Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all 20331 articles
Browse latest View live

Somalia reinstates full diplomatic relations with Nigeria

$
0
0

PRESS RELEASE

30 November 2013

1His Excellency President Hassan Sheikh Mohamud today welcomed His Excellency Akin Oyateru, the Nigerian Ambassador to Somalia, to Villa Somalia.

Accompanied by Her Excellency Fawzia Yusuf Adam, Deputy Prime Minister and Foreign Minister, His Excellency Minister A. F. Okoh from Nigeria, and senior Nigerian AMISOM police commanders, the Ambassador pledged his country’s commitment to supporting ongoing efforts to stabilize Somalia.

Nigeria will provide security, military and intelligence support to Somalia, in particular combating the terrorist group Al Shabaab, which has links to the Boko Haram group in Nigeria. Nigeria has been participating in efforts to bring peace to Somalia since 1991 and provided peacekeepers to the UNISOM mission. It currently contributes a Formed Police Unit of Nigerian police officers to AMISOM in Mogadishu and this may be extended to Kismayo in the future.

The President said: “Somalia is a country with a prolonged period of conflict that has devastated the institutions we are now rebuilding. Nigeria is a highly valued partner and friend of long standing. We are deeply grateful for Nigeria’s support to AMISOM and the broader efforts to bring peace to our country.”

The Ambassador presented the President with a letter from His Excellency President Jonathan Goodluck of Nigeria to make an official state visit to Nigeria in early 2014.

ENDS

Malik Abdalla

Director of Communications

Office of the President

Federal Republic of Somalia

mabdalla@presidency.gov.so

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


SOMALIA: UN Special Representative for Somalia appeals for calm in Sool

$
0
0

FOR IMMEDIATE RELEASE

Nicholas Kay

Nicholas Kay

Mogadishu, 30 November 2013 – The Special Representative of the Secretary-General for Somalia, Nicholas Kay, has expressed his deep concern at the recent outbreak of violence in the northern region of Sool.

“Violence cannot and will not resolve political issues. All those with a stake in the area must show calm and pursue reconciliation,” said SRSG Kay.

SRSG Kay deplored the loss of life and offered his condolences to the families of those killed in recent clashes.

“Political differences and competing claims should be solved by dialogue. Peace and stability are also critical to the Puntland election process”, he added.

SRSG Kay and UNSOM colleagues are in touch with regional leaders to urge restraint and offer support for dialogue and reconciliation.

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

Kulankii maantay Baarlamaanka Soomaaliya ay yeeshen oo ka badalnaa shirarkoodi hore [Sawirro]

$
0
0

Muqdisho[RBC Radio]Akhristayaashena sharafta leh,waxay shabakada wararka ee Raxanreeb idin soo gudbinaysa sawiradii kulankii maantay ay yeeshen Baarlamaanka ee la doonayey in looga hadlo mooshin laga keenay R/wasaare Saacid balse dib loo dhigay.

Sawiradda laga soo qaaday xaruta golaha shacabka ee uu shirka ka socdey ayaa waxaa ay muujinayeen jawi ka badalan kulamadii hore ee ay yeelan jireen Baarlamaanka,waxana la arkayey xasaanad saaran wajiyada xildhibaadana qaar,waxaana soo xaadiray 248 Mudane..

Haddaba hoos ka dheeho sawirada

1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

14

16

17

18

21

22

23

24

____
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

Ergaygga Gaarka ah ee Xog-hayaha- Guud ee Qarammadda Middobay oo ugu baaqay dadka ku nool Gobolka Sool in ay Nabadda I laaliyaan.

$
0
0
Nicholas Kay

Nicholas Kay

Muqdisho, 30 Nofember 2013 – Ergaygga Gaarka ah ee Xog-hayaha- Guud ee Qarammadda Middobay u Qaabilsan Soomaaliya, Nikolas Kay ayaa sheegay in uu walwal xoogleh ka qabo dagaalka ka qarxay dhowan Gobolka Waqoori Bari ee Sool.

“Dagaal weligiis laguma xalinin Arrimo Siyaasadeed mana lagu xalin doono. Dhamaan dadka meesha jooga oo ay arrinta khusayso, waa in ay hadda muujiyaan daganaasho, raadiyaana dib-uheshiisiin”, ayuu yiri Ergaygga Gaarka ah ee Kay.

Ergaygga Gaarka ah waxa uu aad ooga xumaaday dadka ku dhintay dagaalka, wuxuuna tacsi udiray eheladii dadkii dhowaan lagu dilay meeshaas.

“Arragtida Siyaasadeed ee lagu kala gedisanyahay iyo Arrimaha la kala Sheeganaayo, waa in lagu xaliyaa wada hadal. Nabadgeliyadda iyo Xasiloonidana waxay muhiim u yihiin habka doorashada Buntland,” ayuu ku yiri Ergaygga.

Mudane Kay iyo Jaalayaasha ka tirsan UNSOM ayaa la wadda xariiray Madaxdda ka jirta Gobolka waxayna ku guubaabiyeen in ay is-xakameeyaan, waxayna oogu baaqeen in ay gacan ka gaysanayaan Wadda-haddalka iyo dib-uheshiisiinta.

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

Musharax Cali Xaaji: Xil baa saaran ninka Imaanaya Puntland.

$
0
0

 

Garoowe (RBC RADIO) Musharax Cali Xaaji Warsame oo Soo dhawayntiisii Garoowe loogu sameeyey kadib Saxaafada kula hadlayay Hoyga uu ka dagan yahay Magaalada oo dad kala duwan ay kula sugnaayeen wuxuu sheegay ninka Puntland imaanaya in uu saaran yahay xil weyn loogana fadhiyo in uu wax qabad ka dheereeya ragii ka horeeyey uu la yimaado isagoo muujinaya in Xogaanka Puntland waji cusub la wareegi doono sida laga dha-dhansan karay hadalka Musharaxa.

 

“Ninka Puntland imaanaya Xilbaa saaran waana in uu dhanka waxtarka uga dheereeyaa ragii ka horeeyey taana waa astaanta lagu garan karo hogaanka cusub, aniga Cali xaaji ah waxaan cadeynayaa hadii Faoole ku guuleysto inaan la shaqeeyo hadii mid kale ku guuleyto in aan la shaqeeyo hadii aan anniga guusha hantiyona waxaan dalbanayaa in leyla shaqeeyo sidaa ayaa xalku ku jiraa waana in aan sidaa u hogaan sannaa ayuu yiri Mudane Cali.

 IMG_8676

Hadaladiisa waxaa ka mid ahaa in Dhalinyaro Puntland ay hogaamindoonto horayna Madaxweynaha Puntland Dr Faroole uga dhawaajiyay in Qof 70tan ka weyn uusan Puntland maamuli doonin Taasi ayaana dhaqan gali doonta dhalinyarada wadada halooga leexdo ayuu yiri Musharax cali Xaaji.

IMG_8669

Nabadoono iyo wax garad gurigiisa ku Booqday Musharaxa ayaa sheegay in Amniga Caasimadu uu yahay Mid Sugan ayna soo dhaweynayaan Musharaxi ugu horeeyey in uu soo gaaro lana soo dhaweeyo iyadoo ay jireen Musharaxiin horay caasimada u joogay iskana Sharxay,Nabadoonadu waxay Cali Xaaji ku tilmaameen nin Rugcadaa ah mudanna guuxiisa ay Saxaafada ka maqlayeen hadase ay kusoo dhaweynayaan Caasimada Puntland.

RBC RADIO

Xafiiska Wararka Garoowe.

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

Musharax Jen. Cabdullaahi Siciid Samatar oo maanta soo gaaray magaaladda Boosaaso Kana hadlay arrimo badan oo ku saabsan Puntland(Sawirro)

$
0
0

DSC02101Boosaaso(RBC Radio) Musharaxa u taagan Jagada Madaxtinimada dowladda Puntland Jen.Cabdullaahi Siciid Samatar ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyey magaaladda Boosaaso.

Boqolaal dadweyne oo isugu jira siyaasiyiin,haween,dhalinyaro ,Issimo iyo waxgarad ayaa kaga hortagay garoonka diyaaradaha ee magaaladda Boosaaso halkaas oo u Musharax Jen Cabdullaahi Siciid kasoo dagayey.

Musharax Jen Cabdullaahi Siciid Samatar oo shir Jaraa’id ku qabtay hoygiisa Boosaaso ayaa sheegay in Puntland mareyso marxalad adag isla markaana loo baahanyahay in la iska kaashado.

Wuxuu sidoo kale wax laga xumaado ku tilmaamay in doorashada oo muddo yar ka harsantahay uu maamulka Puntland dagaal ku qaado degmada Taleex ee gobolka Sool taasina ay tahay mid sumcad xumo u keentay Puntland.

DSC02075Jen. Cabdullaahi Siciid Samatar oo ka hadlay fikad ahaan wuxuu ka aaminsanyahay dhismaha Maamulka Khaatumo,wuxuuna sheegay in maamulkaasi uu yahay mid aysan wax dhibaato uga muuqan ayna yihiin dad u madax bannaan masiirkooda.

Musharax Jen. Cabdullaahi Siciid Samatar ayaa ka dhawaajiyey ineysan diyaar u ahayn Xukuumadda hadda jirta doorasho ka dhacda Puntland,isagoona sii daba dhigay hadalkiisa inaan doorashoba lagu aamini karin iney qabato.

DSC02093Jeneraalka oo shirkiisa Jaraa’id uga hadlay arrimo badan oo ku saabsan Puntland ayaa sheegay in Isbadelka ay doonayaan uu yahay mid ku dhisan rabitaanka Shacabka Puntland,sidoo kalena wuxuu intaas ku daray in shacabku ka aaminsanyihiin in uu yahay shakhsi jecel in mar kasta uu dagaal dhaco.

Xiriirka dowladda federaalka iyo Puntland ayuu sheegay in uu wax badan ka qaban doono marba hadii uu ku guuleysto Xilka Madaxtinimo ee Puntland ,isagoona xusay in Shacabka Puntland ay dani ugu jirto in dib loo soo celiyo kaamadii iyo sharaftii ay Soomaaliya lahayd.

Musharax Jen Cabdullaahi Siciid ayaa sheegay inuusan  kalsooni ku qabin Xildhibaanada kasoo galaya Baarlamaanka Puntland ee kasoo Jeeda gobolka Sool xili dadka deegaankaas sheeganayaan iney yihiin Maamul ka madax banaan Puntland oo la yiraahdo Khaatumo State.

DSC02065 DSC02066 DSC02067 DSC02068 DSC02070 DSC02071 DSC02072 DSC02074 DSC02076 DSC02079 DSC02080 DSC02081 DSC02083 DSC02085 DSC02088 DSC02099 DSC02100 DSC02102 DSC02103 DSC02104 DSC02105 DSC02106 DSC02108 DSC02109 DSC02111 DSC02112 DSC02114 DSC02116 DSC02118

____________________

Cismaan Turaabi
RBC Radio
turrabi30@gmail.com

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

Musharax Shire Xaaji Faarax oo kulan la qaatay qeybaha bulshada ee Magaaladda Boosaaso(Sawirro)

$
0
0

DSC01762Boosaaso(RBC Radio) Musharax Shire Xaaji Faarax oo maalmo ka hor soo gaaray magaaladda Boosaaso ayaa maanta kulan qado ah la qaatay qaar kamid ah qeybaha kala duwan ee bulshadda Boosaaso.

Kulanka oo ay kasoo qeybgaleen Aqoonyahan,Issomo,ganacsato,haween iyo marti sharaf kale ayaa lagu qabtay Hotel Jubba ee magaaladda Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Musharax Shire Xaaji Faarax oo khudbad ka jeediyey kulanka ayaa kaga hadlay qorshihiisa Waxqabad marba haddii uu ku guuleysto Doorashada Madaxtinimo ee Puntland.

DSC01785Dr Shire Xaaji Warsame ayaa sheegay in wax badan  ka qaban doono dhanka arrimaha bulshada sida Caafimaadka,Waxbarasha iyo wixii lamid ah si gaar ah wuxuu u sheegay in waxbarshada uu ka dhigi doono mid lacag la’aan ah .

Sidoo kale,wuxuu ballanqaaday in uu wax ka qaban doono dhanka kaabayaasha dhaqaalaha ee Puntland isagoona sheegay in uu sameyn doono haddii xilkaas uu ku guuleysto Canshuur dhimis ballaaran.

Dhanka Ciidamada Puntland iyo ilaalinta ammaanka ayuu sheegay in uu wax badan ka qaban doono ,isagoona intaas ku daray in Jiritaanka iyo amniga Puntland uu yahay mid muqadas ah .

Gabagabadii qaar kamid ah Waxgaradkii kulanka kasoo qeybgalay ayaa usoo Jeediyey Musgarax Shire Xaaji Warsame in uu wax ka qabato horumarka isla markaana usoo Jeediyey tallooyin wax ku ool ah.

Si kastaba Musharax Dr Shire Xaaji Faarax ayaa noqonaya Musharxii labaad oo la kulama qeybaha kala duwan ee bulshada Boosaaso,waxayna si qoto dheer uga wada hadleen sidii lagu horumarin lahaa Puntland.

DSC01760 DSC01765 DSC01767 DSC01768 DSC01770 DSC01771 DSC01772 DSC01776 DSC01777 DSC01780 DSC01783 DSC01793 DSC01794 DSC01795 DSC01803 DSC01805 DSC01807 DSC01812 DSC01818 DSC01822 DSC01824 DSC01825 DSC01828 DSC01829

____________________

Cismaan Turaabi
RBC Radio
turrabi30@gmail.com

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

Shir looga hadlayay waxyaabihii ka qabsoomay dib u dhiska gobolka Banaadir oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho

$
0
0

tarsankaaaMuqdisho(RBC Radio) Kulan balaaran oo uu soo qabanqaabiyay maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, kulanka ayaa looga hadlayay waxa ka qabsoomay mashruuca dib u dhiska degmooyinka gobolka Banaadir ee (Dan-guud).

Gudoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in kulanka maanta lagu qabanayo magaalada Muqdisho ay ka kow tahay horumarka ay ku talaabsatay magaalada Muqdisho, wuxuuna ka dhawaajiyay in kulankan markii hore lagu qaban jiray dalka dibadiisa.

Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa tilmaamay inay muhiimadda kulanka ahayd sidii ay gugoomiyayaasha  degmooyinka gobolka Banaadir uga wada arinsan lahaayeen waxyaahaba ka qabsoomay dib u dhiska degmooyinka gobolka Banaadir.

Mashruuca Dan-guud ayaa waxaa maalgelinayo Hay’adda hormarinta caalamiga ah ee dalka Maraykanka ee USAID, waxaana mashruucaas loo qaybiyay degmooyinka gobolka Banaadir si wax looga bedelo belecda magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa socon doona muddo sadex maalmood ah, waxaa lagu eegi doonaa waxyaabaha u qabsoomay maamulka gobolka Banaadir mudadii uu socday mashruunaas.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Somalia: Was Ali Haji Warsame member of Al Itihad?

$
0
0

Musharax_Cali_Xaaji_Qardho (2)Ali Haji Warsame, a businessman associated with Golis Telecom and one of Puntland presidential candidates is coming under fire for failing to address his alleged past membership of now-defunct Al Itihaad organisation , which ruled North eastern regions of Somalia between 1991 and 1992, and fought Somali Salvation Democratic Front to keep its grip on Bosaso port. Mr Warsame is alleged to have been in charge of the group’s finances generated from Bosaso port.

Ali’s brother, Ismail Haji Warsame, onetime chief of staff for the late Somali president Abdullahi Yusuf Ahmed when the latter was Puntland president , recently wrote an article critical of president Farole and Professor Abdiweli Ali, also a Puntland presidential candidate to boost his brother’s chance of winning Puntland presidency.

It was a fair game to call president Yusuf’s erstwhile political enemies ‘ rejuvenated Al Itihaad members.’ Ali Haji is now fortunate to void that designation but his silence on allegations that he was a member of Al Itihaad is damaging his candidacy. He should either own up to his past or lay rumours to rest.

Raxanreeb

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

Dowladda Burundi oo hoggaamin doonta howlgalka AMISOM ee Soomaaliya

$
0
0
AMISOM oo taliye cusub yeelatay

AMISOM oo taliye cusub yeelatay

Muqdisho[RBC Radio]Ciidamada dalka Burundi oo iyagu qeyb ka ah howlgalka nabad ilaalinta ee ka socda Soomaaliya ee AMISOM,ayaa xilligaan waxaa looso magacaabay taliye cusub oo hoggaamin doonna howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Jen. Silas Ntigurirwa oo horrey usoo noqdey xog-hayaha joogtada ah ee wasaaradda gaashaandhigga dalka Burundi,ayaa xilligaan noqonaya taliyaha cusub ee howlgalka Midowga Afrika AMISOM ee Soomaaliya,waxana sargaalkan oo 45-jir ah la sheegay inuu dhawaan xilka kala wareegi doonno taliyihii hore.

Taliyahaan cusub ayaa magaalada caasumada ah ee Muqdisho gaaray Jimcadii anu soo dhafney,waxana uu saxaafadda usheegay xilligii uu Muqdisho ka dagay inuu daremayo isbadal badan uuna rajeenayo inuu ka soo baxo waajibadka uu ku sheegay inuu yahay mid culus.

…”"”"Runtii darenkeyga waa mid sareeya waxaan ii muqata wanagbadan oo ay naftaydu xilligaan daremayso waayo Soomaaliya ayaan jooga wana faraxsanahay inbadan,waxan doonayo inan noqdo mid isbadal la yimaado maadama xilligaan ay wali jiraan dadaalo lugu baadi goobayo nabadda Soomaaliya,waxana ku raja weynahay inan si hufan howsha uqabto oo an uga soo baxo,arrinta kale ee an sida xoogan udaremayo waxaa ay tahay  in ciidamada AMISOM ay diyaar u yihiin in ay howsha sii wadaan si dalkan xasillooni iyo nabad loogu soo celiyo….”"”"ayuu yiri taliyaha cusub markii uu Muqdisho soo gaaray.

Ciidamo ka tirsan AMISOM

Ciidamo ka tirsan AMISOM

Jen. Silas,waxaa sidoo kale uu soo hadal qaaday in lama horan ay tahay in laga shaqeeyo sida ugu dhaqsiyaha badan in la helo ciidamada xoogan oo ay Soomaaliya yeellato,waxana uu inta ku daray isagoo sii hadlaya in xilligaan qorshuhu yahay in la helo ciidamo Soomaaliyed oo awood uleh inay ka shaqeeyan sugida amniga.

Ugu danbeyntii  waxaa uu soo hadal qaaday Jen. Silas Ntigurirwa baaq uu udiray shacabka Soomaaliyed isagoonna u sheegay inay marka hore ogaadaan in dalkan uu dalkoodii yahay,waxana uu sidoo kale uu ku booriyey bulshada Soomaaliyed ee dalkoodu uu ku jiro xasilooni darro mudoo 22-sanno waxana uu u caddeyey in looga fadhiyo in si wadajir ah ay uga shaqeeyaan sidii dalkooda uu uga soo kaban lahaa colaadihii uu soo maray.

Isku soo wadda dubo ciidamada AMISOM ee Soomaaliya jooga ayaa iygu xilligaan u xilsaaran sugida amniga iyo dibu soo celinta xasiloonidii uu dalka lahaa,waxana jirta in wali xasiloonida dalka ay waxbadan ka dhiman tahay.
________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

Sargaal ka mid ahaa sir-doonka Al Shabaab oo maantay isku soo dhiibay Ciidanka dowladda

$
0
0

raxanreeb_degdeg342Baydhabo[RBC Radio]Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay,ayaa soo sheegay in maantay ciidamada dowladda ee halkaasi ku sugan uu isku soo dhibay sargal sare oo la sheegay inuu ka mid ahaa saraakisha dhanka sir-doonka u qaabilsan ururka Al Shabaab ee la dagaallama dowladda faderaalka.

Sargaalka ciidamada gacantooda soo galay waxaa la sheegay inuu walaal layahay Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu-Mansuur),oo ka mid ah saraakisha ugu sareysa Ururka Al Shabaab,waxana lugu magacaaba sida saraakil lahadashey Raxanreeb ay sheegen  Aadan Haar Geel,waxana la sheegay in uu ka tirsanan jiray ciidamada amniga ee dowladda KMG ahayd ee uu hoggaaminayo Allaha u raxmade madaxweyne C/laahi Yuusuf.

Waxaa la sheegay sargaalkan xilligii uu Baydhabo soo gaaray inuu ka yimid dhinaca Degmada Diinsoor ee gobolka Bay oo uu in muddo ah ku sugnaa,wxaana isi soo dhibashadiisa soo dhaweyey saraakil sar sare oo ciidamada ka tirsan,waxana xubnihii sargaalkan soo goostay ka hortagey oo soo dhaweeyey ka mid ahaa taliye ku xigeenka saldhiga booliiska Baydhabo.

Xilligaan waxaa uu sargaalkan ka yimdi dhinaca Al Shabaab uu kusygan yahay xarunta taliska qaybta booliiska ee gobalka Baay,waxana la sheegaya in wali ay socdaan wareysiyo lala yeelanayo sargaalkan,sidoo kale su’aallo dhor ah ayaa la sheegay inay ninkaan weydinayaan saraakiisha nabad-sugidda magaalada Baydhabo.

Ma jirto wali wax war ah oo ka soo baxay Ururka Islaamiga ah ee Al Shabaab,war kaaso ku aadan sargaalkan la sheegay inuu ka tirsan yahay sir-doonkooda.
_______
RBC Radio
Xafiiska Baydhabo

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

Caawi maad deg deg ah oo loo dalbay dadkii ka samato-baxay duufaantii ku dhufatay Puntland

$
0
0
Save the Children oo ka mid ah hay'addaha soo saray warkaan

Save the Children oo ka mid ah hay’addaha soo saray warkaan

Nairobi[RBC Radio]War qoraal ah oo ay soo saaren tiro ka mid ah hay’adda caalamka u qaabilsan arrimaha gar-gaar ayaa sid cadd waxaa loogu sheegay in wali xal an loo heli dadkii ka samato-baxay duufaantii ku dhufatay dhulbadan oo ku yaalla Puntland,waxana hay’addahaasi qoraalkooda ay ku dalbadeen in si dhaqso ah wax loola soo gaaro dad kor u dhaafaya  100,000-ruux oo la sheegay xaaladdoda inay liidato.

Warkaan waxaa uu ka soo baxay hay’addo tiradoodu ay kor u dhaafayso illaa 12-hay’addoda oo ah kuwa arrimaha bini’aadanimada ka shaqeeya oo ay qeyb ka ahaayeen OXFAM, CARE, Save the Children, Refugees International iyo World Vision,waxana ay sheegen indha indheen ay ku sameeyen lonalasha qooysas gaaraya illaa 100,000,inay tahay xaaladda ay ku sugan yihiin mid ubaahan in wax laga qabto.

War-saxaafadeedka ka soo baxay hay’addahan sidoo kale waxaa lusoo soo hadal qaaday in dadka intooda badan ay ka ceyrooben xoolihii ay dhaqan-jireen oo ku baa ba’ay roobabkii iyo duufanadi iswatay.

Sidoo kale qoraalka waxaa lugu xusey qeymeen ay sameeyen hay’addaha Qaramada Midoobay,tasao ku aadan tirada dadkii ku dhaf-waayey duufanta,waxana ay sheegen in dadka dhintay ay gaarayan illaa 80-ruux,balse mid ka duwan dhimashada ay sheegen Qaramada Midoobay waxaa goor hore soo saaray dowladda Puntland ee Soomaaliyeed,waxana ay sheegen in dadka dhintay ay  kor udhaafayan illa 300 oo ruux.

Roobabakii da'ay waxaa ay ahaayeen kuwo biya badan dhigay

Roobabakii da’ay waxaa ay ahaayeen kuwo biya badan dhigay

Waxaa ay soo hadal qaaden hay’addihii warbixitaan soo saray inay haysato dadkii ka samatabaxay roobabkii da’ay,cuna yari biyo la’aan,taaso ay u dheertay inaysan jirin hoy ay ku hoydaan.

Dhinaca kale waxaa ay arrintan imaanaysa xilli hay’adaha gargaarka, Qaramada Midoobay iyo dowladda Puntland ay raashin iyo cunto gaarsiiyay dadka ay waxyeelladu gaartay, balse hay’adaha sida wada-jirka ah baaqa u soo saaray ayaa sheegay in dad gaaraya 100,000 oo qof ay si deg-deg ah ugu baahan yihiin in lala soo gaaro cunto, raashin iyo hooy.

Waxaa sid xoogan wali usoconaya dadaalada lugu doonayo in dibu dajin loogu sameeyey boqollal qoys oo iyagu ubaahan inay helan dibu dajin,waxana dadaal dheer sameyey xiligaan dowladda Puntland iyo shacabkeeda si ay u samatabaxaan qeyb ka mid ah bulshadooda oo dhibaataysan.
______
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

R/wasaaraha Soomaaliya Saacid oo ku baaqay in la joojiyo xaaladda ka taagan degmada Taleex iyo deegaannada hoostaga

$
0
0
R Wasaare Saacid oo ka hadlay xaaladda Taleex

R Wasaare Saacid oo ka hadlay xaaladda Taleex

Muqdisho[RBC Radio]War ka soo baxay xafiiska R/wasaaraha Soomaaliya ayaa markii ugu horreysey waxaa looga hadlay dagaallo iyo xiisado colaaded oo ka jira deegaanno ka tirsan gobolka Sool,gaar ahaana kuwa hoos taga degmada Taleex.

Qoraalka ka soo baxay R/wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shidoon (Saacid),ayaa marka hore waxaa  tacsi looga diray  dadkii dagaalkii maalmo ka hgor dhacay ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay.

…”"”Waxaan u tacsiyaynayaa dhamaan qoysaskii khasaaruhu ka soo gaaray dagaalkii dhawaan ka dhacay Taleex: Intii dhimatay Alle ha u naxariisto, kuwa dhaawacaana ha u booga dhayo,” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu oo ku baaqay in miyir, daganaansho, iyo walaaltinimo lagu xaliyo xaaladda taagan iminka…”"”ayaa lugu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska ra’iisal wasaare Saacid.

Sidoo kale warka ka soo baxay xafiiska Cabdi Faarax Shirdoon,waxaa lugu soo qaaday inay muhiim tahay in laga waantoobo in xalka lagu raadiyo dagaal.

Ugu danbeentina waxaa lugu yiri qoraalkaXukuumadda Federaaliga Soomaaliya waxay markale ku baaqaysaa in si walaaltinimo ku jirto loo xaliyo xaaladda ka taagan deegaanka Taleex. Waxayna dhanka kale ka digaysaa dhibaatada uu shacbiga iyo deegaanka u gaysan karo dagaal ka sii socda gobolka Sool.
______
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

Xog: Nuuradiin Aaden Diiriye oo loo wado Xilka R/W Soomaaliya

$
0
0

NuuradiinMoagdishu (RBC Radio) Sida Raxanreeb ay ka soo xiganayso saraakiil ka ag dhaw xukuumadda oo codsaday magacooda inaynaan xigan sababo siyaasadeed awgeed waxaa ay sheegayaan in madaxweynaha dawladda Federaalka ee Soomaaliya Md. Xasan Sh Maxamuud oo damacsan yahay in xilka raysalwasaarenimo uu u magacaabi doono Nuuradiin Aaden Diiriye oo ay madaxweynaha isku xulufo  siyaasadeed noqdeen bilihii lasoo dhaafay.

Wararka ayaa tilmaamaya in Nuuradiin oo doorashadii la soo dhaafay isku soo taagay xilka madaxtinimo ee Puntland xiriir fiicanna la leh Villa Soomaaliya ayaa lala doonayo in uu u badalo Dr. Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).

Saraakiil xukuumaddaa oo wasiirro ay ku jiraan ayaa Raxanreeb u sheegay in qorshaha markiisii hore uu ahaa in lakala doorto wasiirka Maaliyada Dowlada Fedraalka Mudane Maxamuud Xasan Suleymaan Cawil iyo Nuuradiin Aaden Diiriye balse hada waxaa xoogeystay in Nuuradiin loo magacaabo xilkaas caqabadaha jira dartood.

“Mida ugu weyn ee magacaabidda Nuuradiin Aaden Diiriye ayaa ah iyadoo xiriir wanaagsan ee dhanka diblu-maasiyaddaa uu la leeyahay hay’adaha iyo beesha caalamka, sidoo kalana uu ka soo jeedo deegaanada Puntland siyaasad ahaana uusan ku tiirsaneyn Madaxweyne Faroole” ayuu yiri Masuulkaan oo Raxanreeb u waramay.

” Sidaas daraadeed waxaan idiin cadeyn karaa gudiga hawshaan faraha kula jira waxaa hada  miiska u saaran xilkaan marka laga qaado R/W Saacid in loo magacaabo xilkaas wasiirka 1aad ee xukuumadda DF ee Soomaaliya,  in uu isbadal yimaado Ilaah Baa Og” ayuu yiri.

Nuuradiin ayaa ah nin aad u firfircoon hada waxa uu lataliye buuxa u yahay wakiilka qaramada midoobey ee Soomaaliya Nicholas Kay waxa uu qeyb weyn kasoo qaatay sidii la isugu soo dhaweyn lahaa Dowlada Fedraalka iyo Maamulka Jubbaland isaga oo kalin weyn ku lahaa heshiiskii la dhex dhigay Dowlada iyo Hogaanka Jubba.

Hadii xilka laga qaado Raiisul Wasaare Saacid ayaa noqon doona R/Wasaarihii ugu horeeyey oo xilka looga qaado daacanimo uu u yahay Madaxweynaha Soomaaliya.

RBC Mogadishu

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ugu magac-daray Marxuum Axmed Qeybe.

$
0
0

kulan tacsi (6)
Mogadishu, 30,November 2013 –Kulan baroor-diiq ah oo ay ka qeyb galeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Gudooomiyaha Baarlmanaka Soomaaliya Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari, Wasiirka Arrimha Gudaha iyo Amniga Qaran C/Kariim Xuseen Guuleed, Xildhibaano, Diplomacy-yiin iyo masuuliyiin kale oo lagu xusayey Marxuum Danjire Axmed Maxamed Aadan Qeybe ayaa caawa lagu qabtay Xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya.

Dhammmaan masuuliyiintii ka qeyb gashay kulanka oo qaarkood hadalo jeediyey ayaa ku dheeraaday Taariikhdii Alaah Naxariistee Marxuum Axmed Maxamed Aadan Qeybe oo ahaa wasiirkii Arrimaha Dibadda Dowladdii hore ee Somaaliya iyagoo tacsi u diray ehelada Marxuumka, islamarkaana tilmaamay in Marxuumku ahaa qof aad u jecel midnimada Umadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Allaah uga baryey in Axmed Qeybe Jannadii fardoowsa ka waraabiyo, wuxuuna tilmaamay in Axmed uu ahaa nin Qaran, waxweyna u soo qabtay umadda Soomaaliyeed xili baahiyo waaweyn loo qabay.

“ Waxa uu ahaa nin ku dayasho mudan, meel walba ayuu raad kulahaaa intii nolashiisa jirtayna wuxuu u qidmeynayey Umadda Soomaaliyeed. Allaah Naxariistii Janno hasiiyo, Samir Allaah haka siiyo ehelada iyo dhammaan Umadda Soomaaliyeed”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa yiri “Waa inaan wax ka baranaa wixii Axmed dalka u soo qabtay,taariikhdii uu ka tegay. Magaciisa iyo waxqabadkiisa ayaana jiri doonaa”

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa yiri “ Dowladda Soomaaliya ee Federaalka ah waxa ay sigaar ah isaga xil-saari doontaa inta nool muwaadiniinta oo ah aabayaashii hore ee dalkaan, Inta dhimantayna taariiikhdooda ayaa la raadin doonaa, Inta soo socotana micno ayey u yeelaneysaa, Dowladda Guddi qaas ah ayey u magacaabi doontaa arrimahaan”

“ Caawa waxaan u joognaa xuska Marxuum Axmed qeybe, xusuustiisa si aanu jirsiino mar-walba waxaan caawa halkaan ka soo jeedinayaa maadaama Marxuum Axmed Nolashiisa inta badan ku qaatay Diplomacy in xarunta Wasaarada Arrimaha Dibadda Soomaaliya loogu magac daray Qeybe, wixii berri ka biloowda magaceeda laga dhigay Qeybe, si dhalinyaradda dambe ee Soomaaliyeed isku weeydiyaan Qeybe yuu ahaa ka dibna Taariikhdiisa iyo waxqabkiisa u helaan, waa dhaqan cusub oo bilow ah” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inta la ogyahay in Marxuum Axmed uusan ka tegin wax hanti ah hayeeshee taa baddelkeedu uu ka tegey wax hanti ka qaalisan kana qiimi badan, wax badana u soo qabtay xili Umadda Soomaaliyeed u baahi qabtay qof nuuciisa oo kala ah.
kulan tacsi (1) kulan tacsi (2) kulan tacsi (3) kulan tacsi (4) kulan tacsi (5) kulan tacsi (6) kulan tacsi (7) kulan tacsi (8) kulan tacsi (9) kulan tacsi (10) kulan tacsi (11)

Communication Office

Office of the Somali President

Mogadishu, Somalia

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


AKHRISO: Magacyadda Xildhibaanadii saxiixay mooshinka laga keenay R/wasaare Saacid

$
0
0
Raxabreeb oo heshey magacyada xildhibaanada mooshinka saxiixay

Raxabreeb oo heshey magacyada xildhibaanada mooshinka saxiixay

Muqdisho[RBC Radio]Xilli ay taagan tahay ka doodista mooshinka ka dhanka ah xukuumada uu hoggaamiyo R/wasaare Saacid,ayaa waxaa usuura gashey Raxanreeb.com inay hesho xubnaha xildhibaanada ah ee xilligaan saxiixay moshinka laga keenay xukuumada Saacid,waxana maantay lugu wadda inay Xildhibaanadu gudda galaan dooda ku aadan kalsooni u qaadista xukuumada Soomaaliya.

Halkaan hoose ka akhriso magacyada Xildhibaanada saxiixay mooshinka ka dhanka ah R/wasaare Saacid:
1) Xildhibaan Khaalid Cumar Cali

2) Xildhibaan Maxamed Ibraahim Maxamed

3) Xildhibaan Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen

4) Xildhibaan Maxamed Isaaq Cismaan

5) Xildhibaan Maxamed Nuraani Bakar

6) Xildhibaan Ibraahim Isaaq

7) Xildhibaan Samaan Maxamed Cali

8) Xildhibaan Khaliif Sheekh C/llaahi

9) Xildhibaan Siid Cali C/qaadir Macallin
10) Xildhibaan Saalim Caliyoow Ibroow

11) Xildhibaan Muumino Sheekh Cumar

12) Xildhibaan Maxamed Mursal Booroow

13) Xildhibaan Maxamed Xasan Isaaq

14) Xildhibaan Maxamed Rashiid Maxamed

15) Xildhibaan Shariif Maxamed Cosoble

16) Xildhibaan Isaaq Maxamed Maxamuud

17) Xildhibaan Muno Ibraahim Abiikar

18) Xildhibaan Igowe Deeroow Isaaq

19) Xildhibaan Cismaan Muxudiin Maxamed

20) Xildhibaan Isaaq Maxamed Cali

21) Xildhibaan Maxamed Xasan ibraahim (Qoone)

22) Xildhibaan Nuur Iidow Beyle

23) Xildhibaan Cabdi Axmed Dhuxulow

24) Xildhibaan Cali Nuur Xuseen (Boodaaye)

25) Xildhibaan Avv. Daahir Xaaji Cabdi

26) Xildhibaan C/qaadir Sheekh Hanafi

27) Xildhibaan Shuuriye Muumin Afrax

28) Xildhibaan C/qaadir Maxamed Aadan

29) Xildhibaan Nadiifa Maxamed Cismaan

30) Xildhibaan C/raxmaan Kulmiye Xirsi

31) Xildhibaan Cumar Maxamuud Maxamed

32) Xildhibaan Cismaan Maxamed Cabdi

33) Xildhibaan Naciima Maxamed Garaad

34) Xildhibaan Cali Yuusuf Cismaan

35) Xildhibaan Cismaan Xaaji Cali Nuur

36) Xildhibaan Khaliif Maxamed Xaaji

37) Xildhibaan Maxamed Amiin Xasan Abdulaahi

38) Xildhibaan Maxamed M. Guure

39) Xildhibaan C/raxmaan Cabdi Abiikar

40) Xildhibaan Yuusuf Geelle Ugaas

41) Xildhibaan Xuseen Maxamed Muuse (Bantuu)

42) Xildhibaan Cismaan Maxamed C/llaahi

43) Xildhibaan Caadil Sheegow Sagaar

44) Xildhibaan Ibraahim Saalax Dey-fullaah

45) Xildhibaan C/llaahi Axmed Xuseen

46) Xildhibaan C/llaahi Maxamed Caddow

47) Xildhibaan Isaaq Maxamed ismaaciil

48) Xildhibaan C/raxmaan Cabdi Cismaan

49) Xildhibaan Qaasim Maxamed Jaamac

50) Xildhibaan Maxamed Axmed Keynaan

51) Xildhibaan Xasan Ibraahim Maxamed

52) Xildhibaan C/llaahi Colaad Rooble

53) Xildhibaan Mustaf Dhuxulow

54) Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi

55) Xildhibaan Maxamed Maxamuud

56) Xildhibaan Burci Maxamed Xamza

57) Xildhibaan Ciise Maxamed Axmed

58) Xildhibaan Maxamed C/llaahi Xasan

59) Xildhibaan Axmed Ismaaciil Maxamed

60) Xildhibaan Yacquub Cali Maxamed

61) Xildhibaan Macalin Cali Aadan

62) Xildhibaan Maxamed Cabdi Cali

63) Xildhibaan Ibraahim A. Seegow

64) Xildhibaan Maxamed C/llaahi Xasan

65) Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre

66) Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad

67) Xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriye

68) Xildhibaan Ubax Tahliil Warsame

69) Xildhibaan Suuri Diiriye Carab

70) Xildhibaan Xabiiba Maxamed Kheyr

71) Xildhibaan Sheekh Aadan Sh. Maxamed Deer

72) Xildhibaan C/casiis Isaaq Mursal

73) Xildhibaan Xasan Macallin Xuseen

74) Xildhibaan C/weli Sheekh Ibraahim Muudeey

75) Xildhibaan Shariif Maxamed Xasan

76) Xildhibaan Maxamed Maxamuud Xeyd

77) Xildhibaan Asad Maxamed Mursal

78) Xildhibaan Maxamuud Maxamed Jimcaale

79) Xildhibaan C/naasir Maxamed Cali

80) Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud

81) Xildhibaan Yuusuf Xeyle Jimcaale

82) Xildhibaan C/qaadir Cabdi Xaashi

83) Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xidig

84) Xildhibaan Yaasiin Cabdi Seed

85) Xildhibaan Sadiiq Cabdi Nuur

86) Xildhibaan Axmed Cabdi Aadan

87) Xildhibaan C/llaahi Maxamed Xirsi

88) Xildhibaan Maxamed ismaaciil Shuuriye

89) Xildhibaan C/llaahi Yuusuf Xasan

90) Xildhibaan Maxamed Iidle Geeddi

91) Xildhibaan C/qaadir Aadan Nuur

92) Xildhibaan Maxamuud Xayir ibraahim

93) Xildhibaan C/llaahi Dayib

94) Xildhibaan C/fataax Nuur Mataan

95) Xildhibaan C/waxiid Cabdullaahi Jaamac

96) Xildhibaan Muuse Sheekh Cumar

97) Xildhibaan Bishaar Ugaas Ibraahim

98) Xildhibaan Dr. Axmed Aadan

99) Xildhibaan Ibraahim Suleymaan

100) Xildhibaan C/llaahi Cumar Abshir

101) Xildhibaan C/xakiin Cige Guuleed

102) Xildhibaan Axmed Aadan C/raxmaan

103) Xildhibaan Aamino Cumar Jaamac

104) Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jabriil

105) Xildhibaan Xamza Sheekh Xuseen

106) Xildhibaan Xuseen Warsame Samatar

107) Xildhibaan C/raxmaan Cismaan Xasan

108) Xildhibaan C/raxiin

109) Xildhibaan C/risaaq Cismaan Xasan

110) Xildhibaan Saciid C/llaahi Maxamed

111) Xildhibaan C/risaaq Daahir Maxamuud

112) Xildhibaan Cabdi C/llaahi Maxamed

113) Xildhibaan C/llaahi Bile Buur

114) Xildhibaan Axmed Ducaale

115) Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin

116) Xildhibaan Axmed Geeddi Jimcaale

117) Xildhibaan Xirsi Aadan Rooble

118) Xildhibaan C/weli Maxamed Qanyare

119) Xildhibaan Sacdiya Careys Ciise

120) Xildhibaan Cismaan Aadan

121) Xildhibaan Sahro J. Cali Qorsheel

122) Xildhibaan Maxamed Sheekh Aadan

123) Xildhibaan C/raxmaan Ibraahim Cai

124) Xildhibaan C/llaahi Jaamac Xuseen

125) Xildhibaan Cabdi Cali Xasan

126) Xildhibaan Maxamed Warsame Maxamuud

127) Xildhibaan Aweys C/llaahi

128) Xildhibaan Maxamed Cali Xagaa

129) Xildhibaan C/llaahi Qayaad Barre

130) Xildhibaan Saaqo Aadan Maxamed

131) Xildhibaan Cali Xasan Guuyow

132) Xildhibaan Xuseen Carab Ciise

133) Xildhibaan Xiis Xasan Aadan

134) Xildhibaan C/llaahi Xuseen Cali

135) Xildhibaan Cilmi Maxamuud Nuur

136) Xildhibaan Faysal Cumar Guuleed

137) C/qaadir Sheekh Cali Ibraahim

138) Xildhibaan Caasha koos Maxamuud Cumar

139) Xildhibaan Xasan Muxumed Cali

140) Xildhibaan Yuusuf Dirir Cabdi

141) Xildhibaan Duniya Maxamed Cali

142) Xildhibaan Mahad Maxamed Ducaale

143) Xildhibaan C/naasir Gaarane Maxamed

144) Xildhibaan Faadumo Odawaa Raage

145) Xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan

146) Xildhibaan Jamaad Xasan Ismaaciil

147) Xildhibaan Khadra Axmed Ibraahim

148) Xildhibaan Cabdalla Xaaji Cali Axmed

149) Xildhibaan Jaamac Axmed Maxmed

150) Xildhibaan Maxamuud Macallin Yaxye

151) Xildhibaan Sahra Cabdulqaadir

152) Xildhibaan Luul Cabdi Aadan

153) Xildhibaan Maxamuud Maxamed Boono

154) Xildhibaan Faadumo Nuur Maxamed

155) Xildhibaan C/kaafi Maalin Xasan

156) Xildhibaan Aadan Maxamed Nuur (Saran-soor)

157) Xildhibaan Saalim Caliyoow Ibroow

158) Xildhibaan Siid Cali C/qaadir Macallin
159) Xildhibaan Sacdiyo Sheegow

160) Xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan
161) Xildhibaan Cabdullaahi Cali Axmed

162) Xildhibaan Cabdullaahi Cali Maxamud

163) Xildhibaan Xaliima Xasan Cumar

164) Xildhibaan Nuur Maxamuud Xuseen

165) Xildhibaan Xasan Macallin Axmed

166) Xildhibaan Cumar Cali Nuur

_________
RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

Duulimaadyadii diyaaradaha ee Muqdisho iyo Hargeysa oo hakad galay

$
0
0
Garoonka diyaaradda ee Muqdisho

Garoonka diyaaradda ee Muqdisho

Muqdisho[RBC Radio]Waxaa istaagay duulimaadyadii diyaaradaha ee ukala safri jiray magaalooyinka Hargeysa iyo Muqdshi,waxana taasi ay sababtay sida la sheegay inuu hakad galay safar ay safri lahaayeen boqollal qof.

Maalmihii ugu danbeeysey majirin wax socdaal ah oo dhanka diyaaradaha ah ee ukala safri jiray magaalada caasumada ah iyo Hargeysa,waxaana taasi ka dambeysay markii waaxda socdaalka ee Soomaaliya uu diiday in lagu safro Baasaboorada cagaaran ee lagu tago Hargeysa.

Dhinaca maamulka Soomaaliland waxaa la sheegaya inay diiden inay aqoonsadaan Baasaboorka E-Passport, waxaana jira khilaaf u dhaxeeya waaxaha Socdaalka Somaliland iyo Soomaaliya oo ku aada arrinta Baasaboorada iyo qaabka socdaalka.

Arrintaan waxaa walac xooggan ka qaba dadka ukala safri jiray labadaa magaalo,waxana khilafka labada dhinac ka dhextaagan uu yahay sida la xaqiijiyey mid saameey xooggan ku yeellan doonna shacab ad ubadan oo ukala safri jiray Hargeysa iyo Muqdisho.

Ka hor inta aysan joogsan doolimadyadaan waxaa maalin kasta magaalada caasumada ah ee Muqdisho ka dhoofgi jirtay tiri diyaaradaha ah kuwaaso gaari jiray magaalada Hargeysa.

Mid ka mid ah masuuliyinta diyaaradaha ukala safri jiray magaalada Muqdisho iyo Hargeysa ayaa Raxanreeb u sheegay in arrintan ay tahay mid ay siweyn uga xunyihiin muddo laba maalin ahna ay xayiranyihiin sida uu sheegay boqollaal rakaab ah oo ay shirkadoodu u qaadi jirtay Hargeysa kana keeni jirtay.

…”"”‘Xilligaan dad tiro badan ayaa xanibad oo shirkadani ka bixi lahaa,waxana ay noqonaysa khilafka labada dhinac ka dhex taagan inuu yahay mid saameen ku yeelanaya shacabka labada dhinac ee isku safri jiray,subax walba dadka waa ay inoo yimaadan waxana ay ina waydiiyan xilligaa ay tagayan waxan u sheegna inay taas adagtahay oo Baasaboorkii ay ku safri jiran laga joojiyey in looga dhoofo garoonka diyaaraddaha ee Aadan Cadde…”"”ayuu yiri mid ka mid ah masuuliyinta shirkadaha diyaarada ee Muqdisho.

Si kastaba arrintaan ayaa ka dhigaysa inay cirka ku sii shareerto khilafkii dhex yaallay dowladda faderaalka Soomaaliya iyo maamulka Soomaaliland oo xilligaan arrimo badan isku diidan.

_____
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

Gudoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan oo sheegay in ururka Alshabaab ay hortaagan yihiin badbaadinta dad uu soo ritay cudur aan la aqoonin

$
0
0

laqanyo manMuqdisho(RBC Radio) Maamulka gobolka Hiiraan ayaa ururka Alshabaab ku eedeeyey inay hor taagan yihiin badbaadinta dad uu soo ritay cudur la aqoonin, gudoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo ayaa sheegay in deegaanno badan oo ka tirsan gobolka Hiiraan ay ka dilaaceen cuduro aan la aqoonin  wuxuuna Alshabaab u eedeeyey inay hortaagan yihiin Hay’adaha gargaarku inay gaaraan deegaanadaas.

Gudoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo oo waraysi gaar ah siinayay Idaacadda VOa-da laanteeda Afka Soomaaliga ah ayaa ka dhawaajiyay in Ururka Alshabaab ay deegaanadaas ka mamnuuceen inay ka howlgalaan Hay’adaha gargaarka.

Cabdi Faarax Laqanyo gudoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan ayaa tibaaxay  inay muhiim tahay in Alshabaab laga samata bixiyo shacabka ku nool gobolkaas ee la daalaadhacaya cudurada aan la aqoonin ee ka dilaacay deegaanada gobolkaa Hiiraan.

Dhinaca kale gudoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ururka Alshabaab uu dhowaan dhacay Geel fara badan ka dhacay shacabka gobolkaas, wuxuuna tilmaamay in ciidamada ammaanka maamulka gobolka Hiiraan ay Geelaas kasoo badbaadiyeen Alshabaab.

Gudoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo ayaa ka dhawaajiyay in ciidamada maamulka gobolka Hiiraan ay qorshaynayaan sidii ay Alshabaab uga saari lahaayeen deegaanada gobolka Hiiraan.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

Heshiis hor-dhac ah oo laga gaaray dagaal beeleed ka dhacay gobalka Shabeellaha dhexe

$
0
0

17198

Jowhar[RBC Radio]Sida ay xaqiijiyeen Odayaasha gobolka Shabeellaha dhexe,waxaa heshiis horu-dhac ah laga gaaray xaasidii dagaal oo dhex taallay labo beelad oo wadda daggan gobolkaas.

Nabadoon C/fataax Macalin Maxamuud oo kamid ah Odayaasha Dhaqanka gobalka Shabeellaha dhexe,ayaa warbaahinta u xaqiijiyey shirar iyo kulamo ay ka yeeshen Odayaasha gobolka inay xal horu-dhac ah ay ka gaaren colaadi dadka badani ay ku dhinteen ee ka tagneed gobolkaasi.

Shir ka dhacay magaalada xarunta uu ah gobolkaasi ee Jowhar ayaa lugu sheegay in la isku soo hor fadhiisiyey Odayaal ka kala tirsan labada dhinac ee dagaallamay.

Odayaashu waxaa ay eedeyn dusha u saaren dowladda faderaalka Soomaaliya waxaa ay sheegen inay ku fashilantay xal u helida colaada ka tagneed gobolkaasi,sidoo kale Odayaashu waxaa ay ammaanen maamulka gobolka Shabeellaha dhexe oo ay sheegen inay doormuqda ka ciyaaren in heshiiskaan laga gaaro colaadasi.

…”"‘Dowladda Soomaaliya si weyn ayey arrintaa ka tagneed gobolka Shabeellaha dhexe uga seexatay,waxana la oran kara dowladdu waa ay ku fashilantay inay qaboojiso xiisada ay ku dhinteen dad fara badan oo Soomaaliya,balse waxaan ammaan usoo jeedinayna maamulka gobolka oo isagu door muqda ka ciyaaray in la joojiyo dagaalladii ka dhacayey gobolka…”"‘ayey yirahdeen Odayaashi kulanka yeeshey.

Si kastaba labada beeled ee uu dagaallka ka dhaxeeyey ayaa la sheegay dagaalladii dhex maray inay ku dhinteen dad gaaray illaa 20-ruux.

______
RBC Radio
Xafiiska Jowhar

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

Baaralamaanka Soomaaliya oo maantay ka doodaya mooshinkii laga keenay xukuumada R/W Saacid

$
0
0
Dooda Baarlamaanka oo gordhow bilaamanaysa

Dooda Baarlamaanka oo gordhow bilaamanaysa

Muqdisho[RBC Radio]Waxaa maanta lugu balansan yahay in saacadu marka ay tahay 9:00-subaxnimo saacada magaalada caasumada ah ee Muqdisho in ay bilaabato dood adag oo ay yeellan doonan Baarlamaanka Soomaaliya,waxana dooda Baarlamaanka ay la xiriirta mooshin laga keenay xukuumada uu hoggaamiyo R/wasaare Saacid.

Xarunta gollaha shacabka oo ay Baarlamaanka ku shiri doonan ayaa jawi badal saakay ku jirta waxana la soo dhoobay ciidmo aad ufara badan oo sugaya amniga xarunta,guddaha ayey ciidamadu ugaalen xarunta waxana la sheegay in laga cabsi qabo inay Baarlamaanka isku diidan mooshiinka ay dooda adag ka yeellan doonan.

Mooshiinka maantay laga doodayo,ayaa waxaa dib loodhigay maalinkii shalay iyadoona guddoomiyaha Baarlamaanka uu sheegay in maantay ay dooda mooshinka bilaaban doonto,illaa hadda xildhibaanada isdiwan galiyey ee ka hadli doona mooshinka maantay hor yaalla ayaa lugu sheegay inay gaarayaan 83-xildhibaan waxaan ay isgu jiraan xildhibaanadii keenay mooshinka iyo kuwa ka soo horjeeda.

Xildhibaanadu waxaa la sheegay midkiiba inuu hadli doonno 3-daqiiqo oo uu ku soo gudbinayo hadalkiisa kaga aadan mooshinka xilligaan hor-yaalla.

Dooda Xildhibaanada ee maantay ayaa noqon doonta mid dhinac u rida is-fahan waaga siyaasaded ee ka dhex jira madaxweynaha Soomaaliya iyo R/wasaare Saacid,kuwaaso khilaf xoogani dhex yaallo xilligaan,waxana xilliga ay dhaamato dooda Baarlamaanka,cod loo qaadi doonna kalsoonida jiritaan ee xukuumada taaso sabab unoqon doonta in xilkiisa uu ku waayo R/wasaare Saacid ama uu kusii joogo.

Isku soo wada duubo waxaa jira walaac xooggan oo ay beesha caalamku ka qabaan khilaafka ka dhex jira madaxda sare ee dowladda Soomaaliya,iyadoonna xilligaan dowladda ay hoggaamiyan labada masuul ee xilligaan kala dheer ay tahay mid faderaal,taaso inta badan beesha caalamku ay ku sheegan dowlad rasmi ah.

______
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share

Viewing all 20331 articles
Browse latest View live