Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Faahfaahin + Sawirro: Warar Dheeraad ah oo Ka Soo Baxaya Weerarkii Maxkamada Iyo Tirada Khasaaraha Dhimashada

$
0
0

Qof meyd ah oo aan la aqoonsan oo yaalla albaabka Maxkamadda gobolka Banaadir.

Muqdisho (RBC) Waxaa sareu sii kacaya tirada dadka ku dhintay weerar ay fuliyeen koox lagu sheegay inay ka tirsanaayeen Al Shabaab oo xoog ku galay xarunta maxkamadda gobolka Banaadir ahna xarunta ay degan tahay maxkamadda sare iyo xafiiska xeer ilaalinta guud.

Wararka ugu dambeeya ayaa sheegaya in tirada dadka dhintay ay haatan gaareyso 22 ruux halka dhaawacyada ay kor u dhaafayaan 22 ruux oo u badan rayid iyo askartii ilaalada ka ahayd maxkamadda.

Wariyaha Raxanreeb oo galabta booqday isbitaalka weyn ee Madiina ayaa soo sheegaya in qaar ka mid ah dhaawacyada ay xaaladoodu liidato isla markaana ehelada dadkii ku waxyeeloobay weerarkii maanta ay dhoobnaayeen afaafka hore ee isbitaalka.

Sidee weerarku u dhacay?

Sida wariyaha Raxanreeb u soo sheegayo koox hubeysan oo gaaraysa illaa toddobo oo watat dharka ciidamada ay gudaha u galeen xarunta maxkamadda kadib markii ay toogteen waardiyaashii maxkamadda horteeda joogay.  Waxaana markaasi kadib gudaha maxkamadda ka bilawday iska horimaad u dhexeeyay ciidamada amaanka iyo kooxda weerarka fulisay.

Ragga weerarka ku qaaday maxkamadda ayaa xitay waxyaabaha qarxa taasoo dhalisay in qaarkood ay isku dhex qarxiyaan maxkamadda dhexdeeda intii weerarku uu socday.

Abaare saacad markii uu socday weerarka ay fulinayeen kooxdan ayaa waxaa xarunta maxkamadda u soo gurmada ciidamada sida gaarka u tababaran ee Nabadsugida iyo kuwa militariga waxaana iska horimaad culus uu dhexmaray ciidamada amaanka iyo kooxdii gudaha u gashay maxkamadda.

Gaadiidka gurmadka iyo ciidamo watay jaranjarooyin ayaa daaqadaha ka soo daadgureeyay masuuliyiintii ku go’doontay maxkamadda.  Waxaa masuuliyiinta la soo badbaadiyey ku jiray guddomiyaha maxkamadda sare Caydiid Ilkaxanaf iyo guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir Xaashi Cilmi Nuur oo xilliga weerarku dhacayey xafiisyadooda joogay.

Wasiirka arrimaha gudaha dawlada federaalka Cabdikariin Xuseen Guuleed oo galabta shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in hawlgalkii lagu furanayey maxkamadda uu haatan dhammaaday, isla markaana maxkamadda amaankeedu hadda uu sugan yahay.

Wuxuu sheegay in dhammaan kooxdii weerarka soo qaaday oo ahaa illaa lix ruux labo ka mid ah ay toogteen ciidamada amaanka, afar kalana ay iyaga isqarxiyeen.

Wasiirku wuxuu weerarku ku eedeeday ururka Al Shabaab oo dagaal kula jira dawlada Soomaaliya.

Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, raysul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo afhayeenka baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari ayaa cambaareeyay weerarkan, waxayna tacsi u direen dadkii ku nafwaayey weerarka eheladooda.

Dadka dhintay?

Abuukaato Maxamed Maxamuud Afrax wuxuu ku geeriyooday weerarkii maanta.

Illaa hadda xogta laga helayo isbitaalo kala duwan waxay muujineysaa dhimashada 22 ruux, waxaana badi dadka geeriyooday ay yihiin askarti gurmadka ahayd iyo kuwii horey u sii joogay maxkamadda. Sidoo kale kooxdii weerarka qaaday ayaa dhammaantood wada geeriyooday.  Waxaa kaloo jira dad rayid ah iyo garsoorayaal ku geeriyooday iyo qaar ku dhaawacmay weerarkan.

Dadka dhintay ee ay Raxanreeb aqoonsatay waxaa ku jira;-

1- Abuukaato Maxamed Maxamuud Afrax (wuxuu ahaa qareenkii u dooday wariyihii lagu xiray dhowaan Muqdisho)

2- Abuukaato Cabdikariin Xasan Gorod (Wuxuu ka mid ahaa qareenadii difaacay wariyihii dhowaan lagu xiray Muqdisho).

Abuukaato Cabdikariin Gorod wuxuu ku geeriyooday weerarka maxkamadda.

3- Maxamed Xasan Xabeeb (Afhayeenkii maxkamada sare horeyna uga soo shaqeeyay idaacadda Radio Muqdisho).

Amaanka waddooyinka oo la adkeeyay

Weerarkan ka dib ayaa waxaa si weyn maanta loo adkeeyay amaanka xarumaha dawlada iyo waddooyinka muhimka ah ee magaalada Muqdisho.  Waxaa galabta la arkayey ciidamada booliska, kuwa nabadsugida oo wata gaadiidka dagaalka oo fadhiya isgoysyada muhimka ah iyo ciidamo gaafwareegaya faras magaalaha.

Meelaha sida weyn looga dareemay weerarka maanta waxaa ka mid ah degmada Xamarweyne oo ay ku taallo maxkamadda la weeraray iyo badi xarumaha dawlada iyadoo suuqa weyn ee Xamarweyne uu maanta hakadgalay hawlihiisa ganacsi.

Sidoo kale waxaa maanta aad u yaraaday baabuurta dadweynaha oo si teel teel ah loogu arkayey waddooyinka iyagoo ka yar intii hore u shaqeyn jirtay.

Al Shabaab oo hadashay

Afhayeenka maxkamadda sare, Maxamed Xasan Xabeeb wuxuu ka mid yahay dadkii ku dhintay weerarka.

Dhanka kale waxaa weerarka maanta lagu qaaday xarunta maxkamada gobolka Banaadir sheegtay kooxda Al Shabaab.  War lagu qoray ciunwaanka Twitter-ka ay ku leeyihiin Al Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarka maanta uu ahaa mid looga gol lahaa in lagu muujiyo inaanu wax amaan ah ka jirin magaalada Muqdisho.

Al Shabaab waxay sheegtay in ragga weerarka fuliyey ay ahaayeen shan nin.

Qarax labaad oo ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa waxaa lala beegsaday baabuur ay wateen shaqaale ka tirsan hay’adaha Turkiga ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Weerarkan oo loo adeegsaday baabuur miineysan oo lagu dhuftay baabuurka shaqaaluhu saarnaayeen ayaa waxaa ku nafwaayey labo Turki ah iyo haweeney wadada mareysay.

Weerarkan ayaa lagu tilmaamay inuu ahaa midkii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca Muqdisho muddooyinkan iyadoo xaalada amaan ee magaalada ay soo hagaageysay wuxuuna calaamad su’aal ku yahay masuuliyiinta amniga.

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles