New York (RBC) Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kadib cambaareyntii qaraxyadii maalinimadii Axaddii ka dhacay magaalada Muqdisho ee ay sheegatay kooxda Al Shabaab, waxay markale ku celiyeen inay ka go’an tahay la dagaalanka nooc kasta oo argagixisanimada ah.
Bayaan uu soo saaray golaha amaanka uuna ku saxiixnaa Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa lagu sheegay in weerarada argagixisanimada ee lala beegsaday magaalada Muqdisho aysan waxba u dhimi karin horumarka iyo nabadda ay tiigsanayaan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool caasimada.
“Iyadoo shacabka Soomaaliyeed ay horey ugu sii socdaan nabadda iyo horumarka waxaa wax laga xumaado ah in shacabka Soomaaliya iyo beesha caalamka ee u soo gurmatay ay carqaladeeyaan kooxo cadaw ku ah nabadda.” ayuu yiri Ban Ki-moon.
In ka badan 30 ruux oo Soomaali ah ayaa ku dhintay, 58 kalana way ku dhaawacmeen labo weerar oo qaraxyo iyo rasaas loo adeegsaday oo lagu qaaday xarunta maxkamadaha ee gobolka Banaadir iyo baabuur ay saarnaayeen shaqaale Turki ah oo marayey wadada garoonka diyaaradaha. Waxaana weeraradaasi sheegtay kooxda Al Shabaab.
Golaha amaanka ayaa sidoo kale cadeeyay in beesha caalamka ay sii wadeyso dadaaladsa ay ku garab istaageyso dawlada Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay golaha taageerayaan kana go’an tahay la dagaalanka nooc kasta oo cabsigelin iyo argagixin ah.
Golaha waxay kaloo aad u cambaareeyeen weerarkii shaqaalaha Turkiga lagu qaaday ee isla maalinimadii Axaddii ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo goluhu tilmaamay in weerarada dembiyada ah ee kooxaha argagixisada aysan lahayn wax cudurdaar ah nooc kasta oo ay yihiin iyo cid kasta oo geysataba.
Qaramada Midoobay waxay sheegtay in hadda xafiisyadeeda ugu weyn Geeska Afrika ku leedahay magaalada Muqdisho, sida xafiiska siyaasadda UNPOS iyo xafiiska taageerada Amisom UNSOA.
RBC Radio