Oslo(RBC Radio) Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ax’ed Sheekh Cismaan Jawaari iyo waftiga uu hogaaminayo oo ku sugan magaalada Oslo ee dalka Norway ayaa waxaa xalay magaalada Oslo Casho sharaf ugu sameeyey R/wasaarihii hore ee dalka Norway Bendevic.
R/wasaarihii hore ee dalka Norway ayaa ku amaanay baarlamaanka Soomaaliya doorka wanaagsan ee ay ka qaateen isbedelka dhanka maamulka ah ee ka hirgalay wadanka Soomaaliya wuxuuna sheegay in baarlamaanku ay kaalin wax ku ool ah ka qaateen dhisida dowlada federaalka ah ee Soomaaliya,wuxuuna ku booriyey mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya iney sii wadaan dadaalada ay ugu adeegayaan bulshada Soomaaliyeed.
Bendevic R/wasaarihii hore dalka Norway ayaa daboolka ka qaaday in dowlada iyo shacabka wadanka Norway ay si diiran dalkooda ugu soo dhaweynayaan gudoomiyaha baarlamaanka iyo waftigiisa oo ay ka mid yihiin Gudoomiye xigeenka koowaad ee baarlamaanka iyo dhamaan gudiyada baarlamaanka.
Max’ed Sheekh Cismaan Jawaari oo isne goobta ka hadlay ayaa ka mahad celiyey soo dhaweynta loogu sameeyey dalka Norway intii ay ku sugnaayeen isagoona si gaar ah uga mahad celiyey R/wasaarihii hore ee dalkaas Bendevic casha sharafta uu waftiga u sameeyey.
Gudoomiyaha baarlamaanka oo ku sugan dalka Norway ee qaarada Yurub halkaas oo uu wada hadalo kula leeyahay madaxda dalkaas kuwaas oo ay ka wada hadlayaan sidii dalka Norway uu gacan u siin lahaa baarlamaanka Soomaaliya.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho