Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Dowlada oo si kulul u Cambaareysay isku daygii lagu doonayey in lagu dilo Sh. Bashiir Axmed Salaad

$
0
0

 

Muqdisho(RBC Radio) Dowlada Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii shalay lagu qaaday gudoomiyaha hay’ada culimada Soomaaaliya Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ka badbaaday isku day lagu damacsanaa in lagu dilo wasiirka wasaarada warfaafinta xukuumada Soomaaliya C/laahi Ciilmooge Xirsi ayaa si kulul u dhaleeceeyey isku daygaas.

Wuxuuna ku eedeeyey iney ka danbeeyeen falkaas ururka alshabaab ee dagaalka kula jira dowlada Soomaaliya Ciilmooge ayaa tibaaxay in alshabaab ay isku dayayaan iney afka qabtaan culimada Soomaaliyeed kuwaas oo shacabka u iftiimiyey in ficilada alshabaab aysan sal ku lahayn diinta Islaamka.

Wasiirka wasaarada warfaafinta xukuumada Soomaaliya C/laahi Ciilmooge ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay xil weyn iska saareyso sugida amniga culima udiinka Soomaaliyeed isla markaane ay hirgalinayaan qorshayaal lagu sugayo amniga culimada Soomaaliyeed oo uu sheegay iney bartilmaameed u yihiin waxa uu ku tilmaamay cadowga umada Soomaaliyeed.

Hadalka wasiirka ayaa imaanaya xili shalay magaalada Muqdisho lagu weeraray gudoomiyaha hay’ada culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ka badbaaday isku day lagu doonayey in lagu khaarajiyo.

Hay’ada culimada oo dhankooda ka hadlay weerarka lagu qaaday hogaamiyaha hay’ada culimada Sh Bashiir ayaa shaaca ka qaaday in culimada Soomaaliyeed aysan cabsi ku abuuri doonin isla markaane ay sii wadayaan baraarujinta shacabka Soomaaliyeed.

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles