Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Munaasabad lagu Xusayey 53 guuradii kasoo wareegtay Aas-aaskii Ciidanka xooga dalka oo Muqdisho lagu qabtay

$
0
0

Muqdisho(RBC Radio) 53 guuradii kasoo wareegtay aas-aaska ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta si weyn looga xusay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay ayaa maanta lagu qabtay xarunta wasaarada gaashaandhiga ee magaalada Muqdisho waxaana madasha munaasabada joob joog ka ahaa dhamaan saraakiisha ciidamada dowlada,golaha wasiirada xukuumada,mudanayaasha baarlamaanka,maamulka gobolka Banaadir iyo madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya.

Wasaarada gaashaandhiga oo ahayd halka ay ka dhacday munaasabada xuska 53 guuradii kasoo wareegtay aas-aaskii ciidanka xooga dalka Soomaaliya ayaa waxaa gaada ka ciyaar ay wada jeclaysteen ka qayb galayaashii munaasabadu kusoo bandhigay cutubyo ka tirsan ciidamada xooga dalka.

Xuska maanta ee maalinta 12-ka April ayaa waxaa ka qayb galay gaadiidka dagaalka iyo dabaabaad ay leeyihiin ciidamada dowlada Soomaaliya kuwaas oo goobta socod ku maray,waxaana ugu horeyntiiba munaaasabada hadl ka jeediyey taliyaha ciidanka xooga Jen. Daahir Aadan Cilmi.

Jen. Daahir Aadan taliyaha xooga ayaa sheegay in dhismaha ciidanku uu hada marayo meel wanaagsan oo laga amba qaadi karo,wuxuuna hambalyo u diray dhamaan ciidamada xooga dalka,isagoona rajo wanaagsan ka muujiyey iney waqtiyada dhow soo noqon doonta cududii ciidanka xooga dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sh. Max’uud oo soo xiray munaasabada xuska maalinta 12-April aas-aaska ciidanka xooga ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray ciidanka xooga wuxuuna  sheegay in dowlada Soomaaliya ay ka go’an tahay qalabeynta ciidamada xooga sida ugu dhaqsaha badan.

Wuxuuna daboolka ka qaaday in dowladu ay kordhin doonto mushaharaadka ciidanka xooga marka ay loo dhameystiro qalabkooda Milaterine ay u diyaar garoobi doonaan duulaamo ay ku qaadaan goobaha ay wali dalka kaga sugan yihiin ururka alshabaab ee dagaalka kula jira dowlada Soomaaliya.

Munaasanada oo ku bilaabatay jawi nabdoon ayaa waxa ay kusoo gabagabowday mid taa lamid ah waxaana xusid mudan in ciidamada qaranka Soomaaliyeed ay maanta gabi ahaanba xanibeen isku socodka gaadiidka magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Mana jir wax gaadiid ah oo maanta lagu arkayey wadooyinka Muqdisho marka laga reebo gaadiidka ciidanka xooga oo sugayey nabadgalyada magaalada Muqdisho intii ay socotay munaasabada xuska aas-aaska ciidanka xooga kama dhicin magaalada wax carqaladeynaya amniga caasimada.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles