Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all 20331 articles
Browse latest View live

SOMALIA: Humanitarian agencies warn modest shocks can knock people back into repeat crises

$
0
0

Mogadishu (RBC) According to latest UNOCHA report on Somalia Humanitarian Activities, In 2013, the first year of Somalia’s 2013-2015 Consolidated Appeal $558.23 million (48 per cent) of the $1.15 billion revised request was received with funding per cluster ranging between 22 and 71 per cent.

Sustained funding and continued commitments from donors is required in 2014 to ensure implementation of life-saving activities and to shore up resilience programmes for the 870,000 people in crisis and emergency and 2.3 million people who teeter on the margins of food insecurity.

While 2013 saw some improvements in the humanitarian situation, gains are fragile, and even modest shocks can knock vulnerable people back into emergency and lead to recurrent humanitarian crises.

With only half of financial requirements covered in 2013, humanitarian partners have had to prioritize life-saving activities, limiting investment in basic services, safety nets and resilience programmes and thereby jeopardizing the objectives of the multi-year humanitarian appeal.

Only with timely, adequate and sustained funding will humanitarians be able to effectively build on the gains made through investment in resilience to mitigate and avoid crises, and support the transition from aid dependency to sustainability.

In 2013, the pooled Common Humanitarian Fund (CHF) allocated $36.57 million to partners through the standard allocation ($28.84 million) and emergency reserve ($7.73 million) supporting 55 partners to implement 95 projects in 15 regions in Somalia. The standard allocation focused on life-saving assistance and support to resilience activities in 22 priority districts in Somalia.

The majority of the funding available under the emergency reserve window was allocated in the second half of the year supporting life-saving and livelihood activities. This included $2.65 million to health and nutrition projects to support 11 health facilities previously run by the aid group Médecins Sans Frontierès, targeting an estimated 335,000 people and $1.2 million to boost the response to floods in Jowhar and parts of Balcad districts in Middle Shabelle.

About $545,000 will support the establishment of seven temporary health posts and referral services to over 80,000 people displaced by floods and conflict, and $632,000 will support access to safe water and sanitation facilities. An additional $1.2 million was allocated in late December through the emergency reserve to support life-saving health services to children and women of child-bearing age through Child Health Days in Banadir, Galgaduud, and Gedo regions, targeting about 1 million people.

 

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


1000-askari oo ka tirsan ciidamada maamulka Jubba oo tababar loo furay[Sawirro]

$
0
0

11

Kismaay[RBC Radio]Deegaanka Ma-dhammaato ee waqooyiga Kismaayo,waxaa ka furmay Talaado(28-kii Janaayo) tababar ciidan oo la siinayo tiro lugu sheegay ina gaarayan 1000 askari,sida waxaa sheegay madaxweyne ku-xigeenka maamulka Jubba.

Xilligii uu tababarkan furmay oo shalay ahaayd waxaa goob-joog ahaa  madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee maamulka Jubba, Cabdullaahi Ismaaciil Fartaag, wasiirro iyo saraakiil ka tirsan maamulka.

Waxaa la sheegay in tababarkaan ciidamada maamulka Jubba ay u fureen ciidamada howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM saraakil ka tirsa iyo waliba saraakil iyaguna Soomaali ah.

Jen. Fartaag

Jen. Fartaag

Waqtiga uu usoo dhamaado xirfadda ciidan ee la barayo askarta ka tirsan maamulka Jubba,waxaa la caddeyey inay ka howlgali doono deegaannada maamulka ee ay ku sugan tahay  Al-Shabaab,hadalkaa waxaa siiyey saxaafadda wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka Jubba, Maxamed Warsame Darwiish.

Sidoo kale madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee maamulka Jubba, Cabdullaahi Ismaaciil Fartaag, oo hadal dardaaran u badan u jeediyey ciidamada waxaa uu sheegay inay ka faa’iideystaan tababarka, ayna difaacaan dadka iyo dalkooda, wuxuuna u mahad-celiyey ciidamada AMISOM ee iyagu saraakil ka tirsan ay tababarkan bixinayaan.

Tababarkaan waxaa uu ka dhigaya kii ugu horreyey ee ay saraakisha AMISOM u furaan  ciidamada maamulka Jubba,waxaana uu socon doonna 35-maalmood,waxaana sida sheegay saraakisha tababarka bixinaya.

10

1

4

6

7
______
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

Shir lugu mideynayo maamulada Galmudug iyo Ximan iyo Xeeb oo Gaalkacyo ka socda[Sawirro]

$
0
0

1

Gaalkacyo[RBC Radio]Magaalada Gaalkacyo oo ay kanfurteeda ka arrimiyaan maamulka Galmudug,waxaa maanta lugu wada inuu ku soo dhammaado shir usocday maamul-goboleedyada Galmudug iyo   Ximan iyo Xeeb,sidaa waxaa sheegay madaxweyne ku-xigeenka Galmudug.

Shirka labada maamul usocda ayaa furmay Talaado(28-kii Janaayo),waxaana la sheegay inay ka wada hadlayaan sidii maamul ay ku midaysan yihiin loogu sameyn lahaa gobollada dhexe ee dalka Soomaaliya.3

 

Kullanka maalintii labada usocda labada maamul waxaa ka qeyb-galaya madaxweyne ku-xigeenka Galmudug, Cabdisamad Nuur Guuleed, madaxweynaha Ximan iyo Xeeb, Cabdullaahi Cali Maxamed Baarleex, siyaasiyiin, aqoonyahanno iyo odayaal dhaqameed ka soo jeeda labada dhinac.

Waxaa la sheegay shirkaan inuu ahaa mid qorshihiisu socday mudaaanba,luguna doonayey inay isku soo dhawaadan labada maamul oo daris ah,waxaana sida saxaafadda u sheegay madaxweynaha Ximan iyo Xeeb, Cabdullaahi Baarleex.

2

Madaxweyne ku-xigeenka Gal-mudug, Cabdisamad Nuur Guuleed,waxaa uu isna dhankiisa u sheegay warbaahinta inuu rajeynayo in qodobbo muhiim ah ay kasoo bixi doonaan kuwaasoo oo uu tilmaamay marka la isku af-garto inay labada dhinac si wadajir ah u wada saxiixi doonaan.

Maanto oo Arbaco ah ayaa lagu wadaa in laga soo saaro war-murtiyeed ku saabsan natiijadiisa shirka ka soo baxda.
______
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

Tarsan:Muqdisho ha la caddeyo inay gobollada maamullada loo sameynayo ka mid noqonayso[Dhageyso]

$
0
0
Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan)

Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan)

Muqdisho[RBC Radio]Wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya ,ayaa laga dalbaday inay kala caddeyso Muqdisho inay noqonayo gobol oo faderaalka laga dhaqan-galin doonno iyo inay noqonayo xarunta dalka,sidaa waxaa wasaaradda ka dalbaday guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan).

Guddoomiye Tarsan,waxaa uu caddeyey inay muhiim tahay  in magaalada Muqdisho oo ah caasimada dalka federaalka lagu hormariyo,si maamulada kale xilliga loo geeyo sharciyada faderaalka aysan uga soo jawaab celin Muqdisho maa laga soo hir-galiyo.

Duqa caasimada Soomaaliya,waxaa kale uu hadalkiisa ku soo qaaday in haddii maamullada gobollada dalka lasoo dhiso ay  noqonayso in la isugu yimaado Muqdisho oo lagu murmo sidii loo qaybsan lahaa,waxaana uu tilmaamay inaysan taas doonaynin, balse waxaan xaqiijiyey  in Muqdisho la caddeeyo inay noqonayso caasimadda federaalka iyo inay gobollada maamullada loo sameynayo ka mid noqonayso.

Waxaa uu dalbaday Tarsan in wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka ay  awoodda saarto sidii loo qeexi lahaa maqaamka ay yeelanayso Muqdisho.

Wasiirrada degmooyinka ha soo dagaan:

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan),waxaa kalo uu ku baaqay in wasiirrada cusub ee xukuumadda Soomaaliya  dagaan degmooyinka gobolka Banaadir oo aysan ku ekaan madaxtooyada,taaso uu ku sheegay  inay qayb ka qaadan karto xoojinta ammaanka caasimaadda.

Waxaa uu sheegay in maamulka gobolka Banaadir uu billada sannadka siin doonno wasiirkii ugu horreeya oo degga degmooyinka gobolka Banaadir,isagoona raaciyey inuu hubo in la sugayo amniga wasiirrada deggaya degmooyinka gobolka Banaadir.

Hadalladaan waxaa uu ka jeediyeyTarsan xaflad uu xilka kula wareegayay wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka, C/llaahi Goodax Barre oo shalay ka dhacday Muqdisho.
______
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

Wanla-weyn oo ay ku dagaallamen ciidamo kawada tirsan dowladda

$
0
0

Ciidamo-dowlada-400x300Muqdisho[RBC Radio]Dagaal xooggan ayaa la sheegay inuu dhex maray ciidamada dowladda faderaalka ka wada tirsan kaaso dhaliyey khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh,sida waxaa sheegay mid ka mid ah dadka deegaannka uu dagaalka ka dhacay.

