Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Mamulka Jaamacada Boosaaso oo sheegay in horumar la taaban karo ay jaamacadu samaysay mudii koobanayd ee ay Garowe ka shaqaynaysay(Sawirro)

$
0
0

Garoowe[RBC Radio]Jaamacada Boosaaso (University of Bosaso) waxay ka mid tahay jaamacada ka hawlgala gudaha wadanka Soomaaliya ee sanad walba soo saara boqolaal arday oo baratay kulayadaha kala duwan ee ay Jaamacadu bixiso.

 

Jaamacad Bosaso (University Of Bosaso) waxay ka asaasantay Machadkii la oran jiray Boosaaso Collage oo aad ugu caan ahaa Waxbarasho tayasan iyo horumarinta bulshada, waxaana jaamacadu ay mudo yar oo ay jiray ku talaabsatay horumar muuqda oo arday iyo bulshaba la wada qiray.

 

Bilowgii sanadkan waxay jaamacadu xarun cusub ka furay magaalada Garowe ee caasimada Punland kadib markii ay daraaseeyeen baahida waxbarasho ee magaaladan ka jirta iyo dalabaadka ardaydu ay u soo dirayaan maamulka Jaamacada.

 

Xarunta jaamacada Bosaso ee Garowe oo shaqaynaysa mudo aan ka badnayn 3 bilood ayaa Maamulka Jaamacada Boosaaso ee Garowe Campus wuxuu sheegay in Jaamacadu ay samaysay horumar la taaban karo mudadaasi kooban ee ay magaaladan Garowe ka jirtay.

 

C/naasir Xirsi Jaamac oo ah Maamulaha Jaamacada (University of Bosaso – Garowe Campos) oo arrintan faahfaahin ka siiyay warbaahinta ayaa sheegay in ay jaamacada iska diiwaan galiyeen arday cusub oo farabadan mudadii koobnayd ee ay magaaladan Garowe ka shaqaynaysay, wuxuuna carabaabay in sare ay u qaadeen tayada barayaasha iyo manhajka jaamacada si ardaydu ay u hesho aqoon ku filan oo mustaqbalka ay naftooda iyo dalkoodaba wax ugu qaban karaan.

 

Maamulaha Jaamacada C/naasir Xirsi Jaamac mar uu kula hadlayay ardayda Jaamacada kulan dhawrkii biloodba ay mar jaamacadu u qabato ayaa sheegay in jaamacadu ay dadaalo dheeraad ah ku bixinayso si ardayda uga haqab tirto baahida waxbarasho islamarkaana ay mustaqbal wanaagsan uga gaaraan waxbarashada ay wadaan, wuxuuna ku dhiirigaliyay in ay dadaal dheeraad ah sameeyaan si ay u heelaan aqoon ku filan oo ay noloshooda iyo shaqooyinkooda mustaqbalka ku maareeyaan.

 

C/risaaq Axmed faarax oo ah maamule ku xigeenka Jaamacada Bosaso (University of Bosaso) farceeda magaalada Garowe ayaa isna faahfaahin ka bixiyay kulyadaha ay jaamacadu bixiso, wuxuuna sheegay in jaamacadu ay bixiso kulyado farabadan oo ahmiyad gaar ah leh, kuwo kaloo badana ay qorshaynayso in muqstaqbalka dhaw ay jaamacada ku soo kordhiyaan.

 

Maamulka ku xigeenka jaamacadu wuxuu sheegay in jaamacadu ay bixiso kulyadaha kala ah :-

1. Social Science Takhasuska Community Development;

2. Commerce and Modern Management Takhasuska Accounting and Finance;

3. Health Science Takhasuska Nutrition;

4. Sharea and law Takhasuska “Diraasaad islaamiya”.

Jaamacada Boosaaso University faraceeda Garowe waxay kaloo bixisaa bixisaa Luuqadaha sida English-ka iyo Carabiga.

Jaamacada Bosaso waxay kaloo dadka waxbarashada jecel u fududaysay Certificate-yada iyo Diplomooyinka maadooyinkan iyo kuwo kaloo farabadan oo dhamaantood ahmiyad weyn u leh bulshada iyo dadka baranayaba.

 

C/naasir Xirsi Jaamac oo ah Maamulaha Jaamacada (University of Bosaso – Garowe Campos) wuxuu warbaahinta u sheegay Jaamacaddu in ay xiriirro dhawr oo wadashaqyaneed la leedahay Jaamacado farabadan oo ka mid ah kuwa Wadamada Islaamka iyo Caalamka kale oo ay jaamacadu u fududayso ardayda doonaysa iyo qaab online ah wax uga bartaan Bachelors degree iyo Master kaba.

 

Jaamacada Boosaaso waxay aqoonsiyo ka haystaa wadashaqayn dhawna la leedahay Wasaarada Waxbarashada ee Puntland, Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya iyo daladaha waxbarasho ee dalka ka jira, waxaana shahaadadeeda aqoonsan sida uu maamulka Jaamacadu noo sheegay wadamo farabadan oo Africa iyo Carabtaba ka mid ah.

DSC00685 DSC00686 DSC00687 DSC00688 DSC00689 DSC00690 DSC00691 DSC00692 DSC00694 DSC00696 DSC00698 DSC00700 DSC00703 DSC00705 DSC00707 DSC00708 DSC01302 DSC01303 DSC01304 DSC01305 DSC01307 DSC01308 DSC01315 DSC00696 DSC01305

 RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles