Muqdisho(RBC Radio) Shaqaalaha caafimaadka Cisbitaalka Xooga ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta magaalada Muqdisho looga furay tababar kor loogu qaadayo heerkooda aqooneed waxaana kasoo qayb galay furitaanka tababarka la siinayo shaqaalaha Caafimaadka Cisbitaalka xooga saraakiisha ugu sareysa ciidamada xooga oo uu ka mid ahaa taliyaha ciidamada xooga dalka iyo saraakiil kale.
Taliyaha ciidamada xooga Daahir Aadan Cilmi “Indha-qarshe” oo munaasabada hadal ka jeediyey ayaa sheegay inuu si aad ah ugu faraxsan yahay in shaqaalaha caafimaadka cisbitaaalka ciidama xooga dalka ay tababar caafimaad helaan 22 sano kadib,wuxuuna ku nuuxnuuxsaday iney daal ugu jiraan sidii ay usoo celin lahaayeen kaalintii Cisbitaalka xooga.
Taliyaha ayaa intaa ku daray in xiligan Cisbitaalka ay ka muuqato burburka iyo dhibaatada kasoo gaartay dagaaladii dalka ka dhacay balse wuxuu ballan qaaday iney dedejin doonaan dib u dhiska hada ka socda Cisbitaalka,isagoona tilmaamay iney ka dhisi doonaan dhisme ka qurux badan kii ka dhisnaan jiray barisamaad.
Liibaan Xuseen oo ah madaxa hogaanka caafimaadka ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed oo isne goobta hadal ka jeediyey ayaa sheegay in tababarkan ay ka faa’iideysan doonaan 70 ka tirsan kalkaaliyaasha caafimaad ee cisbitaalka xooga,wuxuuna tilmaamay in tababarkani uu socon doono muddo 7 maalmood ah.
Wuxuuna tibaaxay iney tahay fursad muhiim ah iney muddo dheer kadib helaan tababar kor loogu qaadayo heerkooda aqooneed,Siminaarkan ayaa waxaa bixinaya macalimiin Ajaanib ah oo ka socda Hay’ada Bankrupt.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho