Kismaayo[RBC Radio]Magaaladda Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaa lugu wadaa inay guddaha magaaladda faarujiyaan ciidamada malatariga ah ee kusugan iyadoona ay badali doonan ciidamo si gaar ah utababaran oo boolis ah.
Guddoomiyaha amniga ee maamulka KMG ah ee magaaladda Kismaayo Maxamuud Khaalid oo warbaahinta kula hadlay magaaladda Kismaayo maantay oo Axad ah ayaa sheegay in guud ahanba ay magaaladda gudaheda faarujin doonan ciidamada malatariga ah ee ku dhex sugan ayna badali doonan ciidama si gaar ah loo soo tababaray kuwaasi oo ah ciidamo Boolis ah,waxana uu in taasi ku daray in looga goleyahay soo afjarida dhibaatoyinka ay shacabku kala kulmaan ciidamada malatariga ah ayna xiligaan garten in ciidamo boolis ah la keno magaaladda si ay uga howlbilaaban gudaha magaaladda Kismaayo lona saro ciidamada malatariga ah.
“Waxii maalinta bari ah ka danbeyay magaaladda Kismaayo waxaa imanayo ciidamo boolis ah waxana magaaladda laga saaraya ciidamada malatariga ah ee kusugan gudaha magaaladda,arintan waxaa ay timid kadib markii ay soo baten cabashadda shacabka ka imanaysa ee ku aadan inay dhibaato kala kulmaan ciidanka maalatariga waxana talabo ka qaadena askarigi dhibaato ay ka soo sheegtay dadweynaha booliskana waxan amar ku sinay inay sharciga hor kenan askarigi ka tirsan ciidamada malatariga ee dhibato geesanayaa”waxaa in taas hadal kisaa ku soo qaday Guddoomiyaha amniga ee maamulka KMG ah ee magaaladda Kismaayo Maxamuud Khaalid.
Maxamuud Khaalid Guddoomiyaha amniga ee maamulka KMG waxaa uu si cadd usheegay in booliska magaaladda ka howlbilaabaya ay yihiin boolis Soomaaliyed.
Maxamuud Khaalid ayaa in taasi ku daray in dhawan ay bilaabi doonan dagaalo ka dhan ah xarakada alshabaab deegaanda ay kaga sugan tahay gobolka Jubbada Hoose waxana uu sheegay in dagaalka ay bilaabi doonan 18-bisha April ee aynu ku guda jirno.
Waa marki ugu horeysay oo maamulka KMG ah ee magaaladda Kismaayo ay sheegan in ciidamo boolis ah magaaladda ka howlbilaabi doona lana saari doono ciidamada malatariga ah ee horay magaaladda gacanta ugu hayey.
Magaaladda Kismaayo ayaa xiligaan ammaankedu wanagsan yahay waxaana ammaanka ka qeyb qadanaya ciidamada kuwada sugan.
RBC Radio
Xafiiska Kismaayo