Gaalkacyo[RBC Radio]Ciidanka amaanka Gobolka Mudug ee Puntland ayaa gacanta ku dhigay nin ka tirsan Kooxihii dhaca ka gaystay xawaalada KAAH kadib hawlgal ay ku qaadeen guri ku yaal xaafada Garsoor ee magaalada Galkacayo. Ciidanka amniga oo maalmahan ku raad joogay ninkan xogtana hayay ayaa maanta ku dhaqaaqay guri loogu far tagayey inuu kusugan yahay iyagoo ka dibna hareereeyay, ninkii la baadi goobayay ayaa rasaas ku furay ciidanka waxaana halkaasi ku dhaawacmay labo askari, iyadoo intaas ka dibna uu isu dhiibay ciidanka.
Taliyaha Ciidanka Birmadka gobolka Mudug Ilyaas Isxaaq Maxamuud oo ka warbixiyey hawlgal ay ku qaadeen guri ku yaal xaafada Garsoor ayaa sheegay inay howlgalkaan uu ku qatay saacado islamarkana ay iska caabin kala kulmeen ciidamadu nin ka tirsan Kooxihii dhaca ka gaystay xawaalada KAAH xarunteda magaaladda Boosaaso,Taliyaha ayaa intaas ku daray in gaba gabadi uu is-dhiibey kadib markii eheladiisu ku qanciyeen inuu badbaadiyo naftiisa.
Ninkan tirsanaa Kooxihii dhaca ka gaystay xawaalada KAAH xarunteda magaaladda Boosaaso oo ay gacanta kusoo dhigeen ciidanka Booliska ayaa lugu magacaaba Farxaan Cabdulqaadir Dabliq,waxana qabashadisaan ka horaysey magaalooyinka Bossaso iyo Garowe oo lugu soo qabtey rag sidan oo kale qayb uga ahaa dhacii loo gestey xawaalada KAAH xarunteda Boosaaso.
Booliska ayaa gacanta ku haya waqtigaan gacan dhiiglahaas oo ka mid ahaa koox dhaca ka gaystay xawaalada KAAH waxana dhamanba ragii losoo qabtey falkaan la horgendoona Sharciga sida ay sarakiishu sheegen .
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio
Xafiiska Gaalkacyo