Muqdisho(RBC Radio) Warar goordhow ina soo gaaray ayaa ku waramaya in gudoomiyaha hay’ada culimada Soomaaliyeed uu ka badbaaday isku day dil oo la doonayey in lagu khaarajiyey wararka ayaa tilmaamaya in gaariga Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ah gudoomiyaha hay’ada culimada Soomaaliyeed lagu xiray walxaha qarxa.
Gaariga Sheekha ayaa la sheegayaa inuu qarxay xili uu marayey wadada Taleex ee degmada Hodan agagaarka KM-4 waxaana la sheegay in qaraxu uu ka dhashay walxaha qarxa oo lagu xiray qeybta danbe ee gaariga Sh. Bashiir,waxaana marqura qarxay gaaarigii Sheekha balse wararka aynu heleyno ayaa xaqiijinaya in Sh. bashiir uu ka badbaaday isku dayga la doonayey in lagu dilo.
Wararka ayaa tibaaxay in gaariga Sheekh Bashiir oo nuuciisu ahaa (Roneed) kursigiisa danbe lagu xiray walxaha qarxa kuwaas oo sida la sheegay lagu hagayey taleefanka gacanta ee Mobile-ka mana jirto cid wax ku noqotay marka laga reebo burbur xooganoo uu qaruxu u geystay qeybaha danbe ee baabuurta uu watay Sh. Bashiir Axmed Salaad gudoomiyaha hay’ada culimada Soomaaliya.
Ilaa hada ma jirto cid si rasmi ah u sheegatay qaraxa la doonayey in lagu khaarajiyo gudoomiyaha hay’ada culimada Soomaaliyeed,Sheekha ayaa si cad uga hor yimi fikirka alshabaab isagoona marar fara badan si kulul u dhaleeceeyey afkaaraha alshabaab.
RBC Radio
Xafiiska Wararaka Muqdisho