Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Wasiirro sheegay in is-afgarad laga gaadhay khilaaf ka taagnaa deegaanno Somaliland ka tirsan oo Sahamin Shidaal laga wado

$
0
0

Hargeysa(RBC):- Wasiirka Wasaaradda macdanta, biyaha iyo tamarta oo uu weheliyo Wasiirka Wasaaradda ciyaaraha iyo dhalinyarada Somaliland, ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay magaalada Caynabo ee xarunta gobolka Saraar oo hore uga tirsanaan jirtay gobolka Togdheer, halkaas oo ay kulammo kula yeesheen maamulka iyo odayaasha dhaqanka ee deegaammada Saraar.

Wasiirradan oo warbaahinta ugu warramay magaalada Caynabo, ayaa sheegay in ujeeddada socdaalkoodu la xidhiidho kacdoon dadka deegaanka gobolka Saraar qaarkood ka muujiyeen sahamin iyo baaris lagu samaynayo macdanta iyo shidaal deegaannadaa laga baadhayo oo ay ku cabanayeen inaan shaqaalaha ka hawlgalaya saamigii ay ku lahaayeen laga siinin, dawladdina waxba aanay kala socodsiin sahaminta halkaa laga wado, sidaa daraaddeedna ay sheegeen inay diidmo kala hortagi doonaan hawlaha halkaa ka socda.

Hase-yeeshee, Wasiirradu waxay warbaahinta u sheegeen inay kulanka ay la yeesheen maamulka iyo odayaasha dhaqanka ee gobolka Saraar iyo degmada Caynabo wadahadal dhex-maray ka dib ay isfaham iyo is-afgarad ka gaareen tabashada ay dadka deegaanku qabeen ee la xiriirta sahaminta iyo barista shidaalka iyo macdanta oo ka socda deegaanno ka tirsan gobollada Saraar iyo Oodweyne oo labadooduba hore uga tirsanaan jiray gobolka Togdheer.

Wasiirka Wasaaradda macdanta, biyaha iyo tamarta Somaliland Eng. Xuseen Cabdi Ducaale iyo Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha Cali Siciid Raygal, ayaa si isku mid ah u sheegay inay soo kormeereen deegaannada sahaminta iyo baaritaanka shidaalku ka socdo ee gobolka Saraar, isla markaana ay hawshu si fiican u socoto. Waxaanay intaa ku dareen in isfahamka ay wada gaareen odayaasha deegaanka gobolka Saraar iyo tabashada ay qabaan-ba, ay Xukuumadda dhexe u gudbin doonaan.

RBC Radio

Xafiiska wararka ee Hargeysa.

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles