Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20159

Madaxweynaha Galmudug oo ka warbixiyey ujeedooyinka Safarka uu ku yimi Muqdisho

Muqdisho(RBC Radio) Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid oo soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyey socdaalka uu ku yimi caasimada Muqdisho Cabdi Qaybdiid ayaa sheegay inuu caasimada usoo gaaray qorshayaal dhowr ah oo quseeya arimaha maamul goboleedka Galmudug ee uu madaxweynaha ka yahay.

Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdi Qaybdiid ayaa sheegay in ujeedka ugu horeeya ee isaga iyo waftiga uu hogaaminayo ay Muqdisho u yimaadeen uu yahay sidii ay kulamo ula qaadan lahaayeen dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada Galmudug ee ku sugan Muqdisho si ay ugala tashadaan aayaha deegaanada maamulka Galmudug.

Wuxuuna sidoo kale tilmaamay iney qorshihiisa ku jirto inuu kulamo la qaato madaxda ugu sareysa dowlada Soomaaliya si ay uga wada hadlaan xalinta muran iyo khilaaf soo kala dhexgalay dowlada iyo maamul goboleedka Galmudug kaasoo soo ifbaxay markii uu R/wasaare Saacid uu booqashada ku tagay koonfurta magaalada Gaalkacyo oo uu ka arimiyo maamulka Galmudug.

Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa tilmaamay in maamulka Galmudug uu ka tirsan yahay maamul goboleedyada hoos yimaada dowlada Soomaaliya,wuxuuna tilmaamay in waxyaabaha kale ee ay kala hadli doonaan madaxda dowlada Soomaaliya ay ka mid yihiin sidii gargaar loo gaarsiin lahaa shacabka Galmudug ee ku dhibaateysan deegaanada maamulkaas.

Qaybdiid ayaa ugu danbeyntii sheegay inuu kulan la qaadan doono saraakiisha hay’adaha caalamiga ah ee ku sugan magaalada Muqdisho kuwaas oo uu sheegay ineysan xarumo rasmi ah ku lahayn maamulka Galmudug,wuxuuna tibaaxay inuu kala hadli doono sidii ay deeqo u gaarsiin lahaayeen dadka tabaaleysan ee ku dhaqan deegaanada Galmudug.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20159

Trending Articles