Garoowe (RBC RADIO) Madaxweynaha Puntland ku xigeenkiisa iyo masuuliyiin kale oo dowlada , Culumada iyo Hay’adaha QM ka tirsan oo ay wehliyaan Bulshada qeybaheeda kala duwan ayuu Madaxweynuhu Xariga ka jaray Madaxtooyada Cusub ee dhawaan dhismaheeda lasoo afjaray waxaana isla xalay uu u hoyday madaxweynuhu Madaxtooyada Cusub kana wareegay Xaruntii hore ee gobolka oo Dowladu si Kumeel gaar ah ay u daganayd.
Madaxweyne faroole wuxuu xusay in Puntland uu hormar kala duwan uu ka socdo Bosaso, Qardho, iyo Garowena ay ka jiraan Dhismayaal Hormarineed Gaalkacyona hada laga bilaabi doono sida ugu dhaqsiyaha badan,wuxuuna u mahadcelshay madaxweynuhu Engineerada had iyo goor isku hawla Dib usoo celinta Bilicda Dalka kana qayb qaatay Dhisida Qasriga Madaxtooyada Cusub ee Puntland.
Baaqa Ururada Siyaasada
Madaxweyne faroole ayaa ugu baaqay ururada Siyaasada Puntland inay ka qayb qaataan Doorashooyinka Puntland oo lagu dhawaaqay in 30ka June ay qabsoomi doonaan ayna ka gudbaan is qabqabsi iyo cabashada badan oo ay soo gudbinayaan si looga dhabeeyo hirgelinta dimuqraadiyad loo dhanyahay oo Puntland ka hirgasha.
“ Waxaan filayaa Xuno ka mid ah Ururada Siyaasada ee Puntland in ay Xafladan Fadhiyaan waxaan u sheegi lahaa Ururada hade waad u jeedaan Bilcidan iyo dhismahan Madaxtooyada Cusub ee la sameeyey Tartan bay u baahantahay oo qofkii guuleystaa ayaa fariisan doona anaga waa naga go’antahay in la tartamo oo lakala boxo meel xunna wax kuma wadno, hade kuwa wax tabanayoo wax sheeganaya waxaan leenahay tartama oo dulqaad muujiya oo intaad geer gadaale gashan lahaydeen Mid hore aad ugu socotaan sameeya si dhamaanteenba aan u hormarno guulna u gaarno, ayuu yiri Madaxweyne Faroole.
Qaraxyadii Muqdisho.
Madaxweynuhu wuxuu ku tilmaamay fal xun oo aan loo dulqaadan Karin weerarkii muqdisho kadhacay ee loo gaystay Maxkamada Gobolka Banaadir Madaxweynuhu wuxuu ku eedeeyey in Falkaasi ay ka dambeeyeen alshabaab wuxuuna dareen ahaan muujiyay in Puntland iyo shacbkeedaba ay ka damqanayaan dhacdadaasi muqdisho ka dhacday Dowlada Soomaliyana ay la garab taagan yihiin Taageero walba si meesha looga saaro Kooxaha argagixisada ah sida uu Madaxweynuhu Hadalka u dhigay.
Arimaha Jubbooyinka.
Madaxweyne faroole wuxuu amaanay Dastuurka cusub oo ay sameysteen Kooxaha ku shirsan Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo taasi oo uu ku tilmaamay Guul iyo wax tar usoo hoyatay Umada Soomaliyeed wuxuuse meesha ka saarin qilaafka u dhexeeya Dowlada Somaliya iyo Maamulka Kumeel Gaarka ah ee ka jira Goboladaasi.
“Dowlada Somaliya waa in ay taageertaa Shirka muhiimka ah ee ka socda Kismaayo, waa in dowladu ay heshaa Xuquuqda ay leedahay iyanada laga helaa Xaqa lagu leeyahay,wadahadal ayaan ugu baaqaynaa markale in ay wada yeeshaan 2da dhinac si loosoo afjaro isfaham darada, waxaana rajeynayaa in dhanka wanaagsan leysku raaci doono, annaga wafdi ayaan u dirnay Kismaayo oo dhawaan soo gurya Noqday wafdigaas wuxuu u tagay si uu talooyin usoo siiyo Dhinacyada ku shirsan Kismaayo wixi aan dheereyna fikir ahaan ayaan ugu gudbinay waxaana fileynaa in ay qaadan doonaan, dalku wada hadal iyo israac ayuu u baahan yahay ee uma baahna isqilaaf iyo dagaal sokeeye,sidaana waxaa yiri Madaxweynaha Puntland.
Kasokow Furitaanka Madaxtooyada cusub ee ay yeelaneyso Puntland waxaa dhawaan lagu dhawaaqi doonaa furitaanka TV cusub oo ay Puntland yeelato sida uu Madaxweynuhu xusay, iyadoo 20ka bishannah xariga si toos ah looga jari doono Idaacada Dowlada oo hada si tijaabo ah hawada ugu jirta.
Ibrahim Wadani
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.