Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20136

Xidhibaan Nuur Faarax “Kismaayo waxan kusoo aragnay dad u heellan inay dhistaan maamul goboleed”

Image may be NSFW.
Clik here to view.

Kismaayo[RBC Radio]Waxaa magaaladda Muqdisho dib dhawaan ugu labtay  xildhibaanadii baarlamaanka Soomaaliya ee dhawaan gaaray Kismaayo kuwaasoo u soo kuur galay xaaladda deegaanka iyo shirka socda magaalada Kismaayo, waxana maantay ay qorshaynayaan kulan arimahaasi ay ku jeexjeexayaan oo ay la qaataan guddoonka sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

 

Xidhibaan Nuur Faarax oo ka mid ahaa mudanayashi baarlamaanka ee dhawaan yimid magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ee ka qayb galay Taagista Calanka dawlad goboledka juba-land ayaa waxaa uu fahfahin ka bixiyay waxyaabihii usoo qabsomay mudadi ay kusugnaayen magalada Kismaayo,
Xidhibaanka ayaa sheegay in ay la kulmeen qaybaha kala duwan ee bulshada gaar ahaana odayasha dhaqanka iyo Ergooyinka ka qayb galaya shirka maamul usamaynta jubBa-land , waxaana uu hoosta ka xariiqay in waxyaabo badan mudadas ay u qabsomen oo ay kamid tahay in ay ka dhaadhiciyaan masuuliyinta maamulka KMG ah in ay sii amba qaadan wadahadaladii usocday iyaga iyo madaxda dawlada gaar ahaana xukuumada uu hogaamiyo R/Wasaraha dalka Cabdi faarax shirdoon “Saacid” oo uu fashil ku yimid wajigii koobad ee wadahadaladii ku dhex maray magaaladda Kismaayo,

 

Xildhibaan Nuur Faarax ayaa dhinaca kale tilmaamay in ay Kismaayo ku soo arkeen dad u heellan inay dhistaan maamul goboleed, isagoo dhanka kalana sheegay inay hada qorshaynayaan sidii madaxda dawladda Soomaaliya ay oga dhaadhicin lahaayeen inay taageeraan shirkaasi, xildhibaanku sidoo kale waxaa hadalkisaa ku soo qaday inay isku hawleen sidii ay ugu kala dabqaadi lahaayeen DF iyo maamulka KMG ee Kismaayo.
Mar xildhibaanka wax laga waydiyay xaaladda nololed ee dadka ku nool gobolada Jubba-land gaar ahaana magaaladda Kismaayo ayaa waxaa uu ku jawaabay in ay magaaladda Kismaayo kasoo kabanayso burburkii soo garay sanado kahor,hase ahaate ay magaaladda aad ugu yar yihiin qaybaha kala duwan ee adeega bulshada gaar ahaana caafimadka oo uu sheegay in ay caqabad ka hasato dadka reer Kismaayo.
Ugu danbayn xildhibaan Nuur faarax waxaa uu ugu baaqay dadka reer jubba-land in ay gacmaha is qabsadaan midnimadana ay ilaaliyaan xildhibaanada baarlamankuna hiil iyo hooba ay la garab taagan yihiin.

 

RBC Radio
Xafiiska Kismaayo

Use Facebook to Comment on this Post

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20136

Trending Articles