Waxaa la sheegay in dagaalkan uu ka danbeeyey kaddib markii  dagaal kooban oo shalay ka dhacay degmada Wanla-weyn  una dhexeeyay ciidammo dowladda Soomaaliya ka socday oo deegaannka ay isku dhaceen kuwo iyagu horey halkaa u joogay oo dowladda ka tirsa,inakasto la xiqiijiyey iska hor imaadkii shalay inusan khasaaro badan dhalin.

Ilaa hadda waxaa la xaqiijiyey  uguyaraan toddoba qof inay  ku dhintay 15 kalena ay ku dhaawacmeen,dagaalka ciidamada milateri Soomaaliya dhex maray.

Dadka dhintay waxaa ku jira laba qof oo shacab,halka tirada kale ee dhimatay ay iyaguna yihiin  ciidamada dowladda ee dagaalku u dhexeeyo,balse waxaa jira warar kale oo sheegay in khasaara dagaalku uu intaa ka sii badan karo.

Dhinaca kale saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyay jiritaanka dagaalka dhexmaray ciidamada dowladda,waxaana ay tilmaamen in xilligaan ciidamo kale loo dirayo si ay ukala dhex galaan ciidamada  dagaallamaya.
_______
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

Madaxweyne C/wali oo kulankii ugu horreyey la qaatay wasirrada cusub[Sawirro]

$
0
0

IMG_0109

Garoowe[RBC Radio]Madaxtooyada Puntland,waxaa maanta shirkii ugu horreyey oo ay isku arkaan ku qaatay madaxweynaha dowladda Puntland ee Soomaaliyed C/wali Maxamed Cali Gaas,iyo golaha wasiirradisa cusub.

Wasiirrada uu madaxweynaha la kulmay ayaa ahaa xubnaha ku sugan xilligaan magaalada Garoowe,waxaana la sheegay in dhawaan Garoowe ay soo gaari doonan wasiirrada ku jira xukuumadda cusub ee hadda ku maqan dalka dibaddisa.IMG_0115

Shirka madaxweynaha iyo wasiirradiisa cusub ay qaaten,waxaa lugu sheegay inuu ahaa mid isbarasho ah.

Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa oo isna shirka kala qeyb-galay,ayaa wasiirrada dar-daaran u jeediyey,iyagoona ku baaraarujiyey inay noqdaan kuwa la yimaada shaqo qancisa shacab weynaha Puntland.

Bilowga shirka ayaa wasiir kasta waxaa uu ku dhawaaqay magaciisa iyo xilka loo magacaabay,taaso dhammaanba ay isku barteen xubnaha kullanka ka qeyb-galay ee xukuumadda ka tirsan.

Madaxweyne C/wali oo la tilmaamay  inuu la hadlay wasiirrada cusub,ayaa sheegay inuu iyaga ku soo magaabay isbadal,taasna ay ku imaan karto in laga dhabeeyo in wasiir kasta uu ka soo baxo shaqada loo magacaabay.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa sheegay in shacabka reer Puntland ay yihiin kuwo u hamuum-qaba isbadal ka hana qaada dalka,taasina ay lagamamarmaan ka dhigayso in isbadalka shacabku ay rabaan lala’yimaado.

Wasiirrada ayaa iyaguna dhankoosa sheegay inay dadaal-dheer ugali doonan sidii ay uga soo bixi lahaayeen shaqadooda.

Dhinaca kale warar an helayno waxaa ay sheegayan in maalinta Sabti ah la horgeyn doonno xukuumadda cusub mudanayaasha baarlamaanka Puntland si ay u ansixiyaan wasiirrada uu soo magacaabay madaxweyne C/wali,warar kale ayaa iyaguna sheegaya in berri wasiirrada la dhaarin doonno.

Wasiirrada uu madaxweynaha la shiray waxaa ay isagu jireen wasiiro,wasiir ku-xigeeno iyo wasiiru dowlayaal.

IMG_0113 IMG_0115 IMG_0116 IMG_0117 IMG_0120 IMG_0121 IMG_0123 IMG_0125 IMG_0127 IMG_0130 IMG_0132 IMG_0135 IMG_0136 IMG_0138 IMG_0149
______
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

Guddi Booqdey Deegaanka Xero Jaalle

$
0
0

Guddi booqdey deegaanka Xero Jaalle

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

SOMALIA: Galmudug, Himan and Heeb regional administrations to unite one entity

$
0
0

3Galkacyo (RBC) Two regional states in central Somalia today commenced the first phase of series of discussions to consider for the unity of the pair into one entity, RBC Radio reports.

Galmudug Deputy President Abdisamad Nur Guled has said that the meeting started yesterday in the central Somalia town of Galkacyo as complement for the already ongoing consultations which has been maintained by the two regional authorities.

Mr Guled has reiterated that the motive was to unite all the administration in the central Somalia regions including the Galgadud part administered by the moderate Sufi group of Ahlusuna.

On their side Himan and Heeb President Abdullahi Barleh has expressed his best wishes for the meeting saying that it will bring fruitful outcome in the coming days.

Both Galmudug and Himan and Heeb were already urged to unite in order to hold the criteria for being a full federal state under Somalia’s federal government in accordance with the Constitution which states that “two or more regions can join to form a federal state”.

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


SOMALIA: Mogadishu Mayor calls the new ministers to reside districts

$
0
0

Mogadishu (RBC) The Mayor of Somalia capital, Mogadishu Mohamud Ahmed Nur Tarsan has called the new cabinet members of the federal government to reside Mogadishu districts instead of living in the heavily guarded Villa Somalia, RBC Radio reports.

Mr Tarsan who addressed in a handing over ceremony for the newly appointed Interior Minister of Somalia, said that ministers and deputy ministers were required to come out of the Presidential Compound of Villa Somalia, which is described  as the most protected place by the African Union Forces [AMISOM].

“I call again the ministers of the government to come out of this protected wall, and start to live in the different districts of the city.” The Mayor.

The Mayor has voiced same call a month before the new cabinet ministers were nominated by Prime Minister Abdiweli Sheikh Ahmed.

“If ministers continue to stay in the vicinity of Villa Somalia, people would rather take it that other locations in Mogadishu were not safe.” he added.

The Mayor who is also the Governor of Benadir regional administration has whispered that price of the food and the basic items have gone up in the districts near the Presidential Compound in Mogadishu according to the other districts because ministers and high ranking government officials living there and other people can not be convinced to live.

Touching the status and the development of the capital city, Mr Tarsan has asked the government to seek a way that Mogadishu could be transformed into the federal state.

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

RW C/weli oo la kulmay beeraleyda Somaliyeed[Dhageyso+Sawirro]

$
0
0

2

Muqdisho[RBC Radio]Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya mudane Cabdiweli Shiikh Axmed ayaa maanta kulan la qaatay beeralayda Soomaaliyeed si uu ugala hadlo caqabadaha haysta iyo kaalinta ay Dowladda Federaalku ku saacidi karto beeralayda sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen wax-soosaarka dalka, waxana Ra’iisul Wasaaruhu ka sheegay kulanka in xukuumaddiisu ay muhiimad weyn siin doonto wax-soosaarka dalka si dhaqaalaha dalku u soo kabto.

Kulankan ayaa Ra’iisul Wasaaruha waxaa ku wehelinayey wasiirka beeraha mudane Cabdi Axmed Maxamed iyo ku-xigenkiisa mudane Cismaan Libaax Ibraahim, waxana beeralayda ay la kulmeen ka kala yimaadeen gobolada Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe, iyadoo laga arrinsanayey sidii labada dhinac isaga kaashan lahaayeen in la qaado caqabadaha hor taagan kor-u-qaadista wax-soosaarka dalka.1

Beeralayda Soomaaliyeed ee la kulmay Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo jeediyey cabashooyin dhinaca ammaanka ah, waxana Ra’iisul Wasaaraha oo garawsanaya caqabadaha dhinaca ammaanka ah balan qaaday in xukuumaddiisu ay muhiimad weyn siin doonto adkaynta ammaanka dalka, si dhamaan ujeedooyinka iyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed loo wada xaqiijiyo.
“ Kulamada noocan oo kale ah ee ay isugu imanayaan dadka xirfadleyda ah waa muhiim, waxaan fursad u yeelanay inaan si toos ah u dhegeysanno dadkii beerayda ahaa oo sheegay caqabadaha haysta, anigu waxaan ka soo jeedaa qoys beeralay ah , waxanna wax ka bartay dugsigii sare ee beeraha ee Afgooye, iyadoo aan qarankana ugu soo shaqeeyey .” sidaasi ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed.

“ Waxaan garawsannahay caqabadaha ay waajahayaan beeralayda Soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin fatahaadda, abaaraha iyo lacagaha ay ka qaadaan dhinacyada ka baxsan xayndaabka dowladda, waaxaan si cad idiinku sheegayaa in arrimahan aan si dhab ah u qaadanayno oo wax laga qaban doono. Soo celinta dhoofinta iyo horumarinta wax-soosaarka beeruhu waxa ay ka mid yihiin qorshayaasha horumarka ee qaranka Soomaaliya, waxayna abuurmi doonanaan shaqooyin iyo fursado kale oo horumarineed.” Sidaasi ayuu hadalkiisa raaciyey Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed.

Dhinaca kale, Wasiirka beeraha ee Dowladda Federaalka ee Soomaaliya mudane Cabdi Axmed Maxamed oo kulanka kelmad ka jeediyey ayaa sheegay in shirkan oo ah kii ugu horreeyey oo noociisa ah ay ka soo bixi doonto hannaan ay ku wada shaqeeyaan dadka beeralayda ah iyo hay’adaha dowladda dhexe ee Federaalka ugu qaabislan beeraha.


1 2 3
_______
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

Muqdisho:Tiradii ugu badneed ee wasiirrada cusub oo xilalkoodi la wareegay

$
0
0

Muqdisho[RBC Radio]Waxaa maanta xafiisyadoodi la waregay tiridii ugu badneed ee wasiirrada uu dhawaan soo magacaabay raysal wasaare C/wali,kaddib munaasabad ka dhacday Muqdisho.

Xubnaha wasiirrada ah ee maanta xilalkoodi si rasmi ah ula wareegay waxaa ka mid ah wasiirrada wasaaradaha Caafimaadka, Waxbarashada,  Isboortiga ,tacliinta sare, haweenka  iyo shaqada iyo shaqaalaha,waxaana lixda wasiir ay xilalka kala wareegen hal wasiir,maadaama wasaaraddahan ay horrey isku ahaayeen wasaaradda adeegga bulshada.

Xalfada xil wareejinta waxaa ka soo qeyb-galay  R/wasaare ku-xigeen ahna wasiirka Diinta iyo Awqaafta mudane Ridwaan Xirsi Maxamed iyo mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradahaasi.

Wasiirkii hore ee horumarinta adeegga Bulshada Drs. Maryan Qaasin oo iyadu maanta xilkaasi ku wareejisay wasiirrada cusub ee loo soo magacaabay wasaaradahaasi,  ayaa ka hadashay waxqabadkeeda mudadii ay heysay xilka wasaaradahaasi, iyadoo ku boorrisay wasiirada cusub inay dardar geliyaan howlaha wasaaradahaasi.

Wasiiradda Lixda wasaaradood ee loo kala qaaday wasaaraddii adeegga bulshada oo maanta xilka kala wareegtay wasiirkii hore ee wasaaraddii adeegga bulashada Maryan Qaasin ayaa mid mid ugu mahad-celiyay wasiirkii hore,  iyadoo wasiirradaasi ay balan qaadeen iney dib usoo nooleyn doonaan howlihii wasaaradahaasi.

Dhawaan ayaa si rasmi ah waxaa shaqadeeda u bilaabaysa xukuumadda cusub walo ay horrey u qaaten fadhiyadooda.
______
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

Wasiirro ka tirsan dowladda Soomaaliya oo bilaabay shacabka Muqdisho inay dhex-dagaan

$
0
0
Wasiiro bilaabay xaafadda Muqdisho inay dagaan

Wasiiro bilaabay xaafadda Muqdisho inay dagaan

Muqdisho[RBC Radio]Wasiirradi ugu horreyey ayaa la sheegay xilligaan inay isku diyaarinayaan sidii ay u dagi lahaayeen xaafadda Muqdisho ee ay dagan-yihiin dadka rayidka ah,sidaa waxaa warbaahinta u sheegay C/llaahi Maxamed Nuur oo ah wasiiru-dowlaha maaliyadda.

Arrintaan waxaa ay ku soo aadaysa xilli mudooyinkii ugu danbeyey qey-lo dhaan xooggan ay ka soo baxaysay maamulka gobolka Banaadir, oo ku baaqayey in wasiirradu ay ka soo guuran aqalka Soomaaliya laga maamulo ayna soo dagaan xaafadda dadka shacabka ah ay daganyihiin,si ay ugu dhiradaan bulshadu.

C/llaahi Maxamed Nuur,wasiiru-dowlaha  maaliyadda dowladda faderaalka Soomaaliya,ayaa shaaca ka qaaday in isaga iyo tiri wasiirraha ah ay ku balameen inay soo dagaan degmooyinka Muqdisho.

Waxaa uu dhaliil u soo jiideyey wasiiru-dowlahu,maaxda sare ee dowladda iyo wasiirrada isagoona ku dhaliiyey inay ku egyihiin xarunta madaxtooyadda oo aqalo uu ah ruux kasta oo dowladda ka tirsan,waxaana u tilmaamay in arrintaa ay tahay wax laga yax-yaxo loona baahan yahay mas’uulkasta in aqal kiisa laga dhiso degmo ka mid ah Muqdisho.

Sababta keentay in dowladdu ku ekaato madaxtooyada waxaa lugu sheegay,arrimo la xiriira amniga.
_____
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

DEG DEG:Xassan Daahir Aweys oo laga siidayey xarunta nabad suggida

$
0
0
Xassan Daahir  Aweys

Xassan Daahir Aweys

Muqdisho[RBC Radio]Warar goor dhaweyd soo gaaraya Raxanreeb Online,waxaa ay sheegayaan  in Sheekh Xassan Dahir Aweys,muddo kaddib laga siidayey xarunta nabadsugida oo uu toddobo bilood  ku xirna.

Xarunta hay’adda nabad suggida ee degmada shibis ee gobolka Banaadir, oo muddooyinkaanba lagu haayay hoggaamiyihii hore ee ururka xisbul Islaam, ayaa laga sii daayay.

Sheekha,ayaa ku jiray mudada gacanta dowladda Soomaaliya,waxaana wararku ay intaas ku darayaan in xilli fiidkii caawa ah laga saaray xarunta gurigii habar Khadiijo,halkaaso ah taliska ciidamada nabadsugida.

Ilaa hadda lama xaqiijiyin halka la geeyey  Xassan Dahir Aweys,kaddib markii laga saaray halkii uu ku xirna,waxaana la xajiyey in goob kale la geeyey oo an la shaacin.

Sidoo kale waxaan ilaa hadda aysan jirin cid si madaxbanaan u xaqiijisay siideynta wadaadka oo gacanta dowladda ku jiray,halka warar soo baxaya ay sheegayan in ilaalo gaar ha loo sameeyey kuwaaso ku hayn-doona aqal gooni uu ah.

Ma jiro sidoo kale wax war ah oo dowladda ka soo baxay,kaaso ku aadan siideynta Xassan Dahir.

Siideyta  Xassan Dahir Aweys,su’aallaha la isweydiinayo waxaa ka mid ah inuu aqbalay shuruudihii dowladda hor dhigtay ee ku saabsanaa sii deyntiisa iyo inkale.

Waxaa soo baxaya sidoo kale in  loo wareejiyay guri  ku yaalla magaalada Muqdisho oo xabsi guri ahaan loogu hayn doono,taaso meesha ka saaraysa in wadadka oo horey uga tirsanaa saraakiisha Al-Shabaab xoriyadiisa la siiyey,balse wixii war ah ee ku soo kordha kala soco Raxanreeb Online.
______
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

SOMALIA: Somali government releases Sheikh Hassan Dahir Aweys from the Jail.

$
0
0
Xassan Daahir Aweys

Hassan Dahir Aweys

Reports coming to Raxanreeb online news desk tonight are stating that Shiekh Hassan Dahir Aweys was released from the jail that he was in since his detention in June last year of the Federal government of Somalia.

Shiekh Hassan Dahir Aweys escaped from Al-Qaida-Linked militants Al-shabab in Barawe, Lower Shabelle taking route on the sea to the central regions coasts.

He was later under the custody of peace keeping Somali police unit centre at Shibis district, Banaadir.

Hassan Dahir Aweys was the leader of the Religious militants group, Hisbul Islam.

This officer is said to have taken to a house that was arranged for him by the federal government of Somalia.

The release of Dahir Aweys is coming after earlier talks between the clan this official and the federal government led by president Hassan Sheikh came into an agreement.

RBC RADIO

Hussein Omar.

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

SOMALIA: The agreed articles of the Gal-Mudug and Himan and Heeb meetings in Galkayo.

$
0
0

1A conference taken two days was held Galkacyo between Gal-mudug and Hibin&Heeb administrations and ended up with an agreement of union.

The main agendas of these two days meetings were to establish one powerful state out of the two administrations.

Xibin iyo Xeeb President Abdullahi Ali Mohamed Barleh, Gal-Mudug deputy president Abdisamid Nuur Guled were attending these meeting.

Other people e  invited in these discussions include politicians, traditional elders from these regions.

The articles of the agreement.

  1. To commence the establishment of a state for Somali’s central regions in the soonest time possible.
  2. To start reconciliation efforts between the people of Himin and Heeb and Gal-Mudug using deferent kinds of civil society and the media as well
  3. To formulate secured environments in these regions and create peace relations with the neighboring administrations and governments to not enable the criminals take shelter in the bordering administrations.
  4. To ask for their share of international support given to the Federal government especially on security and social service developments.
  5. To work on the integration of the two societies, e.g. Business, sports and women associations integrations.

*Translated from the official presidential decree in Somali language

Copyright; RBC Radio © Raxanreeb Online

Hussein Omar

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Beesha Janbeel oo dhaliishay qaabkii uu Gaas dowladda u dhisay

$
0
0

Ku:Madaxweynaha Puntland- C/Wali Maxamed Cali Gaas

Ku: Madaxweyne ku-xigeenka Puntland

Ku: Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland

Og:Dhammaan isimada,salaadiinta iyo cuqaasha reer Puntland

Beesha Cabdi Kombe (jambeel) waxay dhaliil u soo jeedinaysaa qaabkii loo soo dhisay dawladda uu madaxda ka yahay Prof:C/Wali Maxamed Cali Gaas,Beeshu wax Xil ah kama helin xukuumaddii la soo dhisay.  ilaa 15-kii sano ee la soo dhaafayna beeshu weligood caddaalad ah looma samayn xagga qaybinta jagooyinka dowladda Puntland.

Iyadoo Beesha Cabdi Koombe (Janbeel) ay ka mid tahay beelaha ugu badan ee dawladda Puntland soo galiya Dakhliga,haddana qiimo gaar ah kuma helin markii uu madaxweynuhu magacaabayay golihiisa wasiirada.

Madaxweynuhu wuxuu beesha la kulmay dhawr jeeer intuu u tartamayay xilka Madaxtinimada Puntland,oo wuxuu ku cel celin jiray in uu beesha Jambeel u caddaalad fali doono.

Intuu madaxweynaha noqdayna, wuu la kulmay oo ballan qaad ayuu u sameeyay beesha,hasa yeeshee ma dhicin in nala siiyo wax jago ah,iyadoo beela kaloo aan degaan ku lahayn Puntland la siiyay wasiiro,anigii ahayn canshuur bixiyayaasha ugu waa weyn Puntland aan weli sugayno in nala siiyo wasiir noo cuntama.

Jagada bannaan ee wasaaradda war-faafinta waa mid u qalanta aqoonyahanka aan madaxweynaha u soo gudbinay Cv-giisa,waayo wuxuu u leeyahay booskaas aqoontii lagu maamuli lahaa iyo khibrad uu ka dhaxlay intii uu ku guda jiray ka shaqaynta saxaafadda Caalamiga ah.

Beeshu waxay aaminsantahay in xiligaan la joogo xiligii loo caddalad fali lahaa,lana ixtiraami lahaa mugga ay ku leedahay degaanada Puntland.

Wabilaahi Towfiiq

Qore:

Cali Aadam Ciise Cadde

Ku-Simaha suldaanka Beesha Cabdi Kombe

Garoowe-Puntland

 

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi Iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo soo dhaweyn kala kulmay Bulshada Qardho(Sawirro).

$
0
0

06Boosaaso(RBC Radio) Ra’iisul Wasaarihii hore ee DKMG Soomaaliya Proff Cali Maxamed Geedi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar dhulka ah ku tagay Magaaladda Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Proff Cali Maxamed Geedi ayaa waxaa ku weheliyey safarkiisa Wasiirkii Ganacsiga Xukuumadii Badbaado qaran ,Siyaasi Cabdirixmaan Macalin Cabdullaahi Baadiyow,Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan iyo xubno kale.

016Xubnaha wafdiga oo safarkooda dhanka dhulka ahaa kana soo ambabaxay magaaladda Garoowe ayaa markii ay soo gaareen magaaladda Qardho ee xarunta gobolka Karkaar kala kulmay soo dhaweyn aad u heer sareysa Boqorka Beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse.

Sidoo kale,waxaa iyana soo dhaweynta qeyb ka ahaa Duqa Qardho Maxamed Siciid Hoggaamo,Issimada,Waxgarad,aqoonyahan,Siyaasiyiin iyo marti-sharaf kale,waxaana quraac loogu sameeyey Hotel Guffure.

Duqa magaaladda Qardho Maxamed Siciid Hoggaamo

Duqa magaaladda Qardho Maxamed Siciid Hoggaamo

Duqa magaaladda Qardho Maxamed Siciid Hoggaamo oo ka hadlay kulan loo qabtay Wafdiga ayaa kusoo dhaweeyey magaaladda Qardho,wuxuuna sheegay in shacabka reer Qardho ay gacamo furan idinku soo dhaweynayaan.

Boqorka Beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa isna kulanka ka sheegay in Wafdiga u yimid ee u hoggaaminayo Proff Cali M.Geedi ay furad u siineyso dadka kale ee xilalka kasoo qabtay dalka si nabadgelyo ah isugu kala gudbi-karaan kuwa Puntland joogana dhanka kale u socdaali karaan.

