Image may be NSFW.
Clik here to view.Boosaaso[RBC Radio] Banaanbax Xoogan oo si weyn looga soo horjeeday Madaxweynaha Puntland Cabdirixmaan Shiikh Maxamed Faroole Oo Maanta ka dhacay magaaladda Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland.
Banaanbaxa oo bilowday Saaka oo Jimce ah ayaa waxaa si weyn uga qeybqaatay dadka ku dhaqan magaaladda kuwaas oo u badnaa dhalinyaro si weyn u diidanaa Siyaasadda Xukuumadda talada haysa iyo Madaxweynaha Puntland Faroole.
Dadka Banaanbaxa Cabashada ah dhigaayey oo Socod kasoo bilaabay Isbitaalka Puntland ayaa watay Boorar ay ku Xardhanaayeen Erayo ka dhan ah Madaxweyneyanaha Puntland iyo Jiritaanka Xukuumadiisa sida:
01. Dawladdu wey dhacday!
02. Diin Caaye doonimayno!
03. Faroole waa Burbur!
04. NO Faroole.
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Sidoo kale dadka badankoodu waxay ahaayeen kuwa aad uga Careysnaa Hanaanka maamulka ee dawladda iyagoona usoo Jeediyey Madaxweynaha Puntland Cabdirixmaan Faroole in wakhtigiisu dhamaaday xilkana sida uga dhakhsaha badan u baneeyo.
Waxaa hakad ku yimid u socodka dadka Gaadiidka ku kala gooshta magaaladda daafaheeda,waxaana muddo kooban socotaya rasaas ay ridayeen laamaha amniga kuwaas oo dadka ku kala eryaayey balse taasi ma noqon ee dadku waxayba fariisteen Bartamaha Wadada Gaaca iyo Agagaarka Hotel Jubba.
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Ciidamo badan oo u ka dhaxmuuqday Taliye Kuxigeenka Qeybta Booliska gobolka Bari Jaqanaf ayaa soo gaaray goobta Banaanbaxu ka socday,waxaana dadka ay u sheegeen in Xaalada la dejiyo loogana baahanyahay in dib ugu noqdaan guryahooda.
Gen Cadde Muuse!!
Madaxweynihii hore ee Dawladda Puntland Gen Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde) oo maray wadada Banaanbaxu ka socday ayaa dadka dhigaayey u sheegay in Xaalada dejiyaan isla markaana aysan ku dhaqaaqin tilaabo amniga wax u dhimaysa.
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Banaanbaxaan oo Joogsaday markii loo dareeray Salaada Jimcaha ayaa noqonaya kii Saddexaad oo laba bilood gudahooda ka dhaca magaaladda Boosaaso kaas oo looga soo horjeedo Madaxweynaha Puntland Cabdirixmaan Faroole.
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Image may be NSFW.
Clik here to view.
______________________________
RBC Radio
Xafiiska Boosaaso