Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all 20381 articles
Browse latest View live

SHir balaaran oo lagu taageerayo dib u soo doorashada madax-weynaha Puntland oo ka dhacay Minneapolis.

$
0
0

DSC_0160

SHir aad u balaaran oo lagu taageerayo in dib loo so dortay madax-weynaha hadda xukuma Mudane Cabdi-Raxmaan SH. Max’ed oo ayaa xalay lagu qabtay hotel-ka Ramada ee magaalada Minneapolis, shirkan oo ay ka soo qayb galeen qaybaha kala duwan ee jaaliyadda Puntland ee ku nool magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa waxaa khudbad halkaas uga so jeediyay jaaliyadda madax-weynaha Puntland oo isagu ka so hadlay xafiiskiisa madaxtooyada ee magaalada Garowe.
 photo DSC_0205_zps68e82ab3.jpg
Madax-weyne Cabdi-Raxmaan ayaa markii ugu horeysay jaaliyadda reer puntland ee gobolka Minnesota uga mahad celiyay taageerada ay siiyeen, wuxuuna sheegay in waxtaabo badan uu qabtay maamulkisa muddadii shanta sano ahayd ee ay xilka hayeen ayna jiraan waxyaabo aysan wali dhamays tirin laakiin ay rajayniyaan inay dhamay tiri donaan wuxuuna tibaaxay in murashaxiinta la tartamaya isaga uu soo dhoweynayo wuxuuna carabka ku dhuftay inu isaga ka haboonyahay in mar labaad loo soo doorto shaqada xafiiska.
 photo DSC_0236_zpsd63988e0.jpg
Madax-weyne Faroole ayaa ka waramay wax-qabadkii maamulkiisa intii ay xilka Puntland hayeen, wuxuuna si aad ah uga mahad celiyay tageerada ay jaaliyadda reer Minnesota la garab jogsadeen in mar labaad loo soo doorto xilka madax-weynenimmada Puntland, guud ahaan wuxuu ku ammaanay jaaliyad reer Minnesoto kaalinta muuqata ay ka qaataan isu soo dhoweynta dadka Soomaaliyeed .
 photo DSC_0224_zpsa65e2f26.jpg
Jaaliyadda reer Puntland oo run ahaantii si weyn ugu soo baxay taageerada madax-weynaha Puntland Cabdi-Raxmaan SHllkh Max’ed Faroole in mar labaad la soo doorto ayaa dadkii kulankaas isugu yimid waxaa hadalo u jeediyay odayaasha jaaliyadda ee gobolka Minnesota ku sugan, waxaana ugu horeyntii halkaas ka hadlay wakiilka boqorka ee gobolka Minnesota Cabdullaahi Axmed KHayr oo isagu ka hadlay wax qabadkii maamulka madax-weyne Faroole wuxuuna tilmaamay in maamulka Faroole uu sameeyay wax muuqda oo aan la inkiri Karin.
 photo DSC_0233_zps77f81ee7.jpg
Waxaa kale oo dadkii isu soo baxay halkaas kula hadlay Ismaaciil Xaji Warsame oo isagu ku hadlayay afka reer Juba land, wuxuuna ku ammaanay madax-weynaha Puntland inuu gacan weyn ka geystay siduu u dhismi lahaa maamul goboleedka Jubbaland wuxuna carabka ku adkeeyay in mar labaad la soo dorto madax-weynaha Puntland .
 photo DSC_0231_zps16dfac08.jpg
SHirkan oo ahaa mid aad loo soo agaasimay ayaa waxaa isagana Suldaan Cabdi SHiikh Ismaaciil, oo isagana ku hadlayay afka reer SHabeelaha Hoose Suladaanka ayaa ku ammaanay in madax-weyne Cabdi-Raxmaan SHiikh Max’ud oo keliya uu yahay ninka maanta ka hadla waxyaabaha ka socda goboladaas oo uu sheegay in lagu soo duul;ay, wuxuuna ugu baaqay dadka reer Puntland inay doortaan madax-weyne Faroole oo uu ku ammaanay inuu yahay nin aan meel kale u socon ama aan sida murashaxiinta kale mar Xamar u sii ordaan marna Puntland.

SHirka ayaa waxaa heeso iyo buraanburo lagu taageerayo dib-u-soo-doorashada madax-weyne Cabdi-Raxmaan Faroole ku soo ban-dhigay fanaaniinta magaalada Minneapolis, dadkii faraha badnaa ee ka soo qayb galay shirkaas, waxaana dad-weynihii faraha badnaa ee jaaliyadda ee shirkaas fadhiyay ay si xammaasad ku jrto u qaadayeen heesihii calanka iyo kuwo wadani ah.
 photo ProfTogane_zpsbb42666f.jpg
 photo DSC_0249_zpsa3f75fab.jpg
 photo DSC_0247_zps4414576e.jpg
 photo DSC_0244_zpsf076e541.jpg
 photo DSC_0243_zps2bf4281c.jpg
 photo DSC_0196_zps6f221572.jpg
 photo DSC_0182_zps76a0d6db.jpg
 photo DSC_0228_zpse44ff286.jpg
 photo DSC_0227_zps340ae96f.jpg
 photo DSC_0222_zpsf45c332c.jpg
 photo DSC_0221_zpsb125778a.jpg photo DSC_0291_zpse790c689.jpg
 photo DSC_0220_zps17fd6f9f.jpg
 photo DSC_0219_zps522f9764.jpg
 photo DSC_0218_zpsd54fb71c.jpg
 photo DSC_0217_zpsc0417743.jpg
 photo DSC_0216_zpsd044210b.jpg
 photo DSC_0215_zps64f9631a.jpg
 photo DSC_0214_zps7a5a27a6.jpg
 photo DSC_0213_zpsf13df23c.jpg
 photo DSC_0211_zpsbebaa796.jpg
 photo DSC_0210_zps77809878.jpg
 photo DSC_0209_zps5cba6115.jpg
 photo DSC_0208_zps5874b3ab.jpg
 photo DSC_0202_zps17e06b92.jpg
 photo DSC_0201_zps12dc30d9.jpg
 photo DSC_0202_zps17e06b92.jpg
 photo DSC_0200_zps4c87b5d4.jpg
 photo DSC_0183_zpscbfa7adc.jpg
 photo DSC_0179_zpsa9cef1ef.jpg
 photo DSC_0166_zpsb5d7279a.jpg
 photo DSC_0178_zpseebda511.jpg
 photo DSC_0176_zpsc9a45c4a.jpg
 photo DSC_0175_zps30439899.jpg
 photo DSC_0171_zps19f2983a.jpg
 photo DSC_0167_zps741cc280.jpg

HALKAAN HOOSE KA DAAWO SAWIRO BADAN

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Axmed Madoobe”Liiskii golaha wasiiradda ee Jubba waan ku dhawaaqaya Odayaashuna Baarlamaanka ha soo xulaan”[Sawirro]

$
0
0

3

Kismaayo[RBC Radio]Maamulka KMG ah ee Jubba,ayaa la sheegay xilligaan in la soo dhamestiri doonno,waxana sidoo kale jirta in la caddeyey inay dhanyihiin golaha wasiirada ee uu maamulkaasi yeelan lahaa.

Hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo shir kula qaatay magaalada Kismaayo Odaayshi soo dhisay maamulka ayaa waxaa uu si cadd hortooda ugu sheegay in xilligaan dhinacooda ay ka soo dhamaatay dhamestirka maamulka oo uu gacanta ku hayo xubnihii ka mid noqon lahaa golaha wasiirada ee maamulku uu yeelanayo.2

Axmed Madoobe,waxaa uu sidoo kale Odayaasha uu usheegay inay soo xulaan xubnaha Baarlamaanka ee maamulka kamid noqonaya, isaga oo qeexay inuu sii magacaabayo golaha wasiiradda maamulkiisa si shaqada loosii bilaabo.

….””’Waxaan idin caddeynaya inan dhiseeno maamulkiini,mana jirto wax caqabad ah ama na hortaagan xilligaan,mana jirto cid ay wax nooga dhiman yihiin,waxaa idinkana la idin karabaa inad sida ugu dhaqsiyaha badan usoo magacowdaan xildhibaanada ka mid noqonaya Baarlamaanka maamulka Jubba,anigana golihi wasiirada ayaan soo magacaabaya haddana waxan idin sheegaya way diyarsanyihiin…”"‘ayuu yiri Axmed Madoobe.

Dhinaca kale waxaa uu soo hadal qaaday Axmed Madoobe shirka ka socda magaalada Baydhabo oo la sheegay in lix gobal oo koonfurta Soomaaliya maamul loogu sameynayo, wuxuuna sheegay inay soo dhaweynayaan cid waliba oo dhisanaysa maamul wixii ay ku caawin karaana ay lagarab taagan yihiin.1

Ugu dambeyn Sheekh Axmed Madoobe, wuxuu cadeeyay inaysan jirin cid ay la dagaashan yihiin hadii ay yihiin maamulka Jubba, ayna doonayaan kuwada noolaashaha nabada.

Magaalada Kismaayo oo xilligaan saldhig uu ah maamulka Jubba,ayaa ah mid si weyn looga dareemayo qaban qaabada ku aadan soo dhisitaanka Maamulka Jubba, iyadoo qurbajoog badan oo Jubbooyinka kasoo jeeda ay dib ugu noqdeen Kismaayo, kuwaasi oo doonaya inay iska dhex arkaan Golaha Wasiirada ama Xildhibaanada Maamulka Jubba.
_______
RBC Radio
Raxanreeb@gmail.com
Xafiiska Kismaayo

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

Khilaafka madaxweynaha Soomaaliya iyo R/wasaaraha Sawir-gacmeed

$
0
0

2013-12-01-sawir-gacmeed-600x423

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

Baarlamaanka Soomaaliya oo maantay soo gaba-gabeeynaya doodi mooshinka laga keenay Xukuumada

$
0
0
Baarlamaanka Soomaaliya oo doododi soo gaba gabeenaya

Baarlamaanka Soomaaliya oo doododi soo gaba gabeenaya

Muqdisho[RBC Radio]Maanata oo Isniin ah waxaa lugu wadda inay soo dhamaato doodi ay xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ka lahaayeen xukuumada uu hoggaamiyo R/wasaare Saacid,waxana doodan maantay la sugaya in lugu soo gaba-gabeeyo ka doodista mooshinka kalsooni kala noqoshada R/wasaaraha iyo xukuumadisa.

Doodi kululeyd ee ay shalay yeeshen xildhibaanada ayaa waxaa ka hadlay illa 30-xildhibaan,kuwaaso ka warbixinayey aragtidooda moshiinka horyaalla,waxana maantay lugu wadda inay sidii kale arrinta xildhibaanada hortaalla ay ka hadlay xildhibaano gaaray illaa 50-xildhibaan,waxana ay qeyb ka yihiin 83-dii xildhibaan ee is qortay inay mooshinka ka doodaan, waxaana kulanka maanta uu yahay mid aad uga adag kulankii shalay.

Xildhibaanada hadalada jeedinaya ayaa ah kuwo aad ukala fog oo ku kala aragti duwaan mooshinka ay xilligaan xildhibaanadu ka doodayaan,waxana taas caddeyn uu ah kal fadhigoodi ay xildhibaanadu yeeshen shalay inuu ahaa mararka qaar mid dhalinayey buuq ,waxana ay taasi kentay in gudoonka uu aad ugu mashuulsanaa xakameyntooda.

R wasaare Saacid

R wasaare Saacid

Shalay ayey ahaayd markii uu guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari uu sheegay in maanta la soo gaba-gabeyn doono dooda, isagoo weydiistay Xildhibaanada inay ugu dambeyn soo xaadiraan inta u dhaxeysa 9-ka ilaa 10-ka subaxnimo, si dooda ay u bilaabato waqti fiican.

Xildhibaanada baarlamaanka ee ka soo horjeeda R/wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa doonaya in maanta codka kalsoonida loo qaado marka uu dhamaado doodo, balse waxaa jirta in gudoonka Baarlamaanka jawaabin war saxaafadeedkii shalay ka soo baxay xafiiska R/wasaaraha.

Dhinaca kale R/wasaare Saacid ayaa isna dhakiisa shalay sheegay in xukuumadiisa ay ku adkeysaneyso in fursad la siiyo, si ay isugu difaacdo, kadib markii shalay xildhibaanada ay diideen in dooda uu ka soo qeyb galo isla mar ahaantana is difaaco.

Iyadoo ay wali socoto doodihii ugu adka ee Baarlamaanku yeelanayaan ayaa waxaa haddana maalintii 3aad uu xiran y waddada horu marta xarunta golaha shacabka, halkaasoo ciidamo fara badan la soo dhigay,waxana sidoo kale jirta in si weyn lo ad keyey amniga xarunta.

Isku soo wada dubo waxaa maantay si gaar ah isha loogu hayaa natiijada ka soo bixi doonta, waxaana fadhiga baarlamaanka uu maalmahan yeelanayay uu ahaa mid aad uga duwan kulamadii hore, maadaama horay ay u soo xaadiri jirtay ilaa ku dhowaan 160 xildhibaan, halka maalmaha mooshinka laga doodayo ay soo fariisanayaan in ka badan 250 Xildhibaano.

_____
RBC Radio
Raxanreeb@gmail.com
Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

Gen.Cadde Muuse “Musharaxiinta ayaa talo ku leh keenista guddiga khilaafaadka ee doorashada [Dhegeyso]

$
0
0
Gen. Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde)

Gen. Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde)

Qardho[RBC Radio]Madaxweynihii hore ee Puntland Gen. Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde) ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee Puntland iyo weliba dagaaladii dhowaan ka dhacay degmada Taleex ee gobolka Sool, halkaas oo dad badan ku dhinteen.

Gen. Cadde oo waraysi siiyey daljir waxaa uu si aad u dhaleeceeyey dagaalkaas, isagoo ku baaqay in xaalada la qaboojiyo isla markaasna arrinta Taleex laga daayo siyaasadda qalafsan ee is diidan.

Madaxweynihii hore ee Puntland Gen. Cadde oo jooga Qardho, waxaa uu ka hadlay arrinta doorashada, isagoo si qoto-dheer ugu dheeraaday guddiga xalinta khilaafaadka iyo xuslista baarlamanka iyo habka loo keenayo oo aan weli la isku fahmin.

Waxaa uu sheegay in murashaxiintu ay awood u leeyihiin inay iyagu soo xushaan guddiga khilaafaadka iyagoo maraya hab la isku raacay, sida dhacday 2008 wakhtigaas oo uu Gen. Cadde Muuse madaxweyne ka ahaa Puntland.

“Musharaxiintu waa ii yimaadeen wakhtigii doorashada 2008, xataa Cabdiraxmaan waa ku jiray waxay igala hadleen guddiga iyo habka loo soo xulayo, waan u sheegay waxaan iri keensada waxaad rabtaan idinku.” Ayuu yiri Gen. Cade.

Halkaan ka Dhageyso Waraysi Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde Muuse)

“annaga iyo murashaxiinta waan is-kaashanay doorashadii hore, waxaan go’aaminay in gobol la arkaba qof laga soo magcaabo, markay ku heshiiyeen waan saxiixay. Aniga hal qof ma keenin.” Ayuu yiri Gen. Cadde oo dhaliilay habka haatan loo keenayo guddiga soo xulida baarlamanka iyo Khilaafaadka ee xilligan.

Madaxweynihii hore ee Puntland Gen. Cade ayaa sidoo kale ka hadlay kulan uu la qaatay inta badan safiirada midowga Yurub ee Soomaaliya iyo safiirka Maraykanka kaas 2okii bishii hore ka dhacay Garoowe, waxaa uu sheegay inay ka wada hadleen in aan doorashada dib loo dhigin xataa hal maalin, arrintaas oo muhiim u ah xasiloonida gobolka, sida uu hadalka u dhigay.

Gen. Cadde ugu dambayntii waxaa uu ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay ku jiraan shirkii isimada ee Qardho ee boqorku iclaamiyey, shirkaas ayuu ku tilmaamay mid lagu doonayey in lagu xaliyo khilaafka u dhexeeya mucaaradka iyo dowladda, balse arrintaas aysan hir-gelin, waxaa uu madaxweyne Faroole ugu baaqay in doorashada ay si xor ah u dhacdo.
Xigasho Daljir
_____
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

R/wasaare Saacid oo tacsi u diray dadkii ku geeryooday dagaalka ka dhacay deegaanka Taleex, kuna baaqay in la joojiyo dagaalkaas

$
0
0

saacid0Muqdisho(RBC Radio) Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay dagaalka ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Sool, R/wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay aad uga xuntahay dagaalka ka dhacay degmada Taleex ee gobolka Sool.

R/wasaaraha dowladda Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ayaa tacsi u diray Eheladii ay dadku kaga geeryoodeen dagaalka dhowaan ka dhacay deegaanka Taleex ee dhexmaray ciidamada maamulka Puntland iyo maamulka Khaatuma.

Cabdi Faaxar Shiirdoon Saacid R/wasaaraha dalka ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalada ka dhacaya deegaanno ka tirsan gobolka Sool, wuxuuna ugu baaqay dhinacyada dagaalamaya inay khilaafka ku xaliyaan wada hadal.

”waxaa tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Eheladii ay dadku kaga geeryoodeen dagaalka ka dhacay deegaanka Taleex, waxaan ku baaqayaan in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka kasoo cusboonaaday gobolka Sool” ayuu yiri R/wasaare Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid.

R/ wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ayaa ka codsaday dhinacyada dagaalamaya inay ka waantoobaan dagaalka ayna khilaafka ku xaliyaan wada hadal si loo badbaadiyo shacabka Soomaaliyeed ee ku nool deegaankaas.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

Gudoomiyaha maxkamadda sare ee dalka oo ka hadlay dilalka qorshaysan ee loo gaysanayo Garsoorayaasha dalka

$
0
0

ilka-xanaf-150x150Muqdisho(RBC Radio) Gudoomiyaha maxkamadda sare ee dalka Mudane Caydiid Ilka Xanaf ayaa ka hadlay dilalka qorshaysan ee loo gaysanayo howl-wadeenada garsoorka dalka, wuxuuna sheegay inaysan taasi hakin doonin howsha ay Bulshada Soomaaliyeed u hayso Hay’adda garsoorka qaranka.

Caydiid Ilka Xanaf gudoomiyaha maxkamadda sare ee dalka ayaa sheegay in kooxo haraadi ah oo ka haray ururka Alshabaab ay gaystaan dilalka qorshaysan ee lala beegsado masuuliyiinta Hay’adda Garsoonka, wuxuuna ka dhawaajiyay in Hay’adda Garsoorka aysan taasi ka joojin doonin howsha ay shacabka Soomaaliyeed u hayaan.

Wuxuu tilmaamay gudoomiyuhu in kooxaha ka tirsan Alshabaab ee dilalka ka gaysta magaalada Muqdisho ay gumaad ku hayaan Bulshada Soomaaliyeed, wuxuuna ka codsaday shacabka Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka si looga qabto kooxahaas waxyeelada u gaysanaya shacabka Soomaaliyeed.

“isku dayga ay samaynayaan kooxaha Argagixisada ah ee Alshabaab oo ay ku doonayaan inay ku dhibaateeyaan Garsoorayaasha dalka waxba kama bedeli doono shaqada garsoorasaashu ay u hayaan dalka, ayuu yiri gudoomiyaha maxkamadda sare ee dalka Caydiid Ilka Xanaf.

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa waxaa mar kasta ka dhacay dilal kala duwan waxaana badankooda sheegta inay ka dambeeyeen ururka Alshabaab.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

DEG DEG: kulanka Baarlamaanka oo hadda furmay, iyo qaar ka tirsan mudanayaasha oo ka hadlaya xarunta Golaha shacabka

$
0
0

baarlamaanka jamhuuriyadaMuqdisho(RBC Radio) kulanka Xildhibaanada Baarlamaanka federaalka  Soomaaliya ayaa iminka ka furay xarunta Golaha shacabka, Xildhibaanada ayaa maanta la filayaa inay soo gabagabeeyaan ka doodista mooshinka kaga soo gudbiyay R/wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid.

Xildhibaanada Baarlamaanka ee ku kala aragtida duwan mooshinka laga soo gudbiyaya R/wasaare Saacid ayaa ayaa hadda ka hadlaya xarunta Baarlamaanka, wuxuuna Xildhibaankiiba hadlayaa 3 daqiiqo oo uu ku soo gudbinayo fakarka uu ka qabo mooshinka.

Ammaanka xarunta Golaha shacabka ayaa si aad ah loo adkaeeyey waxaana ciidamo lagu soo daadiyay qaar ka tirsan wadooyinka magaalada Muqdisho, ciidamada ayaa dadka iyo gaadiidka ka celinayo inay u gudbaan wadooyinka soo galaar xarunta Baarlamaanka Soomaaliya.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Csimaan Jawaari ayaa shaaciyay Xildhibaanada soo xaadirtay kulanka Baarlamaanka, wuxuuna sheegay inay soo xaadireen 244 Mudane, waxaana laga yaabaa in Xildhibaanno kale ay waqtiyada soo socda soo gaaraan kulanka.

kala soco warbaahinta Raxanreeb wixii warar ah ee kasoo khordha kulanka Baarlamaanka

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Gudoonka Baarlamaanka oo diiday codsi maalintii labaad ka yimid R/wasaare Saacid

$
0
0

jawaari saxMuqdisho(RBC Radio) Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya  ayaa diiday codsi maalintii labaad ka yimid R/wasaare Saacid, wuxuuna gudoonku sheegay in lagu dhaqmi doono go’aankii ay shalay gaareen Xildhibaanada Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa kasoo hor jeestay codsi ka yimid R/wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, R/wasaaraha ayaa gudoonka Baarlamaanka ka codsaday inuu tago xarunta golaha shacabka si uu isaga difaaco eedeeymaha ay u soo jeediyeen xukuumadiisa qaar ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka.

Maxamed Sheekh Csimaan Jawaari gudoomiyaha Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in lagu dhaqmi doono Go’aankii ay shalay gaareen Mudanayaasha Baarlamaanka ee codka loogu qaaday imaanshaha R/wasaare Saacid.

R/wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shiirdoon ayaa hore uga codsaday Baarlamaanka Soomaaliya inuu tago xarunta Golaha shacabka si uu isaga difaaco eedeeymaha ay u soo jeediyeen qaar ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

Raad-Raac: Cade iyo AUN C/Laahi Yuusuf maxay ka dhaheen gudiga Khilaafaadka ama soo xulista Baarlamaanka?.

$
0
0

yes

Garoowe (RBC RADIO) Madaxweyne yaashii hore ee Puntland Generaal Cade Muuse Xirsi iyo AUN Cornel C/laahi Yuusuf Axmed ayaa si kala duwan uga hadlay gudiga Khilaafaadka ama soo xulista Baarlamaanka oo isku hal kalmad ah in uu soo magacaabayo Madaxweynaha iyo in ay soo magacaabitaankooda lug ku yeeshaan Musharaxiinta Puntland.

Generaal Cade Muuse Xirsi oo la hadlayay Idaacada Daljir wuxuu sheegay in Gudigaasi ay Musharaxiinta la ogaayeen oo ninba Gobol laga keenay uuna marqaati ka ahaa C/laahi yuusuf Axmed AUN Madaxweynihii hore ee Puntland iyo Soomaliya, sidaa darteedna ay Musharaxiinta hada jira ay xaq u leeyihiin in ay kaalin ka qaataan soo xulida Gudigaasi oo aysan Dowlada hada jirta ee Puntland is hortaag ku samayn, hoos ka dhagayso.

 

AUN) C/laahi Yuusuf axmed mar uu ka hadlayay Arimahan soo xulista Gudiga Khilaafaadka wuxuu qudbadiisii ku cadeeyey in Gudiga Khilaafaadka uu soo xulayo Madaxweynaha Musharaxiintana aysan xaq  u lahayn in ay Madaxweynaha ku cadaadiyaan in Gudiga qaabka loo soo xulayo lala socod siiyo, isagoo sheegay ninkii raba in dalkan uu nabad noqdo uusan meel xun wax ka dayin wax walbana sharci iyo nimdaam loo maro mar uu marxuumku ka hadlayay Doorashadii hore ee Puntland ka dhacday,hoos ka dhagayso.

2hadal ayaa muujinaya in uu khilaaf jiro oo aysan is waafaq sanayn waxayna taasi muujinaysaa in Gudigii hore ee Xalinta Khilaafaadka uu soo xulay Madaxweynihii hore ee Puntland Mudane Cade sida uu marxuum C/laahi yuusuf sheegay, hadalka cade ayaa dadka qaarkii u arkeen in uu noqon karo mid sii kala fogeeya isu soo dhawaanshaha Musharaxiinta hada jirta ee Xilka Madaxtinimo u taagan iyo Xukuumada Talada haysa ee Dr Faroole hogaaminayo walow uu mudane cade waraysigiisa ku sheegay hadii doorasho aysan dhicin 8da Jenuary ay Puntland burburi doonto.

RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

Xafiiska R/wasaare Saacid oo looga yeeray Warbaahinta

$
0
0

saaidMuqdisho(RBC Radio) Xafiiska R/wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ayaa waxaa looga yeeray wariyayaasha, waxaana warbaahinta loo sheegay inuu R/wasaare Saacid halkaas ku qabanayo shir jaraa’id.

si rasmi ah looma oga waxyaabaha uu ka hadli doono R/wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarx Shiirdoon Saacid, waxaana iminka xafiiska R/wasaare Saacid ku sugan wariyayaasha ka shaqeeya warbaahinta.

R/wasaaraha Soomaaliya cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ayaa la filayaa inuu shirkiisa jaraa’id kaga hadlo khilaafka u dhexeeya madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo xukuumadda uu hogaamiyo R/wasaare Saacid.

Warbaahinta ayaa maalintii shalay ahayd looga yeeray xafiiska R/wasaaraha dowladda Sooaaliya Mudane Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid, waxaana markii madbe lagu wargeliyay wariyayaasha inuu baaqday shirkiii jaraa’id ee uu qaban lahaa R/wasaare Saacid.

wixiin warar kasoo khordha shirka Jaraa’id ee R/wasaare Saacid dib ayaan idin kala socodsiin doonaan

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

R/wasaare Saacid oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya

$
0
0

saacid shiirdoonMuqdisho(RBC Radio) R/wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ayaa goor dhoweeyd xafiiskiisa ku qabtay shir jaraa’id oo uu kaga hadlay halka uu kasoo bilowday khilaafka ka dhexeeya isaga iyo maxaweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Go,aanka Baarlamaanka ee R/wasaare Saacid loogu diiday inay tago xarunta Golaha shacabka..

Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid R/wasaaha Soomaaliya ayaa tafaasiil ka bixiyay halka uu kasoo bilowday khilaafka kala dhexeeya madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna sheegay inay isku fahmi waayeen codsi uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u soo jeediyay isaga oo ku saabsanaa inuu xilka iska casilo.

R/wasaare Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ayaa tibaaxay inuu ka diiday codsiga ka yimid Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuuna tilmaamay inuu soo jeediyay in lagu kala baxo go’aanka Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Wuxuu sidoo kale shirkiisa Jaraa’id ku sheegay R/wasaare Saacid inuu Beesha caalamka ka diiday inay dhexdhexaadiyaan labadooda, wuxuu sheegay inuu ku qanacsan yahay go’aanka Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Dhanka kale R/wasaare Saacid ayaa goobta uu shirka Jaraa’id ku qabanayay kasoo jeediyay khudbadii uu shalay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ugu tala galay inuu ka horjeedo, wuxuuna wax laga xumaado ku tilmaamay go’aanka Xildhibaanada Baarlamaanku ay ku diideen inuu hor talo Xildhibaanada Baarlamaanka si uu isaga difaaco eedeeymaha ay u soo jeediyeen.

R/wasaare Saacid ayaa soo hadal qaaday waxqabadka xukuumadiisa mudadii ay jirtay, wuxuu tilmaamay in xukuumadda federaalka Soomaaliya ay qabatay shaqo aad u balaaran, oo ay ka mid yihiin inay dib u soo celisay xiriirkii ay caalamka la lahayd Soomaaliya.

Wixii sidoo kale xusay in xukuumadda federaalka Soomaaliya ay wax badan ka qabatay dhinacyada hormarinta dalka, soo celinta kuraastii ay Soomaaliya ku lahayd dalalka caalamka,  sugidda ammaanka iyo xoraynta gobolada ay gacanta ku yaheen Alshabaab.

R/wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ayaa ugu dambayntii sheegay inuu ku kalsoonyahay go’aanka Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna sheegay inuu ku qanci doono inay go’aan ka gaaraan khilaafka isaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

DEG DEG: Waxaa iminka xarunta Golaha shacabka ka socda codaynta loo qaadayo mooshinka laga keenay xukuumadda

$
0
0

raxanreeb 2Muqdisho(RBC Radio) Waxaa iminka xarunta Golaha shacabka ka socota codaynta mooshinka laga keenay R/wasaare Saacid, gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliy Maxamed Sheekh Cismaan Jawaare ayaa hadda si toos ah u tirinaya codadka Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Lama oga halka uu ku dambayn doono mooshika laga keenay R/wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid oo ay hadda Xildhibaanadu u codaynayaan.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa il gaar ah ku haya kulanka maanta ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya,waxaana Xildhibaanada Baarlamaanka laga sugayaa inay dhameeyaan khilaafka u dhexeeya madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya iyo R/wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid.

Wixii kasoo kordha codaynta Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya dib ayaan idin kala socodsiin doonaa Insha Allaah.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

AKHRISO: Khudbadii R/W Saacid looga diiday in uu ka akhriyo Baarlamaanka

$
0
0

KHUDBADDII RAYSAL WASAARAHA EE MADASHA BAARLAMAANKA FEDERAALKA SOOMAALIYA

DECEMBER 02, 2013

RW-Shirdoon1_jpgMarka ugu horreysa waxaan Salaan waafiya u hibeyneyaa Guddoonka iyo Xubnaha GOLAHAN HAYBADDA WEYN EE SHACABKA, oo ay haboon tahay in mar walba la xasuusnaado in Fadhigiisa Guud yahay HAY’ADDA, Dastuur ahaan, Ugu SARREYSA Uguna AWOODDA badan Qaranka Soomaaliyeed.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

 Markay taariikhdu ahayd 24/11/2013, waxaa Golaha Sharafta leh la iga keenay Hindise/Mooshin la xiriira kalsoonida xukuumadda. Fursaddan qaaliga ah ee Guddoonku I siiyay waxaan uga faa’iideysanayaa inaan uga jawaabo su’aalaha shanta ah ee Mooshinku ka kooban yahay.

Jawaabta Su’aasha Koowaad

Su’aasha Koowaad ee Mooshinka:

Waxaa cad in xukuumaddu gudan weyday fulinta balanqaadyaddii ku xusnaa Barnaamijka Xukuumadda ee uu Raysal Wasaaruhu Golaha Shacabka u soo gudbiyay taariikhdu markay ahayd 05l11/2012.

Markaanu u kuurgalay qaybaha (Siyaasadda Arrimaha Gudaha, Arrimaha Dibedda, Dhaqaalaha iyo Adeegga Bulshada) ee ku xusnaa Barnaamijka Xukuumadda, waxaa noo soo baxday in 80% aan waxba laga fulin. Waxaan kaloo ku qanacnay in ay yaraatay rajada laga qabi karo Xukuumaddu in ay awood u leedahay in ay fuliso mustaqbalka barnaamijka Xukuumaddu horey ugu soo gudbisay Golaha Shacabka

Jawaabta Su’aasha Koowaad

Jawaabahayga mooshinkan waxaan jecelahay in aan ku bilaabo weedhii ina wada faraxa gelisay ee Beesha Caalamku 16kii Siibtambar ka soo jeedisay Brussels ee ahayd sidan:

“Kadib markii aanu ku qanacnay horuumarka la taaban karo ee Xukuumadda Soomaaliya ay ka sameysay dhinacyada siyaasadda, ammaanka, dib-u-heshiisiinta iyo arrima kale oo muhiim ah, waxaanu go’aan ku gaaray in shirka Brussels loogu ururiyo Soomaaliya taageero dhaqaale oo badan si loo sii dhiirigeliyo, loona taageero horuumaradaa iyo calaamadaha wanaagsan ee dawladnimo ee ka muuqda Soomaaliya….”

 Weedhan Brussels iyo shirarkii kale ee London, yokohama, Geneva, iyo kuwa kale ee qorsheysan intuba waxay ka markhaati kacayaan kana tarjumayaan qiimeyn caalami ah oo dhexdhexaad ah.

 Dhanka kale IMF, Bangiga Adduunka iyo Bangiga Horumarinta Africa (ADP) wey aamineen oo ku qanceen isbeddelka iyo horuumarka aynu sameynay iyo waxa nooga qorsheysan maamulka maaliyadeed iyo dhaqaalaha dawladeena. Hay’adahaasi lama dhaqmaan xukuumadaha fashilaya, waxayse dhiiri geliyaan kuwa degdegta u kabanaya ee mustaqbalka leh, sida Soomaaliya oo kale. Sida caalamku noola dhaqmayo, waxay sawir cad u tahay sida aan u maamulayno siyaasadda arrimaha gudaha. Taa macnaheedu waxa weeye waan guuleysanay ee maanaan fashilin. Haddaba maxaa noo qabsoomay muddaddii koobnayd ee halka sanno ahayd?

1. Dhaqan iyo mabda’ siyaasadeed oo cusub:

 Waxaan la nimid dhaqan iyo mabda’ siyaasadeed oo cusub oo ku dhisan isbeddel doon saldhigiisuna yahay sinnaan, abuurid xasillooni siyaasadeed, dhaqan shaqo, samir badan, iskaashi iyo musuqmaasuq la’aan.

 Isbeddelku waa xanuun badan yahay, caadiyana sahal looma aqbalo. Hase yeeshee, maanta beelaha Soomaaliyeed ee 5ta ahi way siman yihiin. Dumarku markii ugu horreysay bay si maskab ahaan muuqata uga qayb qaadanayaan siyaasadda dalka, xukuumad ahaana waxaanu muujinay in aanaan ahayn mulkiilayaasha siyaasadda Soomaaliya, balse aanu nahay maamulayaal oo qura.

 Tusaale, waxaan si isdaba joog ah u qabanay shirweynihii cadaaladda, siyaasadda, waxbarashada, culimada iyo caafimaadka, haddana waxaa noo qorsheysan shirweynihii amniga. Halkaas, waxaa ka muuqata in talada dalku u sii gacan galeyso dadka, weliba annagoon si buuxda u dhaqan gelin habka federaalismka ee aan dooranay kuna qeexan dastuurkeena. Siyaasaddan iyo dhaqankan cusub ee xukuumadaydu waxay horseed u yihiin isbeddel la aamini karo ee Soomaaliya aan u horseednay.

2. Xagga amniga iyo la dagaalanka argagixisada:

 Waxanu la nimid isbeddel dhab ah ee hoggaanka, tayada, tababarka iyo kororsiimo tirada (30% – 40%), noocyada ciidamada qalabka sida. 11 bilood ka dib, Maanta agabka kala duwan ee ciidamadeena annagaa la nimaadna ee uguma xirnin Amison.

 Maanta mushaharka ciidamadeena kama sugno waddamo saaxiib ah ee khasnadda dawladdaa laga baxshaa dhammaadka bil walba.

 Maanta nama saarra cunaqabateyntii hubka ee si xorriyad leh baan u soo gadanaa hub iyo saanadba.

 Maanta tababarka ciidamadeena waxaa lagu qabtaa dalka gudihiisa, waxaana kor u kacay tayadii, dhishibiliinka, kalsoonida iyo waxqabadkoodaba. Qiyaas marka la gaaro 2016, tirada ciidamadu waxay kordhi doontaa in ka badan laba jibaar intaan ugu nimid November 2012.

 Xagga amniga iyo ciidamada waxaan maanta iska kaashanaa in ka badan lix waddan ee saaxiib ah iyo waddamada gobolka ee ciidamadu Soomaaliya ka joogaan ee u dhabar adaygay kaalmeynta amnigeena.

 Dhanka la dagaalanka argagaxisada oo ah mushkiladda ugu adage ee hortaagan dawladnimo hanaqaadda ee Soomaaliya, waxaanu xaqiijinay guulo wax ku ool ah ee xagga xoreynta, xog-aruurinta, muquuninta cadawga, wacyi gelinta dadka, dhaqan celinta dhallinyarada iyo iskaashiga caalamkaba. Tirada AMISOM, een iska kaashano amniga iyo la dagaalanka argagixisada waxaa degdeg ugu kordhi doona in ka badan 4,000 oo ciidan ah;

 waxaa noo qorsheysan dhowaan hawlgal baaxad leh ee uu isugu furmi doono dhammaan wadankeenu. Faahfaahin intaa ka badan halkan kama bixinayo, waxaanse Illaahey ka rajeynayaa sidaan ku talagalnay in bartamaha sannadkan soo socda ee 2014 aan gaarno Soomaaliya aad uga beddelan tan maanta, gaar ahaan xagga isu-socodka iyo muquuninta xag-jirka hubeysan.

 Waxaan idin xasuusinayaa in argagixisadu tahay mushkilad dhab ah ee deriska iyo caalamkuba nala wadaago, sidaas awgeed iskaashigoodu waa gar.

 Istaraatajiyadayada dhabta ah ee xag-jirnimada hubeysan ku aaddani waa dulqaad la’aan iyo cirib-tir buuxa.

3. Xagga siyaasadda iyo dib-u-heshiisiinta:

Si aan u dhegaysano talada dadka, ulana noolaano dareenka dadka, waxaan booqasho ku tegey Puntland, Galmudug, Ximan iyo Xeeb, Dhuusamareeb, Caabudwaaq, Beledweyne, Jowhar, Balcad, Afgooye, Merka, Baydhaba, Garbahaarey iyo Kismaayo.

 Waxanu kaalmeynay maamul dhisid, dib-u-heshiisiin, wacyi gelin, ammaan sugid, tababaro, adeeg bulsho, mushahar bixin, gurmad, dib-u-kabasho iyo horuumarba.

 Heshiiskii Addis Ababa waa guuleystay, wuxuuna suurta geliyay soo ifbixitaanka Maamulka Jubbooyinka.

 Wada-hadalkii aan bilownay ee Istanbul ee saddex biloodlaha ahaa waa socdaa, qorshihiisiina kama leexan, , dantuna waa in lagu gaaro wadajirka Soomaaliya.

 Burcad badeednimaddii ka jirtay xeebaha iyo badaha Soomaaliya , hal sanno ka dib, maanta waa baaba’. Qafaalkii iyo madax furashaddii xannuunka iyo ceebta badan nagu hayn jirtay waa laga raystay.

 Maamulka Hawada Soomaalia (Air Space), labaatan sanno ka dib, ugu danbeyn April 2014 ayaan si rasmi ah ula soo wareegi doonaa

maamulka iyo kharajkii laga aruuriyay muddadaas oo ka badan USD20 milyan.

4. Xagga Arrimaha Bulshada:

 Waxaan alifnay kuna guuleysanay qorshe waxbarasho oo noociisu ku cusub yahay wadamada dagaalada sokeeye ay daashadeen sida Somalia, ee la yiraa ‘Aada Dugsiyada’ oo hal milyan oo arday ay waxbarasho ku helayaan muddo gaaban. Ilaa hadda, 1,500 oo macallin ayaa la qoray, in ka badan 1,000 macallin ayaanu iyana dib ugu yeernay si ay u hawlgalaan.

 Caafimaadka qaab cusub baan u wajahnay ee suurtagelinaya caafimaad bulsho ee sugan oo dhammeystiran. Illaa iyo hadda gobolada oo dhan ma aanaan wada gaarin sababo amni awgeed, hase yeeshee barnaamijka EPHS waa tijaabo caafimaad ee wadamada nooceena oo kale ahi ay ku liibaaneen, anana waa ku adkaan doonaa hirgelintiisa. Barnaamijkaas waxaan la kaashanaa hay’ado caalami ah iyo waddamo saaxiib ah.

 Biyaha Ceelasha Dhaadheer: In ka yar muddo sannad ah ayaan qorsheynay in laga qodo dhammaan qaybaha Soomaaliya 160 ceel oo maaliyaddooda aan ka helnay Organization of Islamic Conference (OIC) iyo Islamic Bank. Hawshaa dhaqan-galkeedu waa bilaabmay.

 Adeegga Boostada: dadaal badan ka dib, waxaan dib u soo ceshanay xubinimaddeennii buuxday ee Adeegga Boostada ee Caalamiga ah (Universal Postal Service) oo aynu muddo 20 sanno ka badan ka maqnayn. Tallaabadaa muhiimka ahi waxay horseedeysaa in dhawaan adeeg dhinaca boostada ah oo ku tiirsan Adeegga Guud ee Boostada caalamka dalkeena laga hirgeliyo. Adeegaasi waa mid aakhirka ku faafaya dhammaan qaybaha kala duwan ee dalka, iskuna xiraya dalka iyo dibedda.

 Xuquuqul Insaanka: Waxaan sameynay Tubta Difaaca iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka. Waxaa ammaan naloo ka soo jeediyay, markii u horreysay, shirkii Geneva ee sannadlaha ahaa ee Somalia loo qabtay.

5. Arrimaha Maaliyadda iyo Dhaqaalaha iyo Dib-u-Dhiska:

 Waxaan horumar miro dhal ah oo caalamku garwaaqsaday ka gaarnay maamulka maaliyadda, min xereyn ilaa kharaj. Waa hab suurageliyay in loo maamulo maaliyadeena qaab muuqda, la aamini karo ee musuqmaasuq la’aan ah.

 Barnaamijka SFF (Special Financial Facility): Waa noo shaqeeyaa hadda. In ka badan 600 oo shaqaale ah ayaa bil walba mushaharkooda toos uga qaata. Isla barnaamijkaa waxaa ku mataaneysan mashaariic yaryar oo loogu tala galay qaybaha dalka ee kala duwan.

 Dakhligeena Guud oo bishiiba ahaa USD 2.5 Malyuun October 2012, maanta waa USD9-10 Malyuun bishiiba. Xisaabaheena oo dhanna waxay maraan habraaca xisaabeed ee dawladnimo iyo miisaaniyadda.

 Bangigeena Dhexe si buuxda buu u shaqeeyaa maanta, waana meesha keliya ee dawladeena wax walba oo maaliyad la xiriira u soo maraan, gudaha iyo dibeddaba.

 Kororsiimo Miisaaniyadeed oo Joogto ah: Miisaaniyadda 2013 oo si sharci ah u martay Baarlamaanka waxay ka badnayd 24.3% miisaaniyaddii 2012. Tan 2014, ee aan diyaarineyna waxay ka badan tahay 102% tii 2013. Weliba ma aanaan tixgelin kaalmo dibedeed badan oon ka fileyno caalamka.

 Koritaanka dhaqaalaha iyo ganacsiguba waa saddex jibaarmeen marka loo eego sannadkii hore. Maanta waxaan leenahay Sharciga Maalgelinta Caalamiga ah ee Somalia iyo shuruuc kale oo kaabaya

horumarinta ganacsiga. Shariikado badan oo caalami ah ayaana maanta u tartamaya maalgelinta Somalia.

 Qorshaha Hiigsiga Cusub (The New Deal Compact): Waa guul aynu gaarnay. Waxaa naloo ballan qaaday kaalmo dib-u-dhis ee gaareysa USD2.4 Billion.

 Waxaa jira ballanqaadyo badan ee lagu heli doono kaalmooyin dhaqaale iyo farsamo ee ka madax bannaan qorshaha The New Deal.

6. Xagga Arrimaha Dibedda:

 Xiriir siman ee is-xurmeyn iyo iskaashi ku dhisan yaan la leenahay maanta caalamka. Aad buu u horuumaray xiriirkeena waddamada deriska ah.

 Lixdii bilood ee u dambeysay in ka badan 10 waddan yaa safiiradoodii si rasmi ah looga guddoomay waraaqihii aqoonsiga oo qaarkood bilaabeen dhismihii safaaradahooda.

 Maanta aqoonsiga iyo la dhaqanka Somalia ee caalamku mugdi kuma jiro.

Su’aalaha 2, 4 iyo 5 oo runtii hal jawaab oo wada socota u baahani waxay kala yihiin:

2. Waxaa kale oo dhab in Xukuumaddu ku guuldareysatay fulinta Qoddobada Dastuuriga ah ee ku xusan Cutubka 15aad ee Dastuurka ku Meel Gaarka ah, gaar ahaan Qoddobka 135 ee Dastuurka sida dhismaha Guddiga Runta iyo Dib u Heshiisiinta, Maxkamadda Dastuuriga ah IWM.

4) Xukuumaddu waxay gashay heshiisyo badan oo Caalami ah oo aysan u soo gudbin Golaha Shacabka si uu uga guto waajibaadkiisa ku cad Qoddobka 2aad (P) ee Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka.

5) Xukuumaddu waxay ku guul darreysatay dhismaha iyo tayeynta haya’daha muhiimka ah sida: (Amniga iyo Maamulada Gobolada, Garsoorka, Xuquuqal Insaanka, La Dagaalanka Musuqmaasaqa IWM)

Jawaabaha Su’aalaha 2, 4, iyo 5

 Mudanayaal iyo Marwooyin eedeymaha Su’aalahani xanbaarsan yihiin waa kuwo hubsiimo dheeraad ah u baahan. Lama abuuri karo hay’ado iyo guddiyo iyadoo aan marka hore sharciyadooda la sameyn, la ansixin, saxeexna aanu ku dhicin.

 Xukuumaddu iyadoo gudaneysa doorkeedii ahaa in ay soo gudbiso hindise sharciyeedyaddii hay’adaha kala duwan u noqon lahaa aasaaska ay ku dhisan yihiin, waxay horraantii ilaa bartamihii sannadkan 2013, Baarlamaanka farta ka saartay Hindise sharciyeedyadan soo socda:

 Hindise Sharciyeedkii Golaha Adeegga Garsoorka

 Hindise Sharciyeedkii Dhismaha Maxkamadda Dastuurka

 Hindise Sharciyeedkii Dib u eegista iyo Hirgelinta Dastuurka

 Hindise Sharciyeedkii Xuduudaha Gobolada/Degaanada

 Hindise Sharciyeedkii Xuquuqda aadanaha

 Hindise Sharciyeedkii Dhismaha Gobolada iyo Degmooyinka

 Hindise Sharciyeedkii la Dagaalanka Argagixisada

 Hindise Sharciyeedkii Dhismaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka

 Hindise Sharciyeedkii Maalgelinta Ganacsiga iyo Wershadaha

 Hindise Sharciyeedkii Hay’adda Duulista Hawada ee Rayidka

 Hindise Sharciyeedkii Runta iyo Dib u Heshiisiinta

 Hindise Sharciyeedka Shaqaalaha Arrimaha Dibedda

 Hindise sharciyeedka Xafiiska Gardoonka

 Hindise Sharciyeedka hay’adda Dib u soo Celinta/Dib u Dejinta Qaxootiga

 Hindise Sharciyeedki Bangiga Horuumarinta iyo Dib u Dhiska Soomaaliyeed

 Hindise Sharciyeedka Kalluumeysiga ee Soomaaliya

 Hindise Sharciyeedka xeerka Isgaarsiinta

 Hindise Sharciyeedka Shatiyada Ganacsiga

 Hindise Sharciyeedka Summadda Ganacsiga

Hindise Sharciyedka Guud ee Xeerka Maaliyadda (Public Finance Act)

 Baarlamaanku wuxuu ansixiyay dhowr ka mid ah sharciyadaa, haseyeeshee saxiix kuma dhicin. Haddii taasi dhacday, waxaa kale oo dastuur ahaan u furayd baarlamaanka in uu ku dhawaaqo in sharciyadaasu si toos ah ay u saxiixan yihiin (automatic ratification) 14 maalmood ka dib, si ay xukuumadu hawlaheeda si buuxda ugu gasho. Taasina ma dhicin ilaa iyo hadda.

 Waxaa intaa dheer in xukuumaddu u gudbisay Baarlamaanka muddo ka hor heshiisyo caalami ah ee ay ka mid yihiin:

 Heshiiskii iskaashiga Tababarada Ciidamada ee Somalia iyo Turkey

 ‘Protocol’kii Mucaawimada dhaqaale Somalia iyo Turkey

 Heshiiskii Caalamiga ahaa ee Cotonou

 Heshiiskii WIBG iyo Shirkadda Favouri ee Garoonka Aadan Cadde

 Heshiiska Iskaashiga Milatari ee Talyaaniga iyo Soomaaliya

 Heshiiskii Wasaaradda Maaliyadda iyo Norway ee Tas-hiilaadka Maaliyadeed ee Gaarka ah (SFF)

 Hindise Sharciyeedyada iyo Heshiisyada Caalamiga ee Xukuumaddu Baarlamaanka u gudbisay muddaddii sannadka ahayd ee ay jirtay waa ilaa soddomeeyo. Markaad barbar dhigto xataa baarlamaanada dalalka deggan, waa tiro aad u badan in xukuumad u gudbiso Baarlamaankeeda soddomeeyo Hindise-Sharci/Heshiis sannad gudihii.

Jawaabta Su’aasha 3aad

 Taasi waa dhab, waa nala soo weydiiyay dokomentigaas. Hase yeeshee, isla markii nala weydiiyay ayaanu Golaha Baarlamaanka u gudbinay qorshihii/waxqabadkii tobanka Wasaaradood ee Xukuumadda. Waxaanu halkan ku haynaa caddeyntii, saxiixii, iyo shaabaddii uu Agaasimaha Xusuus Dhowrka Golaha Shacabku nagaga guddoomay soo-gudbintii qoraalka Qorshaha/Waxqabadka Wasaaradaha ee loogu tala galay guddiyada Baarlamaanka.

Su’aasha 3aad ee Mooshinka:

Si loo horuumariyo wada shaqaynta Xukuumadda iyo Golaha Shacabka, waxa Golaha Shacabku ka codsaday Xukuumadda taariikhdu markay ahayd 28 February 2013 in Wasaarad walba soo gudbiso qorshe hawleedkeeda sannadka 2013, si ay Guddiyada Golaha Shacabka ula xisaabtamaan Wasaaradahaa. Waxaa nasiib darro ah in ilaa iyo hadda aysan jirin Wasaarad soo gudbisay qorshe hawleedkaasi.

Caqabadaha:

1. Ma nihin dawlad ku meel gaar ah, haseyeeshee system’keena. institutions’keena iyo hab-dhaqanka dadkeenuba uma diyaarsana/umana bisla dhaqan dawlad Dastuuri ah.

2. Waxaa nagu soo fakaday hal mar mas’uuliyaad aanaan u diyaar garoobin, anaana wada xamili karin waqtigan, aysana jirin cid si qorsheysan noola qaadaysa – sida qalabeynta ciidankeena. Hal sano ka hor mas’uuliyadaas waxaa nala wadaagi jiray AMISOM.

3. Waxaan kulansanay ooy tahay hal mar inaan la wada tacaallo: Dawlad la’aan gaamurtay oo na badday fawdo iyo kala danbeyn la’aan, kala qaybsanaan, fakhri, argagaxiso, burcad badeed iyo waxyaabo kale oo badan ayadoo muuqaalkeena/image’keena dawladnimo uusan xoog badneyn.

4. Waxaa ku dhex nool dawladnimadeena dhaqan kooxeysi ku dhisan. Cid walba oo leh qorshe/ajende gaar ah een waafaqsaneyn Dastuurka waa u halis dawladnimadeena curdanka ah.

Xasilooni la’aanta siyaasadeed ee maanta kama dhalan institutions’ka dawladda dhexdooda. Waxaa wada gacmo kale oo awood iyo ujeeddo u gaar ah leh. Waa khilaaf la dhex keenay aniga iyo Madaxweynaha + Golaha Baarlamaanka + Golaha Xukuumadda.

Tusaale:

 2-3 toddobaad ka hor intaan buuqani abuurmin, Madaxweynaha waxaan ka wada hadleynay 2016 wixii ka danbeeya.

 2-3 toddobaad ka hor Golaha Xukuumadda waxay ahaayeen Gole si wada-jir ah (consensus) go’aankooda ku gaara.

 2-3 toddobaad ka hor Golaha Baarlamaanka motion kama jirin.

Waa la socotaan, waxaa muqadimiin ka ah xasillooni la’aanta siyaasadeed ee maanta Wasiiro ka mid ah Xukuumadda oo qaba in ayagu ay soo harayaan oo si sahlan loo bixiyo Raysal Wasaaraha.

Waxaan si cad ugu sheegay Madaxweynaha , oon dadaalkiisa la’aantii halkan la isla soo gaareen, inaysan gar ahayn in koox dano gaar ah leh Somalia looga haro.

Xildhibaano, waxaan idinka codsanayaa maanta in arrinta aan ka digayo idnaan fududeysan kuna dhiirataan xasillinta siyaasadda Somalia ood codkiina xaqa ah ku baajisaan in loo qafaalaado koox gaar ah taasoo ah: Caqabad ballaaran ee na hortaal maanta.

Gunaanad:

Waxaan si buuxda uga mahadnaqayaa Guddoonka iyo Golahaba fursaddan qaaliga ah ee difaaca xukuumadeyda.

Haddii mooshinkani ahaa walwal waxqabad la’aan, waxaan saacaddan qabaa/dareensanahay in taas xal loo helay oo laga bogsooday. Waana soo dhoweynayaa dhaqanka isla-xisaabtanka. Hase yeeshee, waxaan Baarlamaanka sharafta leh ka codsanayaa in aan nalaga dhex arag siyaasad kale oo qiimeyntu ku ekaato waxqabadka xukuumadda.

Dhankayga, waxaan maanta qoray taariikh kadib markaan noqday Raysal Wasaarihii ugu horreeyay ee isagoo jooga ku soo simay muranka ka dhasha iscasil/iscasili maayo Golaha Shacabka. Go’aankanu ma sahlanayn mana hurid la’ayn. Waxaanse si kalsooni leh u qaatay inaan idin aamino oo dib idiinku soo cesho kalsoonidaad igu siiseen 219/225 cod si aan taariikhda iyo dawladnimada Soomaaliya bog ifaya ugu yeesho.

Malahayga idinkana waxaa idiin dagatay guul iyo taariikh ee u codeeya “Haa; waa ku Kalsoon nahay Xukuumadda” – si aad u noqotaan horseedayaasha dawladnimo dastuur ku dhaqanta.

Mudanayaal iyo marwooyin, waxa Soomaaliya maanta u kala maqan tahay, oo weliba u sii kala firdheysaa, ma aha dawlad nacayb, ma aha midnimo nacayb, ma aha qowmiyad nacayb ee waa qoonsimaad iyo welwel laga qabo ku dhaqanka Dastuurka iyo wixii laysku ogaa.

Xog-ogaal ahaan, waxaan si buuxda idiinkaga codsanayaa, igama dhega yaridine, u hiiliya dastuurka iyo diimuqraadiyadda. U hiiliya Soomaaliya. Maanta ummadeena iyo caalamkuba waa idin wada eegayaa, codkiina xaqa ahina wuxuu isu soo dumi karaa dadkeena kala dhumay. Allaha idin waafajiyo cadaaladda.

MAHADSANIDIN

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

DEG DEG: Baarlamaanka Soomaaliya oo kalsoonida kala noqday xukuumadda R/wasaare Saacid

$
0
0

raxanreeb

Muqdisho(RBC Radio) War hadda naga soo gaaray xarunta Golaha shacabka ee ay ka socotay codaynta loo qaadayay mooshinka laga keenay R/wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ayaa sheegaya in Xildhibaanada Soomaaliya ay meel mariyeen mooshinka ka dhanka ahaa R/wasaare Saacid.

Gudoonka Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay natiijada kasoo baxday codaynta Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna sheegay inay mooshinka laga keenay R/wasaare Saacid ay u codeeyeen 184 Xildhibaan, ayna kasoo horjeesadeen 65 Xildhibaan, wuxuuna gudoonku sheegay inuu si aqlabiyad leh u meel maray mooshinka laga soo gudbiyay xukuumadda R/wasaare Saacid.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa daqiiqado ka dib la filayaa inuu xarunta Golaha shacabka ku qabto shir jaraa’id oo uu uga hadlayo sida ay u dhacday codaynta mooshinka laga keenay R/wasaare Saacid, iyo soo magacaabista R/wasaaraha cusub.

Waxaa mudooyinkii lasoo dhaafay soo jiitamayay khilaaf xoogan oo ka dhexeeya madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo R/wasaarihiisa, khilaafka ayaa markii dambe u biyo shubtay in loo gudbiyo Baarlamaanka Soomaaliya si ay go’aan uga gaaraan khilaafkaas, Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa daqiiqado ka hor go’aamiyay in kalsoonida lagala noqdo xukuumadda R/wasaare Saacid.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


SOMALIA: Somali Prime Ministers defeated by votes of no confidence

$
0
0

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

SOMALIA: Nicholas Kay paid tribute today to Somalia’s outgoing Prime Minister, Abdi Farah Shirdon Saaid

$
0
0

For Immediate Release

UN Special Representative for Somalia on the departure of Somalia’s Prime Minister

Nicholas Kay

Nicholas Kay

Mogadishu, 2 December 2013 – UN Special Representative of the Secretary-General for Somalia Nicholas Kay paid tribute today to Somalia’s outgoing Prime Minister, Abdi Farah Shirdon Saaid, and noted the responsible role played by the Federal Parliament and the Speaker Mohamed Osman Jawari in handling the “no confidence” motion.

“It was important this unprecedented piece of parliamentary business was managed in accordance with the provisional constitution and the rules of procedure of the Parliament,” he said.

“Somalia’s institutions are coming of age. The UN is here to support their development, and looks forward to working constructively with the new administration. Outgoing Prime Minister Shirdon had worked hard to promote growth and progress and played an important part in creating the New Deal Compact between international partners and Somalia.”

SRSG Kay further noted the urgency of nominating and appointing a new Prime Minister as quickly as possible to maintain political and state-building progress in Somalia. “I hope the President will consult widely before choosing. It is in all our interests that the next PM and government is broadly inclusive, able to unite the country and capable of delivering what Somalia needs – peace, rule of law, economic growth and good public services.”

He also urged the Federal Parliament to make a supreme effort in the public interest to make progress on the many law-making and other constitutional tasks that the country urgently needs.

“Over the coming years, it is important that Parliament, Government and the Presidency continue to work constructively together in full respect for the Provisional Federal Constitution,” SRSG Kay noted.

****************************************************

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

Isboortiga Soomaaliya maxaa liiday?

$
0
0

xulka

Garoowe (RBC RADIO) Qof walba oo Soomaali ah waxaa dhagahiisa ka batay Xulkii Soomaaliya oo darsin Goolal ah looga badiyay taasoo keentay in shaqsi kasta oo muwaadin soomaliyeed ah uuka han jabo heer ka gaarida K/Cagta ee Dalka Soomaliya marka laga reebo tiro kooban kuwaasi oo aan ka rajo dhigin in mar un la helo cayaartoy awood leh midaysan dalkana usoo jiidi kara Heer wacan iyo sharaftii lagu aqoon jiray.

   Halkee wax ka qaldan yihiin.

Dad badan ayaa aaminsan fikirkoodana kusoo gudbiyay in Cilada ugu wayn ay tahay in Cayaartoyda Soomalida lagu soo koobay Magaalada Muqdisho oo Gobolada Kale ee Dalka aan wax xulis ah lagu samayn taasoo muujinaysa xad gudub iyo hanjab lagu samaynayo dhalin yarada kale ee ku nool Gobolada Dalka una hanqal taagaya in ay ku biiraan laacibiinta qaranka lehna xirfad iyo farsamo xeeladeysan oo ay ugu qalmi karaan in Qaranka lagu daro laguna dhiiri geliyo sii wadida Cayaaraha Kubada Cagta.

Masuuliyiinta Hogaamiya Sportska Dalka ee ka Madaxbanaan Dowlada Soomaliya waxay dhawaan xaqiijiyeen in Gobolada Puntland iyo S-Land aysan aamin sanayn in uu ka jiro Cayaaro amaba laga xiiseeyo Cayaaraha Kubada Cagta iyagoo ilowsan in dhamaadkii sanadii 2010ka  Tartan Kubada Cagta Soomaliya ah oo Garoowe lagu qabtay in Kaalinta 2baad iyo tan 3xaadba ay galeen Gobolada Barri iyo Nugaal halka Gobolka Banaadirna uu galay Kaalinta 1aad koobkina ula hoyday Caasimadi dalka ee Xamar taasoo muujinaysa in gobolada kale ee Soomaliya aad looga xiiseeyo Cayaaraha ayna jiraan dhalin yaro xoog iyo xirfadba isku darsaday hase ahaatee laga hiiliyay hanjabna lagu riday qaarkodna ay dalak ka tahriibeen sida ay dadka isportska falanqeeya ay sheegaan qaar ka mikd ah.

Laacibiinta oo aan la simin maxaa laga dhaxlay.

In cayaartoyda aan si siman looga qayb galin Kooxda Qaranka, in aan la dhiiri gelin Cayaaraha sida hoose iyo sida dhex dhexaadka ku socda ee Gobolada kale ee Dalka ka jira oo lagu koobnaado Muqdisho, in Garoomadi Kale ay qaawan yihiin oo ay liitaan halka kuwa Muqdishona lagu xardhay Cawska Dabiiciga ah aadna loo qurxiyay, waxay sabab u noqdeen sida ay dad badan oo Soomaaliyeed ay sheegaan in Xulka Magaca Soomalida Xambaarsan ee dalalka Dariska ah cayaaraha u aada si niyad jab ah oo liidata looga badiyo ayna dib usoo laabtaan iyagoo Magac xumo usoo jiiday Qaranka iyo Umada Soomaaliyeedba ayna sii jiri karto in Qaladkii dhacay lagu soo dhiiranaado oo aan leys daba qaban.

Hadaba maxaa loo baahan yahay.

Dadka Cayaaraha ku xeeldheereeya waxay sheegaan in loo baahan yahay in sida ay wax u socdaan is bedel lagu sameeyo Cayaartoyda Dalka, Gobolada Dalka, iyo Degmooyinka Dalkana lasimo oo aan sidii la doono laga yeelan, si dhalinyarada ay uga baxdo kalsooni darada ay ka qaadeen Soomaali oo mar kale quwad ku yeelata dhanka Cayaaraha Kubada Cagta sida lagu yaqiinay, waxaa sidoo kale la sheegay in raga Qaabilsan Arimaha Cayaaraha Dalka ay gobol Kasta ka sameeyaan dhiiri gelin iyo tartan Maadaama Aysan hoos imaan Dowlad, Maamul iyo wixii la mid ah si ay u yaraato eedeynta loo hayo ee ah in ay noqdeen xagjiriin gobol kaliya ku ekaaday.

Natiijadii ugu dambeesay ee Xulka Soomalida ay la kulmeen intii lagu guda jiray Cayaaraha Bariga iyo bartama Africa waxay ahayd mid hooseysa waxaana ku tuntay Dalalka Burundi iyo Tansaaniya iyadoo ay harsan tahay xulka dalka Saambiya, waxaana la sheegay in rajada Xulka Somaliya uu yahay mid hooseeya oo ay sidaa ku hareen iyagoo ku jiray Groupka (B) waxaase muuqatay Dhalinyaradii Qaranka matalayay in ay dadaal muujiyeen Walow ay ahaayeen kuwo si kadis ah lagu soo waday oo aan diyaarsanayn ayna usii dheerayd hal Gobol in laga soo xulay.

Ibrahim Wadani
Xafiiska Wararka Garoowe.

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

SOMALIA: President Hassan Thanks the outgoing Prime Minister

$
0
0

PRESS RELEASE

President HassanThe President of the Federal Republic of Somalia H.E Hassan .Sh. Mohamud Thanks the outgoing Prime Minister and praises the Parliament for upholding the constitution

The President said “the vote in parliament was testament to the strength of the country’s democratic institutions.

“I welcome parliament’s role as a strong signal of Somali democracy at work,” the President said. “It is important to emphasise that the constitution has been our clear guidance throughout this situation. All roads led to parliament, and the vote by legislators, and I congratulate the MPs for their hard work and commitment that shows the spirit and practice of democracy are alive and well in Somalia.”

“ I recognize the effort and the dedication of the outgoing Prime Minister and his cabinet in the first one year in office.

“I also congratulate the Speaker and his deputies i their leadership of the parliament’s deliberation in this critical time of the parliaments history.”

ENDS

For further info: Contact Malik Abdalla, Director of Communication Office of the Somalia President Villa Somalia, mabdalla@presidency.gov.so **

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

Nicholas Kay oo Amaanay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ee jagada ka degaya, Cabdi Faarax Shirdoon Saacid

$
0
0

Warsaxaafadeed Degdeg ah

Nicholas Kay

Nicholas Kay

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya oo ka hadlay xil ka tagidda Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya

Muqdisho, 2 December 2013 – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay, ayaa maanta ammaan u soo jeediyay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ee jagada ka degaya, Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, wuxuuna tilmaamay kaalinta mas’uulnimada leh ee Baarlamaanka Federaalka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari ay u maareeyeen mooshinka “kalsooni ka qaadidda”.

“Waxaa muhim ahayd in hawshan baarlamaaniga ah ee aan hore loo arag loo maareeyo si waafaqsan dastuurka ku meelgaarka ah iyo nidaamka iyo xeer-hoosaadka u degsan Baarlamaanka”, ayuu yiri.

“Hay’adaha Dowladda Soomaaliya waxay gaarayaan bisayl. Qaramada Midoobayna waxay halkan u joogtaa inay taageerto horumarkooda, waxayna ku hanweyntahay inay si wax ku ool ah ula shaqeyso hay’adaha cusub. Ra’iisal Wasaaraha jegada ka degaya, Shirdoon, shaqo adag ayuu ka qabtay siduu u horumarin lahaa kobaca iyo horumarka, wuxuuna qayb muhim ah ka cayaaray sameynta Heshiiskii Hiigsiga Cusub ee dhexmaray bulshada caalamka iyo Soomaaliya.”

Ergeyga Gaarka ah Nicholas Kay wuxuu sidoo kale sheegay in loo baahanyahay in degdeg loo magacaabo Ra’iisal Wasaare cusub sida ugu dhaqsiyaha badan si loo sii wado horumarka laga gaaray siyaasadda iyo dowlad-dhisidda Soomaaliya. “Waxaan rajeynayaa in Madaxweynuhu uu yeelan doono wadtashi buuxda ka hor intuusan soo xulanin Ra’iisal Wasaaraha cusub. Waxaa dhammaanteena dani noogu jirtaa in Ra’iisal Wasaaraha iyo dowladda cusub ah ahaadaan kuwo ballaaran oo loo wada dhanyahay, oo dalka mideyn kara, awoodna u leh inay Soomaalida u keenaan waxay u baahanyihiin – oo ah nabad, sharci iyo kala dambeyn, kobac dhaqaale iyo adeegyo guud oo wanaagsan.”

Wuxuu sidoo kale ku guubaabiyay Baarlamaanka Federaalka inuu dadaal weyn bixiyo isagoo eegaya danta guud oo horumar ka sameeyo sharci-dejinta iyo hawlaha kale ee dastuuriga ah ee dalku degdega ugu baahanyahay.

“Sanadaha soo socda, waxaa muhim ah in Baarlamaank, Xukuumadda iyo Madaxtooyadu ay sii wadaan inay si wax ku ool ah u wada shaqeeyaan iyagoo si buuxda u dhowraya Dastuurka Federaalka ee Ku Meelgaarka ah, ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Nicholas Kay.

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

Viewing all 20381 articles
Browse latest View live