MAXAA BAASABOORKA SOOMAALIYA LOO DIIDAN YAHAY
Dahir Mohammed Sheikh
mr.dahir@hotmail.com
Abriil 08 2013
Laga soo bilaabo 1991 ilaa iyo maanta Soomaaliya weli ma helin Dowlad wanaagsan oo u Doodda Xaquuqda Shacabka Soomaaliyeed, mida kale hadda waxaa Soomaaliya ka jirta Dowlad rasmi ah oo aan aheyn ku meel gaar laakiin dhibka jira ayaa wuxuu yahay Dowladda oo aan Daacad u aheyn Shacabkeeda.
Dowladda hadda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud waxaa ay safaro badan ku tageen Wadamadda Carabta , Africa, America iyo Yurub hase yeeshe waxaa jirta arin muhiim ah oo aysan kala hadlin Dowladdah ay Booqdeen.
Haddii lugu yiraahdo Baasaboor kaaga ma Aqoonsani micnihiisu muxuu noqon kara? taas jawaab teeda waxay noqon karta: Dowladdaada ma aqoonsani, Jiritaankaaga dad ahaan ma Aqoonsani, Calankaaga ma aqoonsani, Dhulkaaga ma aqoonsani, Waxaad tahay Qof aan dal leheyn (Stateless).
Haddaba maanta oo ay Soomaaliya yeelatey Dowlad rasmi ah maxaa Baasaboorkeeda loo diidan Yahay?
Ma taqaana Dowladaha diidan Baasaboorkeena waa kuwaan: Qatar, United Arab Emirates, Bahrain, Oman, Kuwait, Masar, USA, Canada, UK, Australia, Holland, Sweden, Norway, Spain, Denmarka, Qaar ka mid ah Yurub iyo Qaar ka mid ah dalalka Africa iyo Carabta.
Dowladda aan kor ku soo sheegey dhammaan tood waxay diidan yihiin in ay Soomaaliya yeelato Dowlad isla markaana ay noqoto Dal Madax banaan, sidoo kale waxaad ogaata Dowlahaas diidan Baasaboorka Soomaaliga waa kuwa mar walba u diidan in Shacabka Soomaaliyeed in ay Bulshada Caalamka wax la Qeybsadaan , arrintaas waa danbi weyn in Shacabka Soomaaliyeed lugu sameeyo Discrimination (Takoorid).
Tusaale Madaxweynaha safarkiisa ugu danbeeyay wuxuu tagey Qatar iyo United Arab Emirates marnaba ma usan kala hadlin sababta ay u diidan yihiin in ay Baasaboorka Soomaaliga .Tusaale haddii aad rabta in aad tagto Qatar waa in aad heysata Baasaboor dal kale leeyahay maxaa dhacay Dowladda Qatar waxay noo sheegtay in ay Aqoonsan tahay Dowladda soomaliya oo weiba ay jeceshahay midnimada Soomaliya. arintaas ay Dowallada Qatar ay sheegeyso waa Been oo waxaa Cadeeyn u ah Somali Passport.
Runta waxay tahay laga soo bilaabo 1991 ilaa iyo maanta Shacabka Soomaaliyeed weli ma helin Dowlad Daacad u ah Dalka iyo Shacabka Soomaaliyeed.
ILLAAHOW WAXAAN KA BARYEENA IN AAD NAGA SAARTO DOWLAD XUMIDA, CADDAALAD DIRIDA IYO DHIBKA NA HEYSTA ISLA MARKAANA NA SIISI DOWLAD WANAAGSAN OO CAADIL AH OO XAQUUQDEENA NOO SOO DHICISA. AAMIIN AAMIIN AAMIIN.
Fiiro gaar ah: Haddii aad qoraalkeyga ku aragto Qalad ee Raali ahow waan Qaldami kara oo waxaam ahay Bini,aadam.
Mahad Sanadiin,
Dahir Mohammed Sheikh
Nairobi kenya
=================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM