Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

17ka Abriil, waa Maalintii Dhirteenna Looga Dabbaaldegi Jirey Geyiga Soomaaliyeed. W/Q Dr Cabdullaahi Axmed Karaani

$
0
0

17ka Abriil, waa Maalintii Dhirteenna Looga Dabbaaldegi Jirey Geyiga Soomaaliyeed.
Dr Cabdullaahi Axmed Karaani
karani38@aol.com
Abriil 17 2013

Dr Cabdullaahi Axmed Karaani

Maanta oo kale, oo bisha Abril tahay 17,sanad walba, waxaa loo dabbaaldegi jirey dhireynta Dalka Soomaaliyeed , iyadoo qabanqaabada munaasabadda maalintaas la guda geli jirey asbuucyo ka hor. Muddadaas gaaban, Gobollada iyo degmooyinka dalkoo idil ayaa xaflado iyo khudbado looga hadlayo dhirta iyo manaafaceedkeeda, waxaa ka jeedin jirey maalintaas madaxda Dawladda iyo shaqaale carbisan ee lagu soo tababaray dugsiga dhirta eek u yiil Lafoole.

Maalinta dhir abuurista waxaa la abuuri jirey boqollaal kun oo geed , si bilicda Dalka wax looga qabto,iyadoo shaqaalaha qaabilsan waaxda dhirta oo ka mid ahayd waaxaha hoos yimaada WAKAALADDII DAAQ QARANKA ay maalintaas soo gunaanadayeen hawlihii kale ee baaxadda lahaa ee sanadkoo idil la soo wadey.

17ka ABRIL waxay ahayd maalin shaqo oo laysugu soo bixi jirey, sidii bilicda Dalkeenna loo hagaajin lahaa. Waxaad arkeysey rag iyo dumar u tafaxeydan sidii hawshaas loogu guuleysan lahaa maalintaas.Waxay kalooy ahayd maalin farxad leh, oo dadweynuhu si toos ah uga qeyb qaadanayey, hawlshaas lagu Dhisayey bilicda wanaagsan ee degmooyinka iyo gobollada Dalkoo idil. 17ka ABRIL waxay kaloo ahayd maalinta kulanka dadweynaha iyadoo dad badan oon horay isu arkin muddo dheer ay goobaha dhir abuurista isugu imaan jireen ,taasoo rayreyn u hayd dadkaas aan is arag muddo dheer kadib.

Maalinta dhirtu ,waxay kaloo ahayd maalin shicibka soomaaliyeed qadarin jirey iyagoo gaarey wacyi ay ku gartaan In dhirtu qeyb weyn ka qaadato nolosha banii’aadanka iyo noolaha oo dhan.Dadku waxay fahamsanaayeen in harka geedka ay ku abuuraan gurigooda, mid la mid ah ineeyan heleyn !! Maalinta Dhirtu, waxay kaloo Dadweynaha u ahayd maalin isbarasho iyo is-dhexgal iydoo dhallinyarada dugsiyada kala duwan guud ahaan iyo dadweynaha munaasabaddaas ka soo qeyb gelayaa isku baran jireen .

Madaxda Dalka, ayaa iyaguna qeyb weyn ka qaadan jirtey hawlaha loogu dabaaldegayo munaasabadda maalintaas loogu magacdaray dhireynta dalka iyo dhirta soomaaliyeed. Waxay taasi u ahayd Dadweynaha iyo shaqaalihii ku hawlanaa dhireynta Dalka dhiirrigelin weyn markey arkaan madaxdoodii Oo dhiiqo iyo god lagu rido geed faagaya, taasoo keeni jirtey in rag iyo dumar loo xusulduubo shaqadaas qaran, maalintaas qiimaha badneyd.

Dr.A.Karaani

Abril 17,2013

============================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles