Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Gudoomiyaha Baarlamaanka oo ka Warbixiyey Hawlaha ugu Horeeya ee Horyaala Xiligan

$
0
0

 

Muqdisho(RBC Radio) Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Max’ed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa maanta Qudbad dheer u jeediyey mudanayaasha baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kulanka maanta loo madlanaa oo ajandihiius uu ahaa dib u eegista dastuurka dalka ayaa waxaa shir gudoominayey gudoomiye Jawaari.

Max’ed Sh Cismaan Jawaari ayaa hadal dheer ka jeediyey furitaanka kulanka baarlamaanka ee maanta gudoomiyaha ayaa qudbadiisa diirada ku saaray 2 qodob oo uu sheegay iney yihiin kuwa ugu muhiimsan hawlaha xiligan horyaala baarlamaanka Soomaaliya wuxuuna sheegay iney kala yihiin Xilgudashada mudanayaasha baarlamaanka & dib u eegista qodobada dastuurka dalka.

Gudoomiyaha golaha baarlamaanka dalka ayaa ku dheeraaday ka hadalka hawsha hortaala baarlamaanka iyo sida ay shacabka Soomaaliyeed uga dhursugayaan mudanayaasha  baarlamaanka wuxuuna shaaca ka qaaday in baarlamaanka uu u istaagayo gudashada hawsha ay u igmadeen shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuuna tibaaxay in baarlamaanku uu si dhab ah ula xisaabtamayo xukuumada Soomaaliya isagoona tilmaamay in la dhameystiray gudiyada baarlamaanka wuxuuna faray gudi walba inuu la xisaabtamo wasaarada Quseysa ,Max’ed Sh Cismaan Jawaaari ayaa sidoo kale tilmaamay in  shaqada ugu horeysa ee baarlamaanka  ay tahay dhayidda utumihii kala gaaray shacabka Soomaaliyeed intii ay socdeen dagaalada Sokeeye.

Gudoomiyaha ayaa dhanka kale ka hadlay arinta dib u eegista qodobada dastuurka dalka wuxuuna tilmaamay in qodobka 57 ee dasuurka qaranka Soomaaliyeed uu si toos ah mudanayaasha baarlamaanka ugu xilsaarayo dib u eegista dastuurka umada Soomaaliyee ee sida kumeelgaarka ah loo ansixiyey,isagoo  ballan qaaday iney hadh iyo habeenka u shaqeyn doonaan shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna ilaah ka baryey inuu baarlamaanka waafajiyo halka ay ku jirto danta iyo wanaaga umada Soomaaliyeed.

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles