Madaxa Shabakada Wararka Raxanreeb.com Faarax Axmed Caato iyo dhamaan Halwadeenada Shabakada Warbaahinta Raxanreeb.com waxay tacsi tiiraanyo badan leh u dirayaan qoyskii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday Axmed Maxamed Axmed Dhagaweyne oo gacan ka xaqdaran ay ku dishay magaalada Gaalkacyo Maanta oo taariikhdu ay tahay 8da Bisha Abriil 2013.
Waxaanu Rabi uga baryeeynaa in uu Janaddii Fordowso geeyo Alle ha u naxariisto marxuum Axmed Maxamed Axmed Dhagaweyne, samir iyo iimaan sugan oo saadiq ahna ha ka siiyo qoyskiisa, eheladiisa, asxaabtiisii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Puntland.
AAMIN AAMIIN AAMIIN