Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Suxufiyiinta oo Ka Tacsiyeeyey Geerida Labadii Qareen ee u Doodi Jiray Wariyaasha iyo Dadka Dulman oo Lagu Dilay Qaraxyadii Shalay

$
0
0

Allah ha u naxariisto Labada qareen- Maxamed Maxamuud Afrax (midig)iyo Cabdikariin Gorod (bidix).

Muqdisho (RBC) Ururka Qaran ee Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ waxay ka tacsiyeeyeen geerida weriye Maxamed Xasan Xabeeb oo la taliye dhinaca saxaafadda u qaabilsanaa maxkamadaha, kana soo shaqeeyay warbaahino dhowr ah oo ay ku jirto Raadiyaha Qaranka, weerarkii shalay ka dhacay Maxkamadda Gobolka Banaadir oo galaaftay nolosha dad fara badan oo shacab ah.

Isla weerarkaas waxaa lagu dilay Prof. Maxamed Maxamuud Afrax  oo ahaa Guddoomiyaha Golaha Qareenada Soomaaliyeed iyo Avv. Cabdikariin Gorod oo labadoodaba lagu xasuusto dadaalkii ay u galeen sii deynta Kiiskii weriye Cabdicasiis Cabdinuur Ibrahim iyo gabadhii dhibanaha ahayd.

“Waan la tiiraanyooneynaa dilka weriyaha iyo labo garyaaqaan oo ahaa difaacayaasha suxufiyiinta,” sidasi waxaa yiri Maxamed Ibrahim oo ah Xoghayaha Guud ee Ururka Qaran ee Suxufiyiinta Soomaaliyeed, isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yiri,  “Anigoo ku hadlaya magaca suxufiyiinta Soomaaliyeed waxaan tacsi tiraanyo leh u dirayaa dhamaan eheladii, qaraabadii uu ka baxay weriyaha iyo labada garyaaqaan..”

Dilka weriye Maxamed Xasan Xabeeb waxa uu ka dhigayaa kii saddexaad ee dalka sanadkan gudihiisa.

Sidoo kale waxa uu ururka Qaran ee Suxufiyiinta Soomaaliyeed soo dhoweynayaa go’aanka ay maxkamadda militariga ay dilka kula xukuntay gacaan ku dhiiglihii ka dambeeyay dilkii Allaha u naxariistee Xasan Yuusuf Absuge, waxa uuna codsaday in dilalka kale ee suxufiyiinta ka dhanka la baaro, laguna ciqaabo dembiyadii ay galeen.

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles