Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Soomaaliya oo 22 sano kadib ka qayb galaysa shirarka hay’adda lacagaha adduunka ee IMF

$
0
0

Muqdisho(RBC Radio) Dowlada Soomaaliya ayaa 22 sano kadib ka qayb galeysa shirarka hay’ada lacagta aduunka ee IMF wasiiru dowlaha wasaarada Maaliyadda xukuumada Soomaaliya Maxamed Rashiid ayaa daboolka ka qaaday in dowlada Soomaaliya ay ka qayb galeyso shirk ay qabaneyso hay’ada maamusha lacagta aduunka ee IMF 22 sano kadib.

Wasiiru dowlaha wasaarada maaliyadda xukuumada Soomaaliya ayaa sheegay in shirkaas uu Soomaaliya uga qayb galayo wasiirka Maaliyadda xukuumada Soomaaliya Maxamuud Xasan Saleebaan  iyo wafti uu hogaaminayo,wuxuuna tilmaamay in ajandayaasha dowlada Soomaaliya ee shirkaas ay ka mid tahay in hay’adda lacagta adduunka IMF ay dowlada Soomaaliya ka codsato in laga cafiyo lacagaha daymaha ah ee lagu leeyahay Soomaaliya.

Maxamed Rashiid ayaa sheegay in Soomaaliya aysan awood u lahayn iney lacago ka codsato hay’adda IMF wuxuuna u sababeeyey xadiga lacagaha deymaha ah ee lagu leeyahay Soomaaliya,wasiiru dowlaha ayaa sheegay in shirku uu ka furmayo maalinta Berri ah ee 18 bishan  magaalada Washington ee  caasimada dalka Mareykanka.

Wasiiru dowlaha wasaarada maaliyadda ayaa sheegay iney guul u tahay dowlada Soomaaliya iney sanado kadib dib uga qayb gasho kulamada caalamiga ah,wuxuuna tibaaxay in waftiga dowladu ay kulamo gaar gaar oo ay la yeelan doonaan dalalka kasoo qayb galay shirkaas iyo madaxda ugu sareysa hay’adda IMF.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles