Muqdisho(RBC Radio) Madaxweynaha wadanka Yaman ayaa amar ku bixiyey in maraakiibta Soomaalida ee mudada ku xayirnaa dekedda magaalada Cadan kadib markii ay lacago ku sheegteen mawaadiin Yamaniyiin ah madaxweynaha dalka Yaman Cabdi Rabbi Mansuur Haadi oo maanta qaabilsay wafti ka socda dowlada Soomaaliya ayaa amar buuxa ku bixiyey in maraakiibtaas lagu wareejiyo dowlada Soomaaliya.
Wasiiru dowlaha wasaarada arimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee xukuumada Soomaaliya Max’ed Nuur Gacal oo hogaaminayey waftiga ka socda dowlada Soomaaliya ee kulanka la qaatay madaxweynaha dalka Yaman ayaa markii uu soo dhamaaday wada hadalkii ay la yeesheen madaxweynaha Yaman ayaa sheegay inuu guul ku dhamaaday kulankii ay la qaateen madaxweyne Cabdi Rabbi Mansuur.
Max’ed Nuur Gacal wasiiru dowlaha wasaarada arimaha dibada ayaa sheegay inuu madaxweynaha Yaman u gudbiyey waraaq codsi ah oo uu ka siday madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sh. Max’uud taasoo uu madaxweynaha Yaman kaga dalbanayo inuu wax ka qabto labo arimood oo kala ah maraakiibta Soomaaliyeed ee lagu haysto magaalada Cadan iyo muranka ka taagan Qunsuliyada Soomaaliya ee magaalada Cadan halkaas oo uu ka taagan yahay muran ku saabsan lahaanshaha dhulkaas.
Gacal ayaa sheegay in madaxweynaha dalka Yaman Cabdi Rabbi Haadi Mansuur uu si cad ugu sheegay iney maraakiibta Soomaalida si rasmi ah ugu wareejiyeen dowlada Soomaaliya isla markaane laga cafiyey lacago hore loogu haystay arintaasne ay dusha saaratay dowlada Yaman.
Waftiga uu hogaaminayo wasiiru dowlaha wasaarada arimaha dibada Soomaaliya Max’ed Nuur ayaa u ambabaxay magaalada Cadan halkaas oo ay ku xiran yihiin maraakiibta ay lahayd dowladii Soomaaliya kuwaas oo muddo 6 sano ah ku xayirnaa halkaas si ay ugu kuur galaan xaaladaha maraakiibtaas oo mudooyinkii danbe laga soo dayrinayey.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho