Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all 20362 articles
Browse latest View live

Boqol kun oo Dollar Lacag kor u dhaafeysa oo lagu wareejiyay Gudiga Gurmadka Puntland.

$
0
0

 

v,,

Garoowe (RBC RADIO) Lacag kor u dhaafeysa Boqol kun oo Dollar ayeey soo bandhigeen Culimada Puntland ee u xilsaaran aruurinta Lacagaha loogu talagalay in lagu caawiyo dadka ay duufaanadu asiibeen waxaana lacagtaasi laga soo diray dalka dibadiisa waxaana soo diray dadka soomaaliyeed ee Saxaafada ka aragtay sida ay dhibaatadu u gaartay Walaalahood, waxaana ilaa iminka socota gurmadka lasoo dirayo, C/Raxmaan Bin-Diiriye ayaa sidoo kale faa’faahin ka bixiyay halka ay Lacagtan ka timi iyo cida soo dirtay isagoo u hadlaya (Alminhaaj).

 v

“ 1:Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Wadanka Ingiriiska gaar ahaan magalada London waxay soo dhiibtay $65.708.65-cent(Irshaad Foundation.

 
2:Jaaliyadda Soomaaliyeed ee wadanka Canada gaar ahaan magalada Toronto waxay soo dhiibtay $45.000.

 
3:Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Uastereliya gaar ahaan magalada Melborn oo uu wakiil ka yahay Cumar Maxamuud Dhoolawaa waxay soo dhiibeen $31.671.

 
4:Sharmaarka oo jooga magalada Minneapolis ee wadanka Maraykanka waxa uu sii dhiibay $958-doolar.

 
5:Jaaliyadda Soomaaliyeed ee wadanka Erland waxay soo dhiibtay $4.250-doolar.

 
6:Dugsiga hoose dhexe ee AL-waaxa Garowe ardayda dhigata waxay iska soo aruuriyeen $568.doolar.

 
7:Hay’adda Cilmi baarista Puntland ee PDRC waxay ku tabaracday $2.000.
8:Maxamed Yaasiin Afgaab oo jooga wadanka Maraykanka waxa uu soo diray $2.190, sidaana waxaa yiri Bin-Diiriye.

 
9:Dugsiga farsamada gacanta magalada Garowe waxa uu ku deeqay $500.
10:Cabdi Xirsi Cali Bootaan oo wakiil ka ah Gabdho Soomaaliyeed oo ku nool Wadanka Holan,culimada waxa uu ku wareejiyay $1.375.

 v,

Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf  oo ka mid ah Culimada sida weyn arintan ugu hawlan wuxuu dalbaday in gargaarka aanlaga caajisin, dadkii lacagta soo diray wuxuu alle uga baryay in uu ka ajarsiiyo, wuxuu kaloo sheegay sheekhu in Lacagta ay bixiyeen sidoo kale dadka ku dhaqan Garoowe qaasatan goobo wax lagu barto iyo shaqsiyaad Hay’ado kuwaasi oo kala gooni gooni ah, wuxuu umada soomaliyeed ka dalbaday in ay usoo duceeyaan dadka lacagaha ku deeqaya.

RBC RADIO

Xafiiska Wararka Garoowe.

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


SOMALIA: A Black Day for Puntland. By Safi Abdi

$
0
0

A Black Day for Puntland: Farole’s Evil Aggression against Khatumo State
Safi Abdi
safia5960@gmail.com
December 01 2013

OPINION

OpinionWords can not describe the anger and frustration I am feeling right now. I find it hard to understand or explain away the evil designs behind the ambushing and the slaying and wounding of innocent civilians in Teleex. I understand the number of dead has risen to nine, the number of wounded even higher, some in critical condition.

The killing of civilians, and the murderous assaults and ambushes that Puntland carried out against Khatumo State and its civilians, for three successive days, 28th and 29th and 30th of Nov.2013. This is a crime against humanity, and if Puntland was a normal place, the events that led to this ugly tragedy wouldn’t have seen the light of day.

Emotions are high and justice seems to be further away than even that black October of 2007 when Somaliland militia (packed and bankrolled by Aid agencies and international donors) rolled into Khatumo territory. Where five years on, not a single justice tribunal has so much as whispered a word of denunciation, let alone speak on behalf of the countless displaced, the countless incarcerated, or the countless who suffer, all alone, Somaliland’s illegal occupation of Khatumo Territory.

As Khatumo bury their dead and shed tears to console the wounded. And as we see Hargeisa’s history repeated in Garowe, and witness the bereaved suffering, all alone, without so much as a whimper from Puntland streets, without so much as a word of even moral support from Puntland and its Traditional leaders, its Ulema, women, youth, or Media (with the exception of a few words here and there from its presidential candidates). I can’t help but marvel at the amount of patience it must have required of Khatumo to have stayed so long in the fold, before Puntland forced them to fend for themselves.

There is a lot of blame to go around, and people of Khatumo have every right to feel betrayed. And alone. Tragic as this is, there is nothing more depressing today than being a Puntlander.

This is indeed a black day for Puntland, and it is not just our gangster President or his doddering poodle who kill innocent people. It is us, Puntlanders, who by our collective indifference and shameful passivity brought shame on Puntland.

Safi Abdi

safia5960@gmail.com

 

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku baaqay in la joojiyo dagaalada ka socda qaar ka mid ah gobolada dalka

$
0
0

xasaan YyMuqdisho(RBC Radio) Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Sooaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa baaq u jeediyay ciidamada ku dagaalamaya degmada Taleex, wuxuu sidoo kale baaq u diray malayshiyaad Beeleedyada ku dagaalamaya gobolka Shabeelaha Dhexe.

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalada ka socda deegaanka Taleex oo ay ku dagaalamayaa ciidamo ka tirsan maamulada Puntland iyo iyo Khaatumo, wuxuuna madaxweynuhu ka degay cawaaqib xumada uu reebi karo dagaalkaas.

Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha dalka ayaa sheegay inuu aad uga xunyahay dagaalka kasoo cusboonaaday degmada Taleex, wuxuuna ugu baaqay ciidamada ku dagaalamaya inay joojiyaan dagaalka dhexmarayay oo ay u naxaan shacabka deegaankaas degen.

Wuxuu sidoo kale Maxadweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqay malayshiyaadka ku dagaalamaya gobolada Shabeelaha dhexe Shabeelaha hoose iyo Hiiraan inay joojiyaan dagaaladaas, wuxuuna sheegay in laga dhaxli karo dagaaladaas dhibaatooyin aad u xoogan.

Baaqa kasoo baxay madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya xilli ay dagaallo ka jiraan qaar ka tirsan gobolada dalka.

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

PHOTO NEWS: Soo dhaweyntii Musharax Cali Xaaji ee Garoowe.

$
0
0

v,,,,v'v... 

 

 v.

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

Ciidamada dowladda iyo kuwa Ethiopia oo deegaanno ka tirsan gobol Baay gacanta u dhigay

$
0
0
Ciidamada Soomaaliya iyo Ethiopia oo deegaanno cusub gobolka Baay qabsadey

Ciidamada Soomaaliya iyo Ethiopia oo deegaanno cusub gobolka Baay qabsadey

Baydhabo[RBC Radio]Ciidamada dowladda faderaalka ah ee Soomaaliya oo garab-sanaya kuwa Ethiopia,ayaa howlgallo ballaaran ka sameeyey sida ay sheegen saraakil u hadashey deegaanno ka tirsan gobolka Baay oo ay gacanta ku hayeen Al Shabaab.

Saraakishu waxaa ay sheegen in howlgallkoda ay ka sameeyeen deegaanno gaaraya illaa 30 kuwaaso hoostaga deegaanka Owdiinle ee gobolkaasi.

Gudoomiyaha degmada Awdiinle Maxamed Cabdi oo sigu dhinaciisa la hadlay warbaahinta afka dowladda ku hadasha waxaa uu sheegay in howlgallkaasi ay ciidamadu ku gaareen illaa Sodon Tuulo oo hoos yimaada degmadaasi, wuxuuna intaasi ku daray in dadkii ku sugna deegaannada ay maamulayeen Al Shabaab oo in xilligaan ay soo wajahdey baahi ay u qabaan gar-gaar bani’aadanimo.

Sidoo kale gudoomiyaha ayaa tilmaamay in Dadka Ku Nool 33 Tuulo oo hoos timaada degmada Owdiinle ay iminka baahi weyn u qabaan dowladnimada, maadaama in ka badan 4 sanno ay ku sugaaneyn sida uu sheegay deegaannadoda Al Shabaab oo la dagaallama dowladda Soomaaliya.

Ugu danbentina waxaa uu soo hadal qaaday guddoomiyuhu inay qorsheynayaan inay sii wadda howlgallkoda ay xilligaan ka bilaaben gobolka.

_____
RBC Radio
Xafiiska Baydhabo

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

Madaxweynaha Malaawi oo khatar ku sheegtay qaxootiga Soomaalida ee marinka ka dhigtay dalkeeda[Video]

$
0
0
Madaxweynaha Malaawi Joyce Banda

Madaxweynaha Malaawi Joyce Banda

Malaawi[RBC Radio]Dowladda Malaawi ayaa si kulul uga hadashey qul-qulka Soomaalida sida sharrci darada ah kusoo galaya dalkaasi,waxana hadal ka soo yeeshrey madaxweynaha dalkaasi khatar lugu sheegay soo galitaanka dalkaasi ee Soomaalida.

Madaxweynaha dalkaasi Malaawe,haweenayda lugu magacaabo Joyce Banda,ayaa si kulal u weerartay soo gali taanka dalkeda ee ay soo galayaan Soomaalida sida sharcidara ah kusoo galaya dalkeeda,waxana hadalkaan ay sheegtay kadib wareysi ay siinaysey wargayka The Telegraph ee britian.

Waxaa ay soo hadal qaaday in dadka qaxootiga ah gaar ahaan Soomaalida ay dhibaato ba’an ku hayaan dalkeeda, waxay walaac ka muujisay khatarta ka iman karta qulqulka qaxootiga.

“Waxbadan ayaan saaxiibadeen kala hadalnay in aan xal u helno arrinta qaxootiga dalkeenna soo gelaya, kadibna u sii gudbaya dalalka kale.” Ayey tiri Madaxweyne Banda “bilo markay joogaan waxay qaataan soomaalidu baasaboorka dalkeenna, deedna waxay u dhoofaan UK iyo USA.”

Madaxweynaha ayaa si caro leh u tiri “xuduuda ayaan dhigi doonaa ciidamo fara badan, iyagoo lugaynaya ayey ka soo degaan buuraha, kadibna waxay soo galaan dalka iyagoo ku socda si sharci daro ah.”

Soomaalida ugu badan ee jooga koonfurta Afrika, Mozambique ilaa Zambia ayaa inta badan waxay maraan dalka Malaawi, sidoo kale isla dalkaas ayaa ka mid ah meelaha ugu badan ee ay Soomaalidu ku nool yihiin dhanka koonfurta qaarada Afrika.

____
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

Doodii Xildhibaanada Baarlamaanka oo iminka bilaabatay, iyo R/wasaare Saacid oo dalbaday inuu yimaado xarunta golaha shacabka

$
0
0

baarlamaanka jamhuuriyadaMuqdisho(RBC Radio) Waxaa si toos ah uga furmay xarunta golaha shacabka kulankii Baarlamaanka Soomaaliya ee maanta loo madalsanaa in maalintii labaad looga doodo mooshinka laga keenay R/wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa iminka waxaa dhexmaraya dood kulul oo ku saabsan mooshinka laga keenay R/wasaaraha dalka, Xildhibaanada taageersan mooshinka laga keenay R/wasaare Saacid ayaa ku eedeeynaya xukuumadiisa inay ka gaabisay sugidda ammanka iyo xakamaynta musuq maasuqa dalka ka jira, Xildhibaanada kale ayaa iyana sheegaya in uu sharci darro yahay mooshinka laga keenay R/wasaare Saacid.

