Anakara[RBC Radio]Magaaladda Anakara ee xarunta dalka Turkiga waxaa ka socda wadahadal ay qadanayaan wufuud kala mataleysa Soomaaliya iyo Soomaaliland.
Shirarka iyo kulamadda ay qadanayaan madaxda kala matelaysa Soomaaliya iyo Soomaaliland ayaa ah kuwo gogal xaar uu ah wada-xaajood culus oo barito lugu wado in magaaldda Anakara uga furmo madexweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamud iyo Madexweynaha Soomaaliland Axmed Maxamed (Siilaanyo) iyagona isla soo qaadidoonan arimo dhor ah oo quseya Soomaaliya iyo Soomaaliland.
Wadahadaladani labo geesoodka ah ee dowladda soomaaliya iyo maamulka Somaliland ayaa ah kuwo an sahlaneen oo culayskooda leh waxana in ta badan la saadaalinayaa in fakir isku mid ah laga qaato walow ay jiraan in labada dhinacba ay wataan qorshayaal is diidan kuwasi oo ah in Dowladda Soomaaliya ee madaxweyne Xasan Sheekh ay dooneyso midnimo halka Maamulka Soomaliland ee madaxweyne Siilaanyo ay sheegen marar badan inay ka go’antahay inay noqdaan dowlad ka madax banaan Soomaaliya inteda kale.
Si kastaba lama ogan karo wixii kasoo bixi kara wadahadalkan uu dhexeeya Soomaaliya iyo maamulka Soomaaliland kaasi oo ay is hor fadhisan doonan hoganada uga saraysa ee labada dhinac.
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio