Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Odayaasha Dhaqanka gobolka Bari Oo Loo Qabtay Aqoon Isweydaarsi Ku Saabsanaa Khilaafka iyo Sida Lagu Xaliyo [Sawirro]

$
0
0

 

Odayaasha dhaqanka ee Aqoon Isweydaarsiga loo qabtay Maanta

Boosaaso[RBC Radio] Waxaa maanta loo  qabtay Aqoon Isweydaarsi qaar kamid ah  Odayaasha dhaqanka ee gobolka  Bari,kuwaas oo kor u dhaafayey ku  dhawaad 30-Oday,iyadoona Kulankaas uu ka  dhacay Xarunta Rugta Ganacsiga iyo  Warshadaha Puntland ee Boosaaso,

Culima’udiinka gobolka Bari oo u qabtay  Odayaasha dhaqanka gobolka Aqoon  Isweydaarsiga ayaa u Jeediyey laba  Muxaadiro oo si faah-faahsan uga  hadleysay arrimaha keena Khilaafka  Bulshada Soomaaliyeed dhexdooda ka  taagan iyo sida ugu wanaagsan ee looga  gudbi karo,waxaana soo Jeediyey Shiikh  Cabdishaafi Axmed Cali iyo Shiikh  Cabdullaahi Cabdi Shabeel.

Labada Shiikh ayaa si qoto dheer oo faahfaahsan ugu dheeraaday muhiimada ay Ummadu u leedahay Dhexdhexaadinta,iyagoona sheegay in Bulshada looga baahanyahay in arrimaha dhanka Khilaafkooda ay Iskood u Xaliyaan kuna dabaqaan diinta Islaamka.

 

Shiikh Faarax Maxamed Cajab

Shiikh Faarax Maxamed Cajab oo  furitaanka Aqoon Isweydaarsiga ka hadlay  ayaa sheegay in Ujeedada loo doortay  Mawduuca ku Saabsan Qabyaalada iyo  dhibka ay Soomaaliya ku hayso ay tahay  jiro ku faaftay bulshada dhexdeeda loona  baahanyahay in Ummada laga wactigeliyo  si ay u fahmaan khayrka wanaagsan.

…”"Waxay boqotay Qabyaaladu jirada  Soomaaliya ay ka simantahay,waxay  noqotay Jirada ugu weyn ee Soomaaliya  haysa,waxay noqotay albaabka fitnada ee  Soomaaliya laga soo galo,waa albaabka  firno ee cid kasta oo dooneysa iney  Soomaaliya dhibaateyso Qabyaalad bey noo  raadisaa ha ahaadee kuwa gudaha ama ha  ahaadeen kuwwa dibada…”"“ayuu yiri  Shiikh Cajab

Guddoomiye Kuxigeenka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland Maxamed Caydiid Jaamac

Guddoomiye Kuxigeenka Rugta Ganacsiga  iyo Warshadaha Puntland Maxamed Caydiid  Jaamac ayaa sheegay in Odayaasha  dhaqanku ku amaanan yihiin ka  qeybqaadasha Xal u raadinta dhibaatada  ka dhex dhacda Ummada dhexdeeda isla  markaana Hoggaan u yihiin horumar kasta  oo Ganacsigu kow ka yahay,

Wuxuu xusay Maxamed Caydiid Jaamac in  wax kastaba ay fududaaneyso marka  Odayaasha dhaqanka dhexdooda laga helo  Isfaham iyadoona la helayo sida ugu  dhakhsiyaha badan in Xal waara laga  gaaro dhibaatada dhacda.

…”" Haddii Nabadoonadu isfahmaan wax  badan baa fududaanaya,waxaa fududaanaya  in xal kasta horumar laga gaaro oo bulshada dhexdeeda ah,waxaa inoo yaala  waxyaabo badan oo dhibaatooyin bulshada  ka dhex dhacay oo aan dhameystirmin  haddii Nabadoon kasta u arko dhibtaa  dhacday iney tahay dhib taabaneysa Isaga  waxay fududeyneysaa in arintaas Xal laga  gaaro….”"“”ayuu yiri.

Nabadoon Maxamed Warsame “Sinjibiil”

Nabadoon Maxamed Warsame “Sinjibiil” oo  isna ku hadlay afka Nabadoonada ka  qeybqaatay Aqoon Isweydaarsiga ayaa  kusoo gabagabeeyey Duco iyo dardaaran uu  u Jeediyey Ka qeybqaatayaashii Aqoon  Isweydaarsiga iyo Culumadii kasoo  Jeedisay Muxaadirada.

Wuxuu tilmaamay in Odayaasha dhaqanku  yihiin kuwa had iyo jeer qaba  dhibaatooyin kala duwan tan ugu weyna ay  ku qabaan dadka ay kasoo Jeedaan,wuxuuna  ka codsaday Culuma’diinka in ay kala  qeybqaataan Nabadeynta Ummada  Soomaaliyeed ee khilaafku rafaadiyey,

Si kastaba waa markii ugu horeysay oo Aqoon Isweydaarsi kan oo kale ah loo qabto Odayaasha dhaqanka gobolka Bari,waxaana soo qabanqaabisay Mu’asasada AL-MINHAJ oo ah mid ka shaqeysa wacyigelinta bulshada iyo wanaag farida diinta Islaamka.

Shiikh Cabdishaafi Axmed Cali

 

Shiikh Cabdullaahi Cabdi Shabe

Odayaasha qaar kamid oo la socda Muxaadirada

Guddoomiye Kuxigeenka Rugta Maxamed Caydiid iyo Shiikh Cismaan

Hoggaanka Suuqgaynta Golis Cabdirixmaan Dayax iyo Labada Shiikh ee Muxaadirada soo Jeediyey

_______________________________

Cismaan Turaabi
RBC Radio
Xafiiska Boosaaso

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles