheeyuhu isticmaalo?!..
Waa ay is qarxiyaan, qof kasta oo ay soo eedeeyaan xukunkiisu waa DIL! cid ay cafiyeen marna lama sheegin! Deegaannada ay joogaan ama ay maamulaan nabad gelyaba ha lagu sheego laakiin mujtamaca waxuu dareemayaa in xoog lagu haysto! Waxay dareemayaan in dad qalaad ay haystaan!…dad-weynaha lama hadlaan waxay u sheegaanna ma yaqaanaan, qof kasta oo dhex galana ciribtiisu waa daldalaad aan dacwo lahayn!, meelaha ay dalka ka joogaan waxay ugu noolyihiin sida ciidmmada AMISOM dalka ugu noolyihiin, kamana muuqato inay wax isu yihiin dadka!…waxaana la dareemayaa in gacan shisheeye oo qarsoon taladooda ku jirto! Oo yeey yihiin?!….
{Waxaan garanayaa in rag badan oo ka mid ahaa ergooyinkii fadhiyay shirkii Eldoret/Mbagathi oo dibadaha ka yimid ay Basaasiinu ahaayeen safaaradaha dalalka ay jinsiyadda ama deggenaanshaha ka haysteen, sida ay marar badan war ahaan ii siiyeen iyagoo qaarkoodba qaarka kale ku eedeyniya arrintaas!…..}
Sida hadda dhaqankooda siyaasadeed yahayna waxaa laga dheehanayaa in Sir-doonka reer galbeedka oo adeegsanaya xirfad aad u qoto dheer oo wadata awoodeeda aqooneed iyo dhaqaale u dhex galeen si bdadban iyo si toos ahba,iyagoo ka faa’idaysanaya waayo aragnimo la’aantooda, iyo khaladaadka siyaasadeed ee ay maalin kasta ku dhacayaan, waxayna u isticmaalan inay ku fuliyaan hawl galada ay rabaan, waxayna u isticmaalaan sababaha ay ciidammada AMISOM soo gelidda dalka ugu sharciyeyniyaan, waxay u isticmaalaan sababaha ay rabaan inay qalqal ku geliyaan xasiloonida meelaha nabadda ah sida Puntland, waxay u isticmaalaan abuuritaanka xiisadaha…waxaana intaas ka badan inta ay sida bareerka ah uga dhex fuliyaan madaxda baahida u qabta awoodda siyaasadeed ee aan rumaysnayn in rabitaanka ummaddooda ay tix geliyaan…
M’ada un ka raac “Ma arag, Ma maqal, Ma ogi, Ma aqaan,Ma….” Maanta arrintu waxay maraysaa wax kasta oo dhaca madaxdii dunida inay is-maahiyaan! Oo maxay sababtu tahay bal adigu malee! Al-shabaab xaggee bay joogtaa?! Ma ogi! Xaggee bay hubka iyo lacagaha ka helaan?! Ma ogi! Yaa taba-bara?! Ma ogi…ma jinni baa, lama arko miyaa?!… sidee bay wax yihiin?!! Wali arrimaha Muqdisho ka jira lagama run sheegin, nimanka jooga ee Xasan SHiikh Max’uud uu hormuudka u yahay iyo kuwa soo doortay ee aan u haysano wakiilo annaga inoo jooga, mid keliya oo dan ay Soomaali leedahay ku maqan ma jiro.
Marka la fiiriyo hab dhaqankooda waxay si aan qarsoodi ahayn u rumaysanyihiin inay raali geliyaan waxa loogu yeero Beesha Caalamka(Yeey yihiin?) halkii ay ahayd inay dad ururiyaal noqdaan oo ummadda isu keenaan, halkii ay ahayd inay gartaan farsammada loo adeegsaday burburinta ummadnimadooda, ilaa la gaarsiiyay inaysan kala garanayn NABAD iyo COLAAD! Beesha Caalamka! Kolayba waxaan ogahay inaysan ku jirin dalalka Afrikaanka ah ama kuwa loogu yeero dunida 3aad! Waa laysku kaaya diraa! Eebbow Adigaa Weynaan Leh! Oo haddaan garanayba maan diidno! Anigu maba qabo inay jiraan dad innaga caqli badan oo isku kaaya diri kara!…Maalin kasta diyaarrado aan la aqoon baa xoolo iyo dad ku laaya ciidda dalka, inta ay war-baahinta Soomaalida ogtahay ama xataa dowladda la sheegayo ay ka war hayso waxaa labo jeer badan war goonyaadka dad-weynaha laga helo; Diyaarad ugaar nool-nool shabaq ku qaadaysa, Diyaarad duur cidla ah ku degtay oo saacado ka dib ka duushay wax ay tahay ama ay samaysayna aysan jirin cid ka war haysa, niman aajnabi ah oo iska lugayniya oo Al-shabaab iyo cid kale midna la hadlayn, waxa dalka ka socda runtii lama yaqaan!
Soomaaliya, cid aan ka ugaarsanayn ma jirto, Bad iyo Berriba, waxaa tusaale cad ah in ciidanka sir-doonka Puntland ay bishii November 14dii sanadkii tegay ee 2013kii, ay qabteen labo nin oo midna uu u dhashay dalka France midka kalana uu u dhashay dalka Ingiriiska oo sida uu ku waramay waziirkii hore ee amniga ee Puntland Khaliif Ciise Mudan, basaasayay Puntland isla markaasna khayraadka dalka iska baaranayay, waxaana la sheegayay in telefonadooda laga helay farriimo qoraal ah (Text Messages) ay u dirayeen hay’adaha dowliga ah iyo kuwa aan dowliga ahayn ee reer galbeedka iyagoo uga digaya falal argagixisnimo oo ay soo wadaan kooxda Al-shabaab ka hor intaan Al-shabaab falkaas fulin!…..ma filayo nimankaas inay xiranyihiin hadda, laakiin immisa noocaas ah oo aan la ogeyn baa dalka joogaad u malaynaysaa, iska dhaaf inta magaca diplomats-nimmada ku dhuumanaysa ama ay qarinayaan kuwa ay soortu qaaday ee aan la ogeyn…
Marar badan baa waxaan is weydiiyaa “DHab ahaan ma dareemeynaa inaan dowlad nahay, marka aan sheeganayno dowladnimo?!…madax-weynaha ma dareemayaa inuu dowlad xukumo ummadna madax-weyne u yahay?)…Marka nin ka mid ah xukuummadda ama barlamanka aad ugu yeerayso xilka uu huwanyahay sida; Madax-weyne, Ra’iisal-wazaare, Guddoomiye-Barlamaan, Xil-DHibaan, Waziir, ma kaaga muuqataa inuu hayo hawshii xilkaas aad ugu yeerayso magaceeda waajibaadkeedana ilaalinayo?….mise dareemaysaa dowladnimmadeena maanta inay tahay Magac-u-yaal, madax-weyne, ra’iisal wazaare, iyo waziirna ay yihiin magacyo si kajan ah loogu yeerayo nimanka huwan?!!
Dowladdu kaagama jawaabi karto Al-jaziira maxaa ka jira?…kaagama jawaabi karto Xalane maxaa ka jira?!…kaagama jawaabi karto Xeebaha Kismaayo Norwegian-ka maxay ka hayaan?!..kaagama jawaabi karto!… wax war kama hayso, waxaas oo dhan waxaa kala weyn rajada ay ka qabto waxa loogu yeero Beesha Caalamka, ma rabto inay soo dhoweyso dadka ay danta ka dhaxeyso ee dalka la leh, hasa ahaatee askariga Uganda ee aan isaga laf ahaantiisa wax badan kala socon sababta loo keenay Soomaaliya bay kaga kalsoontahay !…
SHirkii Eldoret/ Mbagathi ee dalka Kenya (Oktoobar15,2002-Oktoobar10,2004) dowlado badan oo fadhiyay baan rabin inay shirkaas dowlad ka soo baxdo, waxaase wax walba ka yaab badnaa oo ka liitay hadalkii uu madax-weynihii shirkaas marti geliyay ee furay Daniel Rotich Arap Moi uu September19, 2003dii iyadoo dalkiisa uu wali shirkii ka socdo uu ka jeediyay Jaamacadda Difaaca ee Maraykanka (American Defence University) oo ku taala magaalada Washington ee dalka Maraykanka kaasoo uu ku sheegay inaysan rabin inay Soomaaliya yeelato dowlad xoog badan… “..waddammada deriska qaarkood waxay cabsi ka qabaan in haddii Soomaalidu dib u midowdo, oo barwaaqoodo ay dib u bilowdo inay dhulal ka maqan sheegato!..” ayuu yiri Moi, waana siyaasadda hadda ay ku shaqayniyaan dowladaha dalka iska maamusha iyo hay’daha Qarammada Midoobay, waxayna waliba ku dadaalayaan inay ka dhigaan gobolo kala taga oo aan xataa federalism isugu imaan, oo gobol kasta oo ka mid ah ay mas’uul uga dhigaan ciidamo Afrikaan iyagana ay dusha ka maamulaan!..SHir-Qool aan garanayno, wallee intaas ka feejiganin!….
Burcad-Badeed baa laynoo abuuray, waxaana si farsamaysan oo aysan fahmin looga faa’idaystay dhallin yarradii kaluumaysatada ahayd ee xeebahoodii la jariifay,qaarkood la laayay, qaarkood maraakiib waaweyn ay biyo kulul ku rusheeyeen markii ay dabka qaateenna la siiyay lacago lagu laaluushayo, ilaa la gaarsiiyay heer ay isu bedelaan Burcad Badeed, la banaystayna dhiiggooda, isla markaasna sharciyeeystay in xeebaheenna iyadoo aan waxba laynaga weydiinayn ay dunida oo dhan ka jillaabato….Waxa innagu socda ma aha inaan garan weynay , laakiin wali madax xil-kas ah dalka ma yeelan!…Xil-kas garanaya qiimaha GOBANIMMADA!
Waziirkii hore arrimaha dibadda ee dowladda Itoobiya, Seyoum Mesfin Gebredinge “ …Annagaa horay isugu kiin dirnay maantana annagii isku kiin diraynay baa rabna inaan idin heshiisiino!…” ayuu si cad ugu sheegay xubno ka mid ahaa odayaasha beelaha iyo ergedii ka qayb gelaysay shirkii Mbagathi, May,2004tii, markii la bilaabay qaybsiga xubnaha Barlamanka!
Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan
alle_yaqaan99@yahoo.co.uk
_______________
Raxanreeb.com Waxa ay Tixgelin Gaara Siinaysaa Maqaaladaha Sida Gaarka ah Loogu soo Diro ee aan Lagu Daabicin Mareego kale.
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM
Use Facebook to Comment on this Post