Warara qaar ayaa sheegaya in R/wasaaraea xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid u gudoonka Baarlamaanka ka codsaday inuu yimaado gudaha xarunta golaha shacabka si uu uga jawaabo eedeeymaha ay Xildhibaanadu u soo jeedinayaan.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku kala aragti duwan inuu R/wasaare Saacid gudaha u soo galo xarunta golaha shacabka, Xildhibaanada kasoo horjeeda xukuumadda ayaa sharci darro ku tilmaamaya imaanshaha R/wasaare saacid, halka ku taageersan xukuumadda ay iyana sheegayaa inuu xaq u leeyahay R/wasaare Saacid inuu yimaado xarunta golaha shacabka si uu uga jawaabo eedeeymaha loo soo jeediyay.

Waxaa iminka xarunta golaha shacabka ku sugan howl wadeenada xafiiska R/wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid, waxayna ka mid yihiin dad dhegeeysanaya dooda dhexmaraysa Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Wixii warar kasoo kordha kulanka Baarlamaanka dib ayaad kala socon doontaan Insha-Allaah

 

 

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

Golaha ammaanka ee QM oo muddo kordhin u sameeyey ciidamada caalamiga ah ee xeebaha Soomaaliya ka howlgala

$
0
0

golaha amaankaNew York(RBC Radio) Golaha ammaanka ee Qaramada Mdoobe ayaa muddo kordhin u sameeyey ciidamada caalamiga ah ee ka howlgala xeebaha Soomaaliya kuwaas oo la dagaalama kooxaha burcad badeeda ah ee Maraakiibta ka afduubata xeebaha Soomaaliya.

Warbixin kasoo baxday Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobe ayaa muddo kordhin loogu sameeyey Dowladaha iyo Hay’adaha caalamiga ah ee ka howlgala xeebaha Soomaaliya si ay uga safeeyaan kooxaha Burcad badeedda ah ee dhibaataka ka wada Xeebaha Soomaaliya iyo kuwa ganaka.

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobe ayaa tilmaamay in muddo kordhinta loo sameeyey dowladaha ka howlgala xeebaha Soomaaliya ay suurto gelinayso in xeebaha Soomaaliya loo daabulo Maraakiibta, Hub iyo Diyaarado si ay ciidamada caalamiga ah ee xeebaha Soomaaliya ku sugan ay ula dagaalamaan Burcad badeedda Soomaalida.

Dhanka kale warbixinta kasoo baxday Golaha ammaanka ee Qaramad Midoobe ayaa lagu sheegay in goluhu u isku raacay in cunaqabatayntii Soomaaliya laga qaatay aysan suurto gal ka dhigin inay Hub iyo qalab kale helaan kooxaha Burcad badedda Soomaalida.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Gudoomiyaha degmada Owdiinle oo shegay inay Alshabaab ka saareen tuulooyin ka tirsan gobolka Baay

$
0
0

batdhaboBaydhabo(RBC Radio) Wararka ka imaanaya deegaanno ka tirsan gobolka Baay ayaa sheegay in saakay ay halkaas howlgallo ka bilaabeen ciidamadda xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa Ethiopia,gudoomiyaha degmada Owdiinle Maxamed Cabdi ayaa sheegay in ururka Alshabaab ay kala wareegeen tuulooyin badan oo hoos yimaada degmada Owdiinle ee gobolka Baay.

Gudoomiyaha degmada Owdiinle Maxamed Cabdi oo waraysi gaar ah siiyay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in ciidamada qalabka sida ee dowladda federaalka Soomaaliya oo kaashanaya ciidamada Ethiopia ay saakay tuulooyin badan oo hoos yimaada degmada Owdiinle ay ka sameeyeen howlgallo lagu xoreeynayo deegaanadaas.

Maxamed Cabdi ayaa tibaaxay in ciidamada qalabka sida ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Ethiopia ay saakay ururka Alshabaab kala wareegeen tuulooyin gaaraya 33 tuulo oo ay hore gacanta ugu hayeen ururka Alshabaab.

Wuxuu sheegay gudoomiyaha degmada Owdiinle in dadka ay saakay ka xoreeyeen ururka Alshabaab aysan muddo afar sano ah arkin macaanka ay leedahay dowladnimada, wuxuuna xusay inay si aad ah ugu baahnaayeen inay u yimaadaan ciidamada qalabka sida ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Gudoomiyaha degmada Owdiinle Maxamed Cabdi ayaa dhanka kale sheegay in shacabka ku nool deegaanada ay gacanta ku dhigeen ay u baahan yihiin in lala soo gaaro gargaar deg dega si looga samatabxiyo dhibaatada ay gaarsiiyeen Alshabaab, oo deegaanadaas ka mamnuucay inay yimaadaan Hay’adaha gargaarka.

Ma jirto cid kale oo ka madaxbanaan oo xaqiijinaysa warka kasoo baxay gudoomiyaha degmada Owdiinle ee gobolka Baay.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

DEG DEG: Xildhibaanada Baarlamaanka oo R/wasaare Saacid u diiday inuu yimaado xarunta Golaha shacabka

$
0
0

baarlamanka 2Muqdisho(RBC Radio) War hadda naga soo gaaray xarunta golaha shacabka sheegaya in R/wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid loo diiday inuu hor tago Xildhibaanada Baarlamaanka, kadib markii cod loo qaaday imaanshaha R/wasaare Saacid.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dood kulul ka yeeshay imaanshaha R/wasaaraxa xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid, wuxuuna markaas ka dib gudoonka Baarlamaanku amray in cod la gelsho imaanshaha R/wasaare Saacid.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa gudo galay markaas ka dib inay cod u qaadaan imaanshaha R/wasaare Saacid, waxaana aad u tira badan Mudanayaasha kasoo horjeestay imaanshaha R/wasaaraha dowladda Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid.

R/wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ayaa hore uga codsaday gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya inuu tago xarunta golaha shacabka si uu isga difaaco eedeeymaha ay Xildhibaanadu u soo jeediyeen R/wasaare Saacid.

Wixii warar ah ee ku soo kordha dib ayaad ka heli doontaan

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

Musharax Cali Xaaji Warsame oo ka hadlay Dagaalkii taleex iyo arimo kale.

$
0
0

 

 IMG_8856

Garoowe (RBC RADIO) Cali Xaaji Warsame oo ka mid ah musharaxiinta Puntland Shir Jaraa’id oo uu qabtay wuxuu kaga hadlay 2qodob wuxuu musharaxu marka hore ka mahadcelshay sida wacan ee Garoowe looga soo dhaweeyey isagoo sheegay in meel kasta uu tago ay dadku hal wax ku wada taamayeen taasoo ah Isbedel dhab ah oo Puntlabd ka dhaca sida uu musharaxu yiri.

 

“waxaan shirkeygan uga hadlayaa 2qodob waxaan aad uga mahadcelinayaa soo dhaweyntii Garoowe leygu sameeyey waxaa kaloo cad in meelkasta oon tago ay dadku muujinayeen is bedel in uu yahay lama huraan waxaan sidaa darteed leeyahay dalku is bedel ayuu u baahan yahay, waxaana la doonayaa in Puntland meesha ay taalo laga qaado lana hormariyo si dadka reer puntland ay u noqdaan kuwo hormarsan.

 

Cali Xaaji wuxuu kaloo ka hadlay Weerarkii ka dhacay Taleex wuxuuna tilmaamay in uu ka xun yahay sida ay wax u dheceen cambaaraynna usoo jeedinayay cid kasta oo qayb ka ahayd hurinta Dagaalkaasi isagoo Isimada iyo Wax garadka Puntland ugu Baaqay in ay Arimahaasi faragelin ku sameeyaan kana hadlaan sida ugu dhaqsiyaha badan wuxuu sidoo kale Musharaxu tacsi u diray ehelada dadkii ku dhintay Dagaakaasi.

 

“ Waxaa wax lala yaabo ah sababaha kusoo beegay xili doorasho iyadoo lagu jiro in Taleex dagaal lagu qaado,dadka masiirkooda iyagaa xor u ah mala qasbi karo waxayna kasoo horjeedaan maamulka hada jira oo ay ku kacsan yihiin sidaa darteed kal hore ayaan ka hadlay inaan dadkaasi walaaleheen ah shirarkooda leys hortaagin lagana hor imaan hadii la shiro nabad ayaa kasoo bixi karta sidaa darteed yaan lagu xadgudbin rabitaanka shacabka ayuu yiri Musharaxu.

 

Hadalka musharaxa wuxuu kusoo beegmaya iyadoo dhawaan Tealeex uu Dagaal ka dhacay ayna halkaasi galeen ciidan uu hogaaminayay Madaxweyne ku xigeenka Puntland inkastoo Warsaxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Madaxtooyada lagu sheegay dagaalkaasi in ay gaysteen maleeshiyo soo weerartay Ciidanka Puntland ee Taleex ku sugan iyadoo hada Xaalada magaalada ay dagan tahay.

Ibrahim Wadani

RBC RADIO

Xafiiska Wararka Garoowe.

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

Isimada Puntland oo Baaq kasoo saaray dagaalkii Taleex.

$
0
0

IMG_8806

Garoowe (RBC RADIO) ISimada Puntland ayaa shir saxaafadeed ay Garoowe ku qabteen qaarkood waxay ka hadleen Dagaalkii Taleex ka dhacay ee Khaatumo iyo Puntland dhexmaray waxayna sheegeen in mar walba aan loo baahnayn dagaal ka dhaca dadka walaalaha ah ee wada dagan, Isimadu waxay ku baaqeen in iska hor imadka la joojiyo wax walbana lagu bedelo nabad iyo wada hadal si meesha looga saaro in Dagaalku sii weynaado qasaaraha iyo dhimashaduna ay sii balaartaan.

IMG_8815

Afhayeenka Isimada Puntland Garaad C/Laahi Cali Ciid oo hadlay wuxuu sheegay in ay ku talinayaan kuna baaqayaan dagaal dambe in uusan dhicin wax walbana lagu xaliyo wada hadal iyo is afgarad, xaalada iminka lagu jiro ayuu sheegay garaadku in aysan ku haboonayn in leys dagaalo balse taa bedelkeed ay qumaneynd in gacmaha leys qabsado hal meelna loo wada jeesto lagana hortago Cadawga sida uu garaadku hadalka u dhigay.

IMG_8816

Suldaan Siciid Maxamed Garaase wuxuu daboolka ka qaaday in ay ka nexeen dagaalka taleex ka dhacay ee dadka walaalaha ah ku dhexmaray ayna tacsi iyo tiiraanyo u dirayaan ehelada iyo qaraabada arintaasi ay saameysay, wuxuu ka digay dagaal kale in uu ka dhoco magaalada wuxuuna tilmaamay in Nabadgelyada ay tahay astaan lagu yaqaan dadka wada daga ee puntland si wada jir ahna wax walba lagu xaliyo.

Ibrahim Wadani

RBC RADIO

Xafiiska Wararka Garoowe.

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

Daawo: Prof Togane oo ka qeybeybgalay xaflad lagu taageerayey Madaxweyne Faroole (Maxuu ka Yiri)

$
0
0

Prof-Togane

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

Maalinta AIDS-ka Adduunka oo maanta Laga Xusay Magaaladda Boosaaso (Sawirro)

$
0
0

DSCN0298Boosaaso(RBC Radio)  Munaasabad ballaaran oo lagu xusayey maalinta  caalamiga ah ee adduunku u qoonsaday Cudurka dilaaga ah eeHIV AIDS ayaa maanta lagu qabtay xarunta gobolka Bari ee Boosaaso.

Munaasabada oo lagu qabtay xarunta gobolka Bariee Boosaaso ayaa,waxaa ka qebgalay Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad M.Galan,Wakiilka Hay’adda PAC ee gobolka Bari Maxamed Cabdullaahi Khuurshe,Dr Cabdirisaaq Tubaako,Madaxa Ururka Xuquuqul aadanaha Cabdixakiin Baajuun iyo Xubno kamid ah NG0-yada.

Wakiilka Hay’adda Puntland u qaabilsan Ka hortaga Iyo Maareeynta Cudurka AIDS-ka ee PAC Maxamed Cabdullaahi Khuurshe oo Munaasabada ka hadlay ayaa sheegayin hal ku dhiga sanadkan loo qaatay uu yahay ”waa ineynu baabi’ino Faquuqa”.

Wakiilka Hay’adda Puntland u qaabilsan Ka hortaga Iyo Maareeynta Cudurka AIDS-ka ee PAC Maxamed Cabdullaahi Khuurshe

Wakiilka Hay’adda Puntland u qaabilsan Ka hortaga Iyo Maareeynta Cudurka AIDS-ka ee PAC Maxamed Cabdullaahi Khuurshe

Maxamed Cabdullaahi Khuurshe ayaa xusay in Faquuqu yahay mid dhib badan qofka la faquuqana uu geysanayo dhibaato ku kaliftay in bulshada u qariyo Cudurka HIV AIDS-ka.

…..”’Hal ku dhigu maanta,waxa uu yahay ”waa ineynu baabi’ino Faquuqa” sababtoo ah waxaa la ogaaday faquuqu inuu dhib badanyahay qofka haddii la faquuqo oo la dhibaateeyo aakhirka,waxaa imaanaya in qofku uu xaasid noqdo dadka uu la noolyahana xanuunka u qariyo…..”’ayuu yiri Khuurshe.

Sarkaal ka tirsan Hay’adda PAC oo hawllo shaqo u joogo gobolka Bari Dr Cabdirisaaq Xasan Tubaako ayaa sheegay in Cudurka AIDS-ku ku dhici karo qof kasta isla markaana ,wuxuu intaas ku daray in dalka Soomaaliya uu cudurkan heerkiisu marayo 1%.

Dr Cabdirisaaq Xasan Tubaako

Dr Cabdirisaaq Xasan Tubaako

……..””” Jiradan hadaan warbixin idinka siiyo ,waxay lamid tahay Jirooyinka kale,Jiradan wadankeena wuu ugu yaryahay ,waxaana badanaa lagu qiyaasaa 1%,laakiinse waa ay kasoo badan kartaa sababtoo ah waxyaabo badan hada inala soo xiriiray ayaa jira oo jiradan badinaya ….”ayuu yiri Dr Tubaako.

Dr Tubaako ayaa tilmaamay in deegaanada Puntland ay si weyn uga qeybqaateen fidinta Cudurka Kooxaha Burcadbadeed oo bulshada si toos ah ugu baahiyey,wuxuuna xusay in dadka jirada la nool si wanaagsan loola macaamilo.

………”””Muhiimada kale waxa weeyaan dad jirada la nool ,waxayna tahay sidee loola macaamilayaa dadka la nool jirada taas ayaa ah mid muhiim ah,waana in qofkaas aan la faquuqin ,jiradaani qabiil maleh ,midab maleh,diin maleh qof kasta wey ku dhici kartaa……””ayuu yiri.

Axmed Ibraahim Cismaan oo la nool xanuunkaCudurka HIV AIDS-ka

Axmed Ibraahim Cismaan oo la nool xanuunkaCudurka HIV AIDS-ka

Axmed Ibraahim Cismaan oo la nool xanuunkaCudurka HIV AIDS-ka ayaa ka sheekeeyey dhibaatada haysata dadka la nool cudurka,wuxuuna sheegay iney dhibaato ka haysato dhanka nolosha gaar ahaana Cuntada iyo daawada.

……””Dadku wey cararayaan,waxayna la cararayaan xagii nolosha ,Isbitaalka waxaa laga helayaa daawooyinka oo kaalmaati ahaan bey u qaataan hase ahaatee wax nafaqo haystaana majirto aniga nin shaqeysta ayaan ahay lacagta isoo gashana niney soo gasho majirto…..””ayuu yiri Axmed Ibraahim Cismaan.

Sidoo kale Axmed Ibraahim Cismaan ayaa sheegay in weli uu jiro faquuq lagu hayo dadka la nool Cudurka HIV AIDs-ka isla markaana ayba noqdeen kuwa ku yaacay magaaladda ,isagoona intaas ku daray raashinka la siiyo hada inuu yahay mid liita uu keenayo in dadku tabar daro dhulka ugu dhacaan.

……””’Faquuqu waa jiraa oo qof kasta wuu dhuumanayaa sababta ay u dhuumanayaan waxay tahay kii raashinkii la siin jiray mid ka liita ayaa la siiya dadkii tabar darey la dhacayaan ,waa carareen dadkii kii daawooyinka loo qoray magaaladiisa ayuu gees ka galay……””’ayuu yiri.

Madaxa Ururka Xuquuqul Aadanaha Puntland Mr. CabdixakiinSiciid[Baajuun]

Madaxa Ururka Xuquuqul Aadanaha Puntland Mr. CabdixakiinSiciid[Baajuun]

Madaxa Ururka Xuquuqul Aadanaha Puntland Mr. CabdixakiinSiciid[Baajuun] ayaa sheegay in uu ku xoojinayo in goobaha Waxbarashada iyo jiilka soo koraya laaga wacyigeliyo dhibaatada iyo khatarta uu leeyahay Cudurka HIV AIDs-ka .

Mr. CabdixakiinSiciid[Baajuun] ayaa xusay in bulshada looga baahanyahay in la iskaashado si loo ogaado dhibaatada uu leeyahay Cudurka HIV AIDs-ka,isagoona intaas ku daray in cudurkan uu yahay wax rabaani ah oo Ilaahay keenay.

Xubno ka tirsan NGO-yada Tadamun,Badbaado,PHRA,WAWA,BISHA CAS Iyo Tacaawun ayaa ka qeybqaatay abaabulka Munaasabadan,waxaana hal ku dhig sanadkan looga dhigay ”’ ”waa ineynu baabi’ino Faquuqa”.

Munaasabada ayaa,waxaa soo xiray gabagabadii Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan,wuxuuna sheegay in bulshada looga baahanyahay iney soo dhaweeyaan dadka la nool cudurka HIV AIDs-ka isla markaana ilowsiiyaan xanuunka cudurku leeyahay.

1 3 4 6 8 9 10 11 12 15 16 17 18

__________________

Cismaan Turaabi
RBC Radio
turrabi30@gmail.com

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

Puntland oo sheegtay in Cudurka Aidska uu ku yar yaryahay Deegaanadeeda.

$
0
0

bac

Garoowe (RBC RADIO) C/Raxmaan Siciid Dhaga-weyne oo ah Gudoomiyaha Hay’ada Puntland u qaabilsan ka Hortaga Cudurka Aidska ayaa munaasabad looga hadlayay Maalinta ka hortaga Cudurka Aidska wuxuu ka sheegay in Puntland aan cabsi looga qabin in Cudurku uu ku faafo hadana Boqolkiiba hal uu ka joogo Puntland, wuxuuna tilmaamay in Cudurkaasi ay Dumarka u nugul yihiin, wuxuu kaloo cadeeyey agaasimuhu in Xanuunkan looga tira badan yahay oo S-Land iyo Koonfurta Soomaliya uu Cudurkan ku badan yahay.

 juxa

Wasiirka Waxbarashada Puntland Cabdi Faarax siciid Juxa oo MAdasha ka hadlay wuxuu tilmaamay in Dadka Cudurkan qaba aan la takoorin ayna mudan yihiin in lasoo dhaweeyo cuqdadana laga daayo hadii kalese wuxuu sheegay in taasi ay Qatar ka dhalan karto oo dadka cudurka la liita ay ku dhiiranayaan in si fudud ay dadka ku qaadsiiyaan Xanuunkan maadaama ay tixgelin waayeen.

 

Agaasimaha Guud ee Caafimaadka Puntland C/Risaaq Xirsi Xasan oo isagana Madasha ka hadlay wuxuu sheegay in ay baaris xoogan sameeyeen ayna ogaadeen in cudurkan ay la liitaan 731 oo isugu jira dad banaanka uga yimi Puntland iyo dadka Deegaanka tira kooban oo 340 qof gaaraya ayaa dawada qaata buu yiri inta kalese waxay ku dhex jiraan bulshada wuxuu ka digay in cudurku mar walba fidi karo taxadarna loo baahan yahay.

 DSC05312

Maalinta Aidska Aduunka oo Caalamka maanya laga xusayo ayaa hal ku dhig looga dhigay inaan la takoorin geesna loo riixin qofka Qaba Cudurkan kaasi oo la tilmaamay in lala sheekeysan karo wax lala cuni karo lalana cabi karo oo uusan ahayn qof laga quustay, waxaana dhanka kale dadka qaba cudurkan loogu baaqay in aysan is qarin oo walaalohood aysan garaafeyn taa bedelkeedse loo baahan yahay in ay Dawooyinka qaataan.

Ibrahim Wadani

RBC RADIO

Xafiiska Wararka Garoowe.

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Ra’iisul Wasaare Saacid: “Xukuumaddu waxay ku adkaysanaysaa in la siiyo fursad ay isku Difaacdo”

$
0
0

saacid

Eedaymaha mooshinka ku xusan ee lagu dhudhuminayo kalsoonida xukuumadda, ma aha kuwo xaqiiqda dhabtaa ku salaysan. Waxaa maqan xog-ogaalnimo rasmi ah.

Hadaba, si waafaqsan cadaaladda dabiicigaa (Natural Justice) iyo shuruucda dalkaba – waxaa xukuumaddu diyaarisay qoraal waafi ah ee ay uga jawaabayso dhamaan eedaymaha loo soo jeediyay, oo keeni kara qaneecaad iyo kalsooni dhisid buuxda.

Sidaas la’adligeed, ‘xukuumad ahaan’, waxaan golaha baarlamaanka ee sharafta leh mar labaad ka codsanaynaa in naloo ogolaado fursad nalagu dhagaysto si aan isaga difaacno eedaymaha naloo soo jeediyay. Go’aan kasta oo la gaaro anagoo maqan waa mid ku dhisan malo awaal.

DHAMAAD

Ahmed Adan

Prime Minister’s Media Office

Mogadishu, Somalia

Email: media@opm.gov.so

Mobile: +252 (0) 616 440 028

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

Wasiirka Khayraadka dalka oo maanta kulan la qaatay wafdi ka socday Hay’adda FOA

$
0
0

wasiirka khayraadka dalkaMuqdisho9RBC Radio) Wasiirka Khayraadka dalka Mudane C/risaaq Cumar Maxamed ayaa maanta kulan la yeeshay wafdi kasocda Hay’adda FAO, waxayna shirkooda uga hadleen sidii loo hormarin lahaa wax soo saaridda khyraadka dalka iyo kaluumaysiga xeebaha Soomaaliya.

Kulanka ay yeesheen masuuliyiinta wasaaradda khayraadka dalka iyo wafdiga kasocday Hay’adda FAO, ayaa ka dhacay xafiiska wasiirka Khayraadka dalka Mudane C/risaaq Cumar Maxamed waxayn ku dheeraadeen ka hadalka arimaha hormarinta Beeraha iyo Kaluumaysiga Soomaaliya.

Wafdiga maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya oo uu hogaaminayay Agaasimaha Hay’adda FOA ahna la taliyaha qaybta Kaluumaysiga ee Hay’adaas Stephen J Akester ayaa sheegay in Hay’adda FOA ay si aad ah u danaynayso inay hormariso kaluumaysiga dalka.

Agaasimaha ayaa balan qaaday inay gudaha Soomaaliya ka fulin doonaan mashaariic la xiriirta Kaluumaysiga dalka iyo isku xirka tababarada ku saabsan barashada kaluumaysiga xeebaha Soomaaliya.

Wasiirka Khayraadka dalka Mudane C/risaaq Cumar Maxamed ayaa ka hadlay kulanka ay la qaateen wafdiga ka socda Hay’adda FOA wuxuuna sheegay in wasaaradda khayraadka dalka ay aad ugu baahantahay in laga gacan siiyo arimaha hormarinta kaluumaysiga iyo Beeraha Soomaaliya.

C/risaaq Cumar Maxamed ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay hodan ku tahay talaga Beraha iyo Kaluumaysiga badda Soomaaliya, wuxuuna tibaaxay in Hay’adda ay maanta la kulmeen ay wasaardda ka caawin doonto sidii loo hormarin lahaa arimahaas.

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

Madaxweyne Faroole: “Waxaan go’aansaday in aan mar labaad isu soo taago doorashada madaxtinimada Puntland”

$
0
0

Madaxweynaha Puntland ahna Musharax u taagan doorashada Madaxtooyada 8 Jan, 2014 Dr. Cabdiraxamaan Sh. Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa maalinimadii shalay diray fariin muuqaal ah taas oo uu kaga hadlayey sababaha ku dhaliyey inuu markale u tartamo xafiiska & Qorshihiisa waxqabad.

Madaxweyne Faroole

Madaxweyne Faroole

Wuxuu xusay in Dastuurka Puntland xaq u siinayo Madaxweyne kasta oo xafiiska jooga inuu mar labaad is sharaxo marka ay soo idlaato mudo xileedkiisa koowaad (Frist term).

“…Waxaan go’aansaday in aan mar labaad isu soo taago doorashada madaxtinimada Puntland, Dastuurku wuxuu qorayaa in qofku madaxweyne isu taagi karo labo jeer…”

Dr. Faroole wuxuu hoosta ka xariiqay inuusan xukun jacayl dartiis isu sharaxin balse uu go’aankan qaatay kadib markii uu garowsaday sida ay lagama maarmaan u tahay inuu dhamaystiro mashaariicda socota, kuwa qorshaysan & meelmarinta hanaanka federaalka Soomaaliya.

Wuxuu balanqaaday inuu uga faa’iideyn doono khibradiisa maamul & Waayo aragnimadiisa shaqo dadkiisa & dalkiisa isla markaana uu ku haminayo inuu hawl gab noqdo iyadoo umada Soomaaliyeed mid ah soona ceshatay sharaftii & karaamadii ay ku lahayd aduunka.

“… Waxaan ku haminayaa in aan ku hawl gabo Soomaaliya oo mid ah, is jecel oo nidaamkii lagu heshiiyey ee federaalku uu dhamaystirmo oo meel walba state ka dhismo danaha deegaankooda & horumarkoodana hanta …” Ayuu yiri Madaxweyne Faroole.

Mashaariicda socota.

Xukuumada Puntland ee uu hogaanka u hayo Madaxweyne Dr. Cabdiraxmaan Sh. Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa hada gacanta ku haysa dhismahooda Garoomada diyaaradaha ee Boosaaso, Garoowe, Gaalkacayo & Mashaariic kale oo baaxad leh.

Garoonka diyaaradaha Boosaaso ayaa la bixiyey qandaraaskii lagu dhisi lahaa waxaana gacan ka geysatay dowlada Talyaaniga halka hay’ada UNOPS ay kala shaqaynayso dowlada sidii loo fulin lahaa mashruucaas.

Dayactir lagu sameeyo wadada laamiga ah ee isku xirta Gaalkacayo & Garoowe ayaa ka mid ah mashaariircada qorshaysan halka dhismaha Jaamacada Maakhir ee Degmada Badhan gacanta lagu hayo dhaqaalihii ku bixi lahaa.

Jidadka, Kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha & Adeegyada bulshada sida caafimaadka & Waxbarashada ayaa dhamaantood siyaabo gaargaar ah u qorshaysan kuwaas oo xukuumada ay ka taageeri doonaan ururo caalami ah & wadamo ay xiriir saaxiibtinimo la wadaagto.

Arrimaha Soomaaliya.

Siyaasada Soomaaliya ayaa gashay weji cusub iyadoo loo gudbay dowlada rasmi ah waxaana hada dadaal & dagaal siyaasadeed u baahan sidii loo hirgelin lahaa nidaamka federaalka loona meel marin lahaa Dastuur rasmi ah oo u qeexaya qolo (maamul) walba xuquuqdooda gaarka ah.

Madaxweyne Faroole doorkii muuqday ee uu ka soo ciyaaray hirgelintii khariiradii ro’ad map, Ka bixitaankii KMG-nimada & xogogaalnimada uu u yahay arrimaha Soomaaliya ayaa muhiimad gaar ah u yeelaya sii joogitaankiisa xafiiska.

Xafiiska Warfaafinta Gudiga Ololaha

Madaxweyne/ Musharax Dr. Cabdiraxmaan Sh. Maxamed Maxamuud (Faroole)

Email: faroole.election2014@gmail.com Facebook: Puntland President Office

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

Cudurka Malaariyada oo Ka Dilaacay Magaaladda Boosaaso Iyo 13qof oo u Geeriyootay (Sawirro)

$
0
0

Boosaaso(RBC Radio) Waxaa si wayn oo baaxad leh uga dilaacay magaalada Bosaso cudurka duumada ama Malariyada waana markii labaad uu cudurkan uu ka  dilaaco magaalada Bosaso sanadkan gudihiisa.

Wasaarada Caafimaadka laanta Duumada oo so gaartay magaalada Bosaso ayaa hawlahoodi si deg-deg ah ku bilaabay iyago booqday xarumaha caafimaadka dawladeed sida isbitaalka iyo MCH-yada markay tirakoob rasmi ah ku sameeyeenna waxa ay sheegeen in bishii hadda dhaamaay ee November ay 8 da MCH iyo isbitaalka guud ay daaweeyeen 70 qof oo laga helay xanuunkan 3 ka mid ahna ay ku dhinteen isbitaalka Bosaso, halka xarumaha gaarka loo leeyahay ay tiro intaa ka badan ay daaweeyeen hasayeeshe tirakoob rasmi ah aan laga haynin.

20131128_110219
20131130_094249
20131130_094320
20131130_094333
20131130_094612
20131130_094619
20131130_094741
20131130_094854
20131130_094917
20131130_094923
20131130_095015
20131130_095706

Bilowgi sanadkan bishiisii Janaayo ayay ahayd markuu isla xanunkan uu ka dilaacay magaalada Bosaso kaasoo gaaray ilaa iyo dhamaadkii bishi May.

Wasaarada Caafimaadka oo kaashanaysa hay’adaha WHO iyo UNICEF ayaa waxay ka qabteen magaalada Bosaso shaqooyin badan sida baaris iyo daawayn guud, guryaha oo la buufiyay iyo wacyi galin guud si looga hortago dhibataada iyo saamaynta xanunkan uu u geysanayo bulshada Bosaso loona yareeyo khasaaraha.

Waxaa la baaray 35000 oo qof waxana xanuunka Malariyada laga helay tiro gaaraysa 7000oo qof Lana daaweeyay halka 13 qof ay ku dhimatay isbitaalka guud ee magalada Bosaso.

Cudurka Duumada waxa keena kaneecada dhaddiga ah oo loo yaqano Anopheles Mosquito Calaamada lagu gartana waxa ka mid ah Xummad ama Qandho badan, Qar-qaryo, Madax Xanun, Dhidid, Matag iyo abateet la’aan.

Sida la wada ogyahay waxa deegaanada Puntland oo dhan ka da’ay roobab mahiigaan ah kuwaasoo keenay in kaneecada ay ku badato deegaanada Puntland iyo guud ahaan Soomaliya.

Wasaarada Caafimaadka qaybteeda Malariyada oo kaashanaysa Hay’dda WHO iyo UNICEF ayaa ka hawl gali doona magaalada Bosaso iyagoo sameyn doona baaritaan guud iyo daaweeyn qofki laga helo xanunkan sidoo kalena wacyi galin ku aadan qaabka la iskaga ilaalin karo xanuunkan ay ka baahin donaan warfiyeenada ka hawlgala deeganada Puntland

________________

RBC Radio
Boosaaso

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

Musharax Dr Shire Xaaji Faarax oo maanta Booqday Jaamacadaha magaaladda Boosaaso(Sawirro)

$
0
0

IMG_1094Boosaaso(RBC Radio) Dr Shire Xaaji Faarax oo todobaadkii ugu dambeeyay ku sugnaa Bosaso magaalada Bosaso ee Xarunta Ganacsiga Puntland oo kulamo kala duwan la qaadanayey qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa galabta Booqdey jaamacadaha ku yaala magaalada Bosaso.

Musharax iyo wafdi balaran oo uu hogaaminayay ayaa booqashadiisa ka bilaabey jaamacada Muqdisho Faraceeda magaalada Bosaso,halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen madaxda Jaamacada oo uu ugu horeeyo Guddoomiyaha Jaamacada Muqdisho faraceeda Bosaso Aadan Xusseen Xeerow iyo madaxkale.

Shire Xaaji Faarax ayaa waxaa warbixin uu ka dhageystey Guddoomiyaha Jaamacada Muqdisho faraceeda Bosaso Aadan Xusseen Xeerow isagoo uga warbixiyey xiligii la asaasey Jaamacada iyo hanaan socodka jaamacada iyo kuliyadaha ay ka kooban tahey jaamacadu.

IMG_1077Dr Shire Xaaji Faarax ayaa waxaa uu kormeerey fasalada jaamacada Muqdisho,halkaasi oo uu kula Hadley ardeyda wax ka barata jaamacada.

Musharax Madaxweyne Dr Shire Xaaji Faarax ayaa sheegey in uu aad ugu faraxsan yahay booqashada uu ku yimi jaamacada isla markaana waxa uu balan qaadey inuu hormarinayo waxbarashada hadii uu ku guuleysto xilka madaxtinimada Puntland.

‘’Annigu ma ihi nin Ciidana wax ka yaqaan Mihnadaydu waa Waxbaarshada,waxaan hormarinayaa Waxbaarshada,wadanka Turkiga dadkiisa boqolkiiba Konton wuxuu galiyayb Waxbarashada,Xukuumada hadda jirta waxay Waxbarashada siisay boqolkiiba labo,annigu waxbarsahda waan hormarinayaa haddii la ii doorto jagada Madaxnimada Puntland’’Ayuu yiri Shire Xaaji Faarax.

IMG_1102Faysal Xawar oo ah Madaxa ololaha Doorashada Musharax Shire Xaaji Faarax oo ka hadlay goobta ayaa sheegay in qiimo wayn ay leedahay Waxbaarshada,sidaa darteed ay muhiim tahay in Ardaydu ay ka digtoonadan inay Tahriiban.

Maxamed Siciid Cumar Kaashawiito oo ka mid ahaa Aqoonyahanka la socday Musharaxa ayaa Ardayda ku dhiiri galiyay Ardayda inay hormariyaan Waxbaarshadooda.

Intii ku jiray Musharaxu booqashada uu ku marayay Jaamacadaha ayaa wuxuu booqasho ku tagay Jaamacada Bosaso,haalkaasi oo si wayn loogu soo dhoweeyay,wuxuuna Warbixin ka dhagaystay maamulka Jaamacada Bosaso,oo ay ka siiyeen warbixin dhameystiren oo ay kamid aheyd heerarkii ay soo martey.

IMG_1154Booqashadiisa ayaa Musharuxu uu kusoo afmeeray Jaamacada Bariga Afrika oo ka mid ah Jaamacadaha ugu miisaanka wayn deeganada Puntland,halkaasi oo ardayda kula tukaday Salaada Maqrib.

Musharax Shire Xaaji Faarax todobaadkii hore soo gaaray Bosaso ayaa noqonaya Musharixii ugu horeeyay oo si wayn loogu soo dhoweeyay Bosaso.

IMG_1059 IMG_1061 IMG_1063 IMG_1071 IMG_1079 IMG_1081 IMG_1098 IMG_1104 IMG_1113 IMG_1118 IMG_1119 IMG_1137 IMG_1160_1 IMG_1166_1 IMG_1172_1 IMG_1173 IMG_1180_1 IMG_1193

_________________

RBC Radio
Boosaaso

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

Viewing all 20362 articles
Browse latest View live