Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Faahfaahin: Labo Samafalayaal Turki ah oo Ku Dhintay Qarax Lagula Beegsaday Muqdisho

$
0
0

Muqdisho (RBC) Labo samafalayaal Turki ah oo ka tirsanaa hay’adda horumarinta Tika ee ka hawlgala magaalada Muqdisho ayaa ku geeriyooday galabta kadib markii baabuur ay wateen lagu dhuftay baabuur miineysan xilli ay marayeen wadada tagta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Labada samafale ayaa saarnaa baabuur la qarxiyey, waxaana isla goobta ku dhintay haweeney Soomaali ah oo wadada mareysay markii uu qaraxu dhacayey.

Wasiirka arrimaha gudaha dawlada Soomaaliya Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in weerarka uu ku dhintay hal ruux oo shaqaalaha Turkiga ka mid ah.

Dhanka kale saraakiisha amaanka degmada Wadajir ayaa sheegay in  baabuur nooca yar yar ah loo adeegsaday qaraxa lala beegsaday shaqaalaha Turkiga isla markaana bartilmaameedku uu iyaga ahaa.

Wadada garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa ka mid ah goobaha sida weyn loo ilaaliyo maadaama ay si aad ah u isticmaalaan masuuliyiinta dawlada iyo wufiuuda ajnabiga ah ee magaalada yimaada.

Weerarka lagu beegsaday shaqaalaha Turkiga ayaa noqionaya midkii ugu horreeyay ee lagu dilo shaqaale Turki ah tan iyo intii ay hay’adaha Turkiga ee hawlaha kala duwan ka wada dalka ay yimaadeen sanadkii 2011.

Waa weerarkii labaad oo isla maalin gudaheed ay Al Shabaab ka fuliso magaalada Muqdisho, iyadoo weerar kale oo dilay in ka badan 22 ruux maanta uu ka dhacay xarunta maxkamadda gobolka Banaadir.

Dadka ka hadla amaanka sheegaya in dawlada Soomaaliya ay fududeysatay digniintii amni ee dhowaan dawlada Ingiriiska ay ka soo saartay weeraro ku soo fool leh Muqdisho, iyadoo weerarada maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ay muujiyeen sida uu u nugul yahay amaanka caasimada.

 

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles