Muqdisho(RBC Radio) Dacwo ka dhan ah hogaamiyaha ugu sareeya ururka alshabaab Axmed Godane oo alshabaabay ugu yeeraan Sh. Mukhtaar C/raxmaan Abu Zubeyr ayaa loo gudbiyey hogaamiyaha guud ee urur weynaha Al-qaacida Ayman Al-dawaahiri waxaana waraaqda dacwada ah ka gubiyey hogaamiye sare oo ka tirsan alshabaab.
Waraaqda dacwada ah ayaa waxaa hogaamiyaha Al-qaacida u gudbiyey ku xigeenka koowaad ee Axmed Godane Ibraahim Xaaji Jaamac Miicaad oo loo yaqaan magacyo ay ka mid yihiin Ibraaahim Afqaan iyo Abubar Al-Saylici,wuxuuna si weyn uga cabanayaa hogaamiyaha alshabaab Axmed Cabdi Aw-Godane .
Abu Bakar Al-Saylici ayaa u sheegay hogaamiyaha Al-qaacida in masuulka ugu sareeya dhaqdhaqaaqa alshabaab uu ku tagri falay masuuliyadii loo igmaday ee ahaa hogaaminta sida uu sheegay Mujaahidiinta iyo ka miro dhalinta Jihaadka balse uu la leexda dhamaan arimahaasi Mukhtaar c/raxmaan Abu Subeyr.
Waraaqda uu Ayman Al-dawaahiri u diray Abu Bakar Al-Saylici ayaa waxaa lagu daabacay warbaahinto taageera alshabaab kuwaas oo wax ku qora afrka Carabiga,waraaqda cabashada ah oo ka koobneed in kabad 15 baal ayaa waxaa lagu sheegay in alshabaab ay u baahan yihiin hogaan wanaagsan oo ka turjumi kara kana miro dhalin kara Ujeedka alshabaab ee ah dhisida dowlad Islaami ah oo ka hirgasha dalka Soomaaliya.
Waxaana sidoo kale ku qornaa waraaqda uu Ayman Al-dawaahiri u diray hogaamiyaha sare ee ka tirsan alshabaab iney doonayaan in la dhiso maxkamad kala saartay hogaamiyaasha alshabaab marka ay is qabtaan sida oo kale,wuxuuna ku eedeeyey hogaaamiyaha ugu sareeya alshabaab inuu dhibaato baaxad leh ku hayo hawlaha Jihaadka ka socda Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.
Waraaqda ayaa muujineysa in Ibraahim Afqaan uu qirsan yahay in alshabaab ay tabardareeyeen xiligan kadib markii sida uu sheegay la marin habaabiyey ujeedooyinka dagaalka ay ka wadaan Soomaaliya,wuxuuna Axmed Godane ku eedeeyey inuu dhibaato ku hayo ajaanibta ka barbar dagaalama alshabaab kuwaas oo qaar kamid ah uu Khaarajiyey halka qaarne ay wali baxsad ku yihiin gudaha Soomaaliya iyagoo ka cabsi qaba in la dilo.