Boqorka Beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse

Boqorka Beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse

….”” Runtii waa fursad qaali ah in dadka walaalaha ah oo Soomaaliyeed ,mas’uuliyiinta xilalka kasoo qabtay wadanka iyo dadka waxgaradka ahi ay isdhexmaraan oo Soomaali aaney ahayn dad kala qobqoban ,dad walaala ah oo wadashay ,dad meel kasta oo ay joogaan isku mid ah….””ayuu yiri

Ra’iisul Wasaarihii hore ee DKMG Soomaaliya Proff Cali Maxamed Geedi ayaa ka mahadceliyey soo dhaweynta loogu sameeyey magaaladda Qardho,wuxuuna ku ammaanay shacabka iyo waxgaradka iney astaan u yihiin nabada iyo horumarka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee DKMG Soomaaliya Proff Cali Maxamed Geedi

Ra’iisul Wasaarihii hore ee DKMG Soomaaliya Proff Cali Maxamed Geedi

Mudane Geedi ayaa tilmaamay in looga baahanyahay Ummada Soomaaliyeed iney isku tashato cidii cid kale wax dheerna ay ku biiriso mana jiri doonto buu yiri Ummada kaligeed meel taagan intey qeybaha kale dhibanyihiin.

…….”” Ummada Soomaaliyeed iney isku tashato ayaa laga doonayaa cidii cid kale wax dheerna iney ku biirisaa la doonayaa cid kaligeed meel ku raacdeysan karta majiraan inta Soomaali qeybaheeda kale dhibanyihiin ….”’ayuu yiri.

Mar uu ka hadlay waayo aragnimada Puntland laga korarsan karo dhanka maamul wanaaga ayuu sheegay in shan iyo tobankii sano ay jirtay Puntland laga dhaliyo dowlad goboleedyo Soomaaliyeed oo tiir u noqda Midnimada Qaranka Soomaaliyeed iyo nidaamka Federaalka ah taasina wadadeedii lahayo.

……”’Darsiga iyo waayo aragnimada 15-jirsaday ee Puntland in lagu dhaliyo dowlad goboleedyo Soomaaliyeed oo tiirar u noqda Midnimada Qaranka Soomaaliyeed iyo nidaamka Federaalka ah ayaa loo baahanyahay ,wadadeedii inaan haynaa aaminsanahay ….””ayuu yiri.

 Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif

Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif

Ra’iisul Wasaare kuxigeenkii ahaana Wasiirkii Ganacsiga ee DFKM Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa sheegay in farxad weyn u tahay in markii labaad uu yimaado magaaladda Qardho xiligii hore uu imaanayey uu ahaa Wasiirkii Ganacsiga ee DFKM ahna Raiisul Wasaare kuxigeen.

Siyaasi Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa ku ammaanay Puntland iney saldhig u tahay qaranimada Soomaaliya ,wuxuuna intaas ku daray iney diyaar u yihiin shacab iyo dowladba iney gacan qabtaan Ummada Soomaaliyeed ee dhibaatada haysato.

…..””’ Puntland waa saldhigii Qaranka Soomaaliyeed maahan mid aan iska leeyahay waa mid ay Taariikh iyo dhaqan u leedahay ,waxaa tusaale u ah dhibkii Soomaaliya ka dhacay 1991,waana maamul goboleedkii ugu horeeyey isku tashada isaga oo ka fakaraya Ummada Soomaaliyeed….””ayuu yiri.

Wafiga uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaarihii hore ee DKMG Soomaaliya Proff Cali Maxamed Geedi ayaa ka dib u ambabaxay degmada Carmo ee gobolka Bari,waxaana lagu sheegay Ujeedada socdaalkooda mid ay bulshada kula wadaagayaan sidii dib la isugu keeni lahaa Midnimada Soomaaliyeed.

01 02 03 04 05 07 08 09 010 011 012 017

__________________

Cismaan Turaabi
RBC Radio
turrabi30@gmail.com

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

Beesha Moorcase oo Dhaliishay Madaxweyne Gaas

$
0
0

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

Shaqo ka banaan Bartamaha.com

$
0
0

job-opening-406x256

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

SOMALIA: President Abdiwali Gaas holds the first meeting with the new Puntland cabinet.

$
0
0

President Abdliwali Mohamed Ali Gaas accompanied by  his deputy Abdihakim amey hold their first meeting with the newly appointed cabinet members of the new administration.

The main focus of this meeting was introductions between the new members of the cabinet and the President and his deputy.

New members of cabinet commenced the meeting by saying their names and respective ministries which ended up in introductions between  the cabinet.

President Abdiwali is said to have spoken with the cabinet and told them the motive behind their selection which is “CHANGE” and the only  way that change can be realised is to get all the appointed officials deliver their best.

Also reports coming to Raxanreeb online is saying that this new 47 members cabinet  will be brought before the parliament of Puntland on the coming Saturday on the 1st of February  to seek for approval.

IMG_0109

 

IMG_0113

 

IMG_0115

IMG_0116

IMG_0117

IMG_0120IMG_0121

IMG_0123

IMG_0125

IMG_0130IMG_0132IMG_0135IMG_0136

IMG_0138

IMG_0149

 

 

RBC RADIO.

Hussein Omar.

 

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

Viewing all 20331 articles
Browse latest View live