Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Dowlada Soomaaliya oo Maamul cusub u Magacowday Gobolka Hiiraan

$
0
0

Beledweyne (RBC Radio) Wasiirka wasaarada Khayraadka dalka C/risaaq Cumar Max’ed iyo wafti uu hogaaminayo oo ay ka mid yihiin mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ,waxaana la socda waftiga wasiirka Khayraadka maamul cusub oo dowladu ay u magacowday gobolka Hiiraan.

Wararka horu dhaca ah ee kasoo baxaya safarka wasiirka Khayraadka oo aan wali warbaahinta hadal siin  ayaa tilmaamaya in ujeedka socdaalka wasiirka Khayraadka xukuumada Soomaaliya C/risaaq Cumar Max’ed uu salka ku hayo sidii ay xilalka ula kala wareegi lahaayeen maamulka cusb iyo maamulkii hore ee gobolka Hiiraan.

Wararka ayaa sheegaya in Cabdi Faarax Laqanyo loo magacaabay gudoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan kaasoo maamulka gobolka kala wareegi doona gudoomiyihii hore ee gobolkaas C/fataax Xasan Afrax oo dowladu ay xilkii ka qaaday.

Waxaana sidoo kale dowladu ay magacowday dhamaan maamulka gobolka Hiiraan min heer degmo ilaa tuulo waxaana lagu wadaa in xiliyada soo aaddan in gudaha magaalada Beledweyne lagu qabto munaasabada xil wareejinta maamulka gobolka Hiiraan.

Dowlada Soomaaliya ayaa maalmahan danbe ku hawlan hirgalinta maamulo kumeelgaar ah oo ay yeeshaan gobolada iyo degmooyinka dalka Soomaaliya kuwaas oo xilka haynaya muddo Lix Bilood ah.

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles