Buulo-barde(RBC Radio) Wararka naga soo gaaraya degmada Buulo=barde ee gobolka Hiiraan ayaa ku waramaya in daqiiqado ka hor ay halkaas alshabaab ku toogteen gabadh dhalinyaro ah, alshabaab ayaa ku eedeeyey haweeneyda ay dileen iney ku hawlaneed Muqdisho fal Jaasuusnimo ah.
Xaakimka maxkamada xukunka ku riday Gabdhan ay maanta toogteen alshabaab ayaa sheegay in haweeneydan laga soo qabtay magaalada Baraawe ee gobolka Shabeelaha hoose,wuxuuna sheegay iney gabdha lagu helay laguna cadeeyey iney calaamad Cas oo isku tallaab ah ay ku qortay 7 guri oo ay leeyihiin Saraakiil ka tirsan alshabaab sida uu sheegtay.
Warar aan ka heleyno degmada Buulo-barde ayaa sheegaya in Gabdha ay maanta alshabaab toogteen ay shalay kala dageen gaari rakaab ah oo ka yimi magaalada Muqdisho kuna sii jeeday magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Dadlka ku dhaqan degmada Buulo-barde oo aan xiriiro la samaynay ayaa sheegaya in Gabdha ay alshabaab toogteen ineysan ka mid ahayn dadka deegaanka,dad badan ayaa la yaaban dilka Gabadhan ay alshabaabku ku eedeeyeen iney Jaasuuska ahayd.
Alshabaab ayaa gudaha dalka Soomaaliya ku dilay dad badan oo rayid ah kuwaas oo ay ku eedeeyeen iney falal basaasnimo ah ku hayeen alshabaab,maxkamadaha alshabaab ee xukunada ku riday dadka ayaan u shaqayn sida looga bartay maxkamada kale,waxaana laga war helaa go’aanka oo ay ridaan balse lama soo bandhigo daliilo muujinaya xukunka la riday